Maxaa Sababay in Maanta Awoodaha Caalamka ay Dibusaaraan Diiradda Soomaaliya?

Toddobaadkii dhawaa Soomaaliya – koofur iyo waqooyiba, waxaa ka dhacayay doodo qaran, haddana waxaa muuqata in ficil celinta siyaasadeed ay dad badan tashwiish ka gelisay halka loo socdo.

Ergayga Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti, ee uu fadhigiisu yahay magaalamadaxda Jabuuti Danjire Mikhail Golovanov, ayaa beeniyay in dalkiisu daneynayo inuu saldhig ciidan ku yeesho dekadda Berbera. Intaas wuxuu raaciyay, in Moscow wax wadahadal ah (gorgortan) oo arrinkaas ku saabsan aysan mas’uuliyiinta khuseyso la yeelan.

Wax yar ka hor hadalka diblomaasiga, waxaa magaalada Addis Ababa ku kulmay Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulankaas wuxuu u muuqdaa inuu yahay tallaabo muhiim u ah xasilloonida iyo nabadda dal iyo dad colaadi ragaadisay.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo maalmahaas booqasho ku tegay magaalada Addis-Ababa, ayaa kala hadlay Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed arrimaha Soomaaliya. ​Waxaa muuqata in Mareykanka uu culays militari, siyaasadeed iyo mid dhqaaleba dul dhigay in xasillooni iyo nabadba loo helo Soomaaliya.

Haddaba, su’aashu waxay tahay, maxaa maanta dib u soo cusbooneysiiyay muhiimadda awoodaha caalamka ee geyiga Soomaaliya?

In muddo ah, Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah lama lahayn Moscow, waxayna ku jirtay xaalad caro qaboojin ah, kaddib markii Midowga Sovieti uu dagaalkii 1977, kala saftay Itoobbiya xilligii Mingiste Haile Mariam.

Xiriirka Ruushka iyo Soomaaliya ayaa mar walba u jahaysnaa dhinaca maalgelinta ciidamada – qalab iyo aqoonba. Haseyeeshee, burburkii Midowgii Sovieti kaddib, waxaa muuqatay in Moscow ay dhabarka u rogtay Geeska Afrika, inkastoo dekedda Berbera ay u lahayd astaan muhiimad.

Ruushka wuxuu bilaabay inuu dib ugu soo rogaalceliyo dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika kaddib markii dalalka reer galbeedka ah ay ku soo rogeen cadaadin iyo cunaqabateen dhaqaale oo ay sababeen arrinkii Yukraaniya.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa ku doodaya in Moscow si tartiib tartiib ah u buuxinayso doorkii Mareykanka ee qaaradda Afrika. Shirweynahii maalgashiga Ruushka iyo Afrika, oo ka dhacay magaalada Sochi Oktobar 24, 2019 oo ay ka qayb galeen ilaa 43 hoggaamiyeyaal Afrikaan ah ayaa lagu soo bandhigay maalgashi dhan 12.5 bilyan doolar oo u jahaysnaa dhinaca hubka, sahminta iyo soo- saarista kheyraadka dabiiciga ah, kalluumeysiga iyo beeraha.

Shirkadda Rosatom ayaa  qorsheyneysa in dalalka Itoobbiya iyo Masarba ay ka dhisto sadhigyo ku shaqeya tamarta “nuclear power.” Sidoo kale, Ruushku  wuxuu Uganda u dhisayaa warshad sifeysa badroolka, weliba iyadoo bankigeeda “International Agency of Sovereign Development” uu maalgelin dhan 2.5 bilyan la damacsan yahay dalalka Niger, Guinea iyo D.R. Congo.

Yuusuf Gaandi oo falanqeeya arrimaha Afrika ayaa rumeysan in “Moscow aysan deeqsi ku ahayn bixinta gargaarka, balse ay maanta Afrika la garab taagan tahay maalgashi toos ah “foreign direct investment,” oo ka sharuud roon tan galbeedka.”

Waxaa marag maddoonto ah, in Afrika oo la saadaalinaayo inay 2040 ka hor tirada dadkeeda uu kor u sii dhaafi doono 2 bilyan oo qof, ay tahay suuq ay awoodaha waawayn ee caalamka u tartamayaan inaysan fursaddiisa seegin. Waxaa muuqata, in Midowga Yurub uu Afrika diiradda saarayo si uu uga helo fursado dhaqaale oo cusub, kol haddii ay dareemeen in Britain (UK) iyo Mareykanka ay meel cidla ah uga dhaqaaqeen, Ruushka iyo Shiinahana ay dardargelinayaa tartan ay saameyn lixaad leh ku yeelanayaan qaaradda, taas oo ay u arkaan inay ciriir gelin doonto.

Si kastaba ha ahaatee, dib u soo cusboonaanshaha danaha Moscow ee Soomaaliya ayaa u muuqdo inuu walwal hor leh ku soo kordhiyay diblomaasiyadda Mareykanka, taas ayaana la filayaa inay ku kalliftay Washington inay cidna ku hallayn xal u raadinta Soomaaliya oo ay weligeed u haysatay inay tahay xirmo u gaar ah.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Danjire Donald Yamamoto ayaa yiri “Waxaan ku dadaali doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga, loo hormarin lahaa danaha istaraatiijiyadeed ee Mareykanka, loona taageeri lahaa nabadgelyada guud, siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyadoo yoolka himilooyinku yahay horumarinta dhaqaalaha” (VOA News – 02/10/2019).

Marka laga reebo Mareykanka iyo Turkiga, awoodaha caalamka iyo kuwa gobolkaba marna ma yeelan iskaashi ka duwan inay ku dul tartamaan dalka. Warbixinnada dhaqaalaha ayaa muujinayaa in maalgashiga tayada leh ee Mareykanku uu gacan wax tar leh ka geystay koboca waddamada Jarmalka, Japan-ka, Taywaan, Kuuriyada Koofureed iwm.

Dabayaaqadii sanadkii tegay, ayaa shirkii sanadlaha ee Bankiga Adduunka iyo IMF ee magaalada Washington, dalalka Geeska Afrika ku heshiiyeen inay bilaabaan qorshe lagu abuurayo iskaashi dhaqaale, kaas oo lagu dhisayo jawi siyaasadeed ee xasilloon.

Waddamadu waxay isla garteen afar hindiso mashruuc oo mudnaanta la siinayo: (1) In la hagaajiyo isku xirnaanshaha kaabayaasha gobolka; (2) In kor loo qaado ganacsiga iyo isdhexgalka dhaqaalaha; (3) In la xoojiyo adkeysiga (building resilience); iyo (4) In adkeeyo horumarka awoodda muwaaddinka (strengthening human capital development).

Sida la filaayo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxay noqon doonaan kuwa dheeraada, waaba haddii ay waaraan. Haddaba, ma dhici kartaa in wadahadalladan loo wajaho hab caqli ku dhisan caaddifadna ka caaggan, si dalka uu uga faa’iidaysto maalgashiga wato aqoon-wadaag (knowledge-sharing) iyo isku gudbinta teknolojiyada (technology-transfer) oo sahlaya horumar la taaban karo, mise waxay u dhuran doonaan  doodaha fadhi ku dirirka?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply