Advertisements
Thursday, July 9, 2020
Home Dhaqaalaha Waa Maxay Ifafaalaha Deyncafinta Soomaaliya?

Waa Maxay Ifafaalaha Deyncafinta Soomaaliya?

Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF ayaa Khamiistii February 13, 2020 shaaciyay in ay tixgelin doonaa uqalmidda Soomaaliya barnaamijka deyn cafinta gaarka ah ee dalalka soboolka ah “Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative.” Bishaaradaas weyn waxay ka dhalatay qiimeynta warbixin hordhac ah oo laga soo gudbiyay hawlaha dibuhabaynta maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wafdi ay hoggaamineysay Allison Holland oo ka tirsan IMF, ayaa January 6dii ilaa 16dii magaalada Addis Ababa kula shirtay wafdi Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda, kana mid ahaayeen Wasiirka Qorshaha, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Xoghayahayeyaasha Guddiyada Maaliyadda Aqalka Sare iyo Golaha Shacbiga, halkaas oo lagu gaaray heshiis horudhac ah, oo la xiriira dibuhabaynta saddex-sanadlaha ah ee dhaqaalaha.

Soddoonkii sanadood ee la soo dhaafay, Soomaaliya awood uma lahayn inay hesho taageerada Bankiga Adduunka qaybta IDA (deyn aan dulsaar lahayn iyo gargaar horumarineedba), haraadi deymo ay ku lahaayeen IMFta, Bankiga Addunka (WB) iyo Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB) awgeed.

Bishii December 2019, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxeexay kharash bixin dhammaystiran oo uu ku oggolaanaayay wejiga 1aad ee deyn cafinta Soomaaliya. Dowladda Maraykanka keligeed waxay dalka ku leedahay deyn dhan 1 bilyan doolar.

Agaasimaha Guud ee IMF Marwo Kristalina Georgieva ayaa horey u sheegtay in guddiga fulinta hay’adda ay oggolaadeen qorshe dalalka xubnaha ka ah hay’adda lacag looga soo ururinayo, si loo daboolo deynta ay ku leedahay Soomaaliya. Go’aanka kama dambeysta ah ee deyn cafinta waxaa la filayaa in la gaari doono dhammaadka bisha February, kaddib markii maaamulka sare iyo guddiga fulinta IMFtu helaan dammaanad lagu qanco.

October 2019 ayaa dowladda Norway amaahisay Soomaaliya lacag hormaris ah oo dhan 3.135 billion Krone oo ah lacagta Norway, si loogu bixiyo deynta haraaga ah ee Bankiga Adduunka. Guddoomiye David Malpass, ayaa Khamiistii dhawayd sheegay in “Bankiga Adduunka uu qorsheynayo inuu u bandhigo howlgalka lagu tirtirayo deynta laantiisa IDA dhammaadka bisha February” (VOA Africa 14/02/2020).

Sidoo kale, Great Britain (UK) ayaa kafaalaqaadday inay u hormarinayso Soomaaliya amaah lagu bixin doono deynta Bankiga Horumarinta Afrika ku leeyahay dalka. Dowladda Qadar ayaa iyadana ballanqaadday in ay ka bixin doonto qayb dhan 150 malyan doolar deynta IMFta ay ku leedahay Soomaaliya oo dhan 330 malyan doolar.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegayaan, in Marwo Kristalina Georgieva warqado u kala dirtay 189ka dal ee xubin ka ah IMFta, si ay uga qeyb galaan qaaraanka. Habka culeyska la wadaago ee sanduuqa ayaa ah siyaasad ay ansixisay Guddiga Fulinta IMF sanadku markuu ahaa 1986kii.

Inkastoo aan liiska dalalka bixiyay aan la soo bandhigin, haddana qaaraan aruurinta si wanaagsan ayay u socotaa, balse weli ma dhammaystirna. Dowladda Canada ay ballan qaadday inay bixin doonto 8.1 malyan doolar, sidoo kalena dalka Bangladesh ay ku wareejinayo IMF 0.70 malyan Special Drawing Rights (SDR), halka dalka Sri Lankana uu bixiyay ku dhawaad hal milyan oo doolar oo u dhiganta 163 milyan ee Rubbiyada dalkaas.

IMFta waxay Soomaaliya ku leedahay SDR 242 malyan oo u dhiganto 330 malyan doolar. Soomaaliya waxaa sanduuqa IMF u taal SDR 17.6 malyan keliya. Special Drawing Rights (SDR) waa lacag u yaal caalami ah oo ay IMF abuurtay 1969kii, loona adeegsado ujeeddooyin xisaabinta gudaha ah.

Dakhliga oo kordha ayaa muujinaya in dalku hiigsanayo isku fillaasho. Soomaaliya sanadkii 2019 waxuu dakhligeeda kordhay 29%, kadib markii la hirgeliyay siyaasadda cusub ee canshuuraha awgeed.

Mar alla markii Soomaaliya ay gaarto marxaladda dhammeystirka “Decision Point,” ee HIPC waxay u qalmi doontaa deyn aan shuruud lahayn, sida “Extended Credit Facility (ECF) and Extended Fund Facility (EFF),” oo ay bixiso laanta IDA ee Bankiga Adduunka.

Qaanta dalka lagu leeyahay oo dhan 5.3 bilyan waxay ahayd asalkeedi $1.9 bilyan, waxaase ku kordhay 30 sanadood oo dulsaar iyo ganaax ciqaabeed ah, (Jamhuriyadda – July 18, 2018). Dalka waxuu dib ula heshiisay IMF 2013kii, iyadoo la oggolaaday in la raaco jaangooyada dibuhabaynta nidaamka maaliyadda iyo dhaqaalaha ee hay’adaha maaliyadda caalamka.

Haddaba, haddii la xalliyo deynta Soomaaliya waxay helaysaa deeq dhan 300 malyan sanadkiiba ilaa seddax sanadood. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyleh isagoo la hadlayay Reuters ayuu yiri “taasi [deeqdaasi] waxay noo surtaggelinaysaa inaan  ku bixino mashaaciida lagu dhimayo saboolnimada, iyadoo lagu hormarinaayo waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka, korna loogu qaadayo biyaha iyo korontada, laguna maalgelinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee saldhigga ah” (Reuters – October 20, 2019).

Dadka ka soo horjeeda in daynta laga cafiyo Soomaaliya ayaa waxay ku doodaayaan in deyn cafiska uu kordhin doono musuqmaasuqa. Hase yeshee, mowqifkaas waxuu ka ilduufayaa dhowr arrimood oo kala ah:

  • In qoondada loogu talaggalay adeegyada bulshada ee miisaanidda DFS ee 2020 oo dhan 13.5% (boqolkii 13 iyo bar), aysan ku filneyn baahida adeegyada asaasiga ah ee bulshada;
  • In kordhinta helitaanka waxbarashada ay wax weyn ka tari karto horumarinta Soomaaliya;
  • In haddii aan deynta la cafin, Soomaaliya ay markaas bixin doonto deynta lagu leeyahay, taasoo ah kaddaroo dibi dhal!

Shaki kuma jiro, in xilka warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah uu yahay kula xisaabtanka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada barnaamijkooda la dagaallanka musuqmaasuqa, weliba waxaa laga sugaayaa dowladda dhexe inay kordhiso kharashyadeeda adeegga bulshada, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo waxbarashada ardayda ku nool gobollada ay ku badan yihiin barakacyaasha iyo dadka saboolka ah. Waxbarashada carruurta oo laga ildhuufo amase dib u dhacda waxay xujo ku noqon kartaa horumarka dowlad-wanaaga iyo koboca dhaqaalaha dalka oo muhiim u ah hannaanka deyn cafinta kama dambeynta ah.

CabdulQadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan dhammeystirneen oo la cusbooneysiin karo ama dib loo eegi karo mustaqbalka. Haddaba, haddii aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Most Popular

Taariikh Nololeedka Hassan Ghedi Santur

Qoraaga  magaciisa marka la adeegsado higgaadda af-Soomaaliga waa Xasan Geeddi Santuur.  Magacan ayaan u adeegsanaynaa taariikh nololeedkiisa iyo falanqayanta bugaagtiisa.

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga?

Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa...

Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Dimuqraaddiyada waa nidaam nabdoon oo lagu xalliyo khilaafka iyo kala aragti duwanaanta. Balse, jiritaanka dimuqraaddiyada waxaa shardi u ah, shan arrimood: (b)...

Inteebu Mareykanka Ku Leeyahay Dadaalka Dib u Soo Kabashada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya oo ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, marnaba ka ma maqneyn maanka Washington tan iyo...

Recent Comments

%d bloggers like this: