Konton sano ayaa kasoo wareegatay sannadkii (1970) uu halyayga iyo aabbaha qoraayaasha Soomaaliyeed Nuuruddiin Faarax nasoo hordhigay sheekada mala-awaalka ah ee gabadha uu u bixiyay Ceebla oo jisha sheekada buugga Feerta Qallocan âFrom the Crooked Rib (Kaeeg Faallada buuggan Jamhuriyadda 13 Diseembar 2018).
Buugaani waxaan xusuusta toddobaatameeyadii iyadoo dhallinyadara Soomaaliyeed oo ardayda Jaamacadda Qaranka (JUS) u badan oo wadaagaaya hal buug oo wareeggisa ay mudda dheer qaadanayso. Waxaan kaloo xusuustaa buuggiisa Caano Suusac (Sweet Sour Milk) oo aan kasoo iibsaday dibadda wareeggii akhriska uu galay ugu dambaystiina dibba umasoo noqon.
Konton sano ka hor (1920-22) ayaa nin kaloo Soomaali ah, Cismaan Yuusuf Keenaddiid, isku dayay inuu dadka Soomaaliyeed uu siiyo far u gaar ah oo xambaarta afakooda, suugaantooda, hiddahooda iyo wax waliba oo ay gaar u leeyihiin. Cismaan abaal marin ma helin, balsee waxaa uu gumaystihii Talyaaniga ku tuuray xabsi kuna sugay kadeed, iyo musaafiris. Cismaan wuxuu geeriyooday isagoon ebyin hawshuu billaabay. Waxaa dad badani ay moog yihiin in gumaystaha Talyaaniga uu ku soo rogay Dalka Soomaalida uu bobay sharci ka dhigaayaa dembile qofka Soomaaliga ah oo adeegsada far Soomaaliyeed, balse loo oggol yahay inu addegsado keliya farta Carabiga, Talyaaniga, Ingiriiska iwm.

Buugga Nuruddiin Feerta Qalloocan waxaa koton-guuradiisi lagu xusay dal shisheeye (Nairobi) halkii dalkiisa hooyo oo kontanka sano uu wax u qorayay waxna ka qoraayay calankiisa hayay xitaa markii calanka uu aasmay. Dhammaan buugaagtiisa waxay khuseeyaan oo ay ku saabsan yihiin dalkiisa. Sikastaba, NF tacabkiisa ma dhumin sababtoo ah waxa uu tusaale iyo horseed u noqday qoraayaal ku dayday af kastay wax ku qoraanba, dalkiisana ugusoo jiiday suugaantiisa magac dheer. Maalin anigoo jooga Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa nin Ingirris ah i waydiiyay dalka aan ka imid markii aan ku iri Soomaaliya ayaan ka imid ayuu igu yiri: âDalka Nuuraddiin Faarax ayaad ka timid soo ma aha?!â
Waxaa kaloo nasoo gartay in buggani laga samayn doono Film, kaaso lagu sameyn doono Hayâadda Sinamada ee Jabuuti .
Wargeska Jamhuuriyadda oo herey uga faallooday dhawr ka mid ah buugaagtiisa ayaa isku dayaaya inuu u dabbaal dego kontan guurrihii buugga Nuuruddiin Faarax isla markaasna xusuusiyo akhristayaasha wargweyska dadaalkii Cismaan Yuusuf Keenaddiid oo boqol sano ka hor (91920-1922) askumay far Soomaaliyeed, inkastoo konton sano ka dib Guddigii Af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Suugaasta iyo Fanka uu doortay [i] fartii uu soo jeediyay Shire Jaamac Axmed.
Axmed Qaasim Cali
[i] Dadaalka farta kuma koobnayn Keenaddiid iyo Shire Jaamac Axmed oo qur. Taarikhda farta Soomaaliyeed waa mid dheer oo ay indheergarad iyo culima fara badan ka qayb qaateen.