Friday, April 19, 2024
Home Caafimaad & Nolol Wasiir Khadiijo Diiriye Miyay Moog Tahay Halista Coronavirus?

Wasiir Khadiijo Diiriye Miyay Moog Tahay Halista Coronavirus?

Dalal badan ayaa xaqiijiyay kiisas cusub iyo dhimasho uu sababay cudurka coronavirus (COVID-19) oo ka dillaacay dalka Shiinaha bishii December 2019kii. Waa caabuq dilaa ah oo ku dhaca neef-mareenka, kaasoo ilaa iyo hadda aan loo helin daawo iyo tallaal looga hortago toona. Sida ay dhaqaatiirtu sheegeen waxaa lagu kala qaadi karaa cudurka coronavirus neefsashada.

Cudurka Coronavirus (COVID-19) waxaa lagu gartaa astaamaha ay ka mid yihiin san duuf ka da’aya, cuno xanuun, qufac, iyo qandho (xumad). Cudurku wuxuu dadka qaar ku noqon karaa mid aad u xun, wuxuuna u horseedi karaa oofwareen, ama dhibaato ku timaada habdhiska neefsashada. Balse waxuu ku sababi karaa dhimasho dadka waayeelka ah iyo kuwa qaba xaaladaha caafimaadka sida cudurrada wadnaha iyo macaanka.

Ilaa hadda 34 waddan ayuu si rasmi ah ku fiday cudurka COVID-19. Tirada guud ee dadka uu haleelay cudurka coronavirus ayaa hadda kor u dhaaftay 80,000 halka ku dhawaad ​3,000 ay u dhinteen (The New York Times February 27, 2020).

Dalka Shiinaha ka sokow, Iran 139 qof ayuu ku dhacay cudurka, oo uu ku jiro Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka dalkaas iyo xubin caan ah oo ka tirsan baarlamaanka. Sagaal iyo toban qof ayaa ku dhintey, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Iran. Taas oo ka dhigan in Iran noqotay dalka 5aad ee heerka dhimashada uu sababay caabuqa coronavirus.  

Cudurka wuxuu ku faafay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Iran, iyo dalalka gobolka Bariga Dhexe ku yaal, sida Imaaraadka, Israaiil, Baxrayn, Ciraaq, Kuwayt, Lubnaan, Cummaan iyo Masar.

Waddamo badan ayaa joojiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Iran. Halka Ciraaq ay xirtay xuduudda ay la wadaagto Iran, dalka Turkey waxuu qaaday tallaabooyin uu ku xaqiijinayo inuusan u soo tallaabin cudurka coronavirus. Dhammaan garoonnada iyo baraha xuduudda la iskaga gudbo ayuu dhigay kooxo caafimaad si ay baaritaan ugu sameeyaan dadka tegaya dalkaas.

Koonfurta Kuuriya ayaa soo tabisay 284 xaaladood oo dheeraad ah oo ku saabsan coronavirus Arbacadii, taas oo tirada guud ee dalka ka dhigaysa 1,261. Tiradaas ayaa la filayaa inay sare u kacdo maalmaha soo socda.
 
Midawga Yurub kiisas cusub ayaa laga xaqiijiyay gaar ahaan waddamadan Austria, Croatia, France, Germany, Greece, Spain iyo Talyaaniga. Intooda badan dadka qaaday cudurka coronavirus waxay booqdeen, ama xiriir la yeesheen dad ka yimid dalka Talyaaniga, halkaas oo mas’uuliyiintu ay la halgamayeen sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka. Waxaana la soo tabiniyaa inuu haleelay cudurka ugu yaraan 325 qof, oo badidoodna ku nool waqooyiga dalkaas, gaar ahaan magaalada aadka u weyn ee Milan oo ah caasimadda dhaqaalaha ee dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Brazil ayaa arbacadii sheegtay in nin 61 jir ah oo dhowaan u safray Sao Paulo kana yimid dalka Taliyaaniga uu ku dhacay cudurka coronavirus.

Sidoo kale, dalka Maraykanka, iyo Australiya ayaa kiisas coronavirus laga xaqiijiyay. Halka Qaaradda Afrika dalka Masar iyo Algeria (Jazaaier) lagu arkay dad uu haleelay cudurka.
                            
Dhanka kale, coronavirus wuxuu sababy in waxsoosaarka warshadaha Shiinaha uu hoos u dhaco kaddib markii shaqaalaha lagu amray inay guryahooda ku negaadaan gobolkana aan lasoo geli karin lagana bixi karin, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka. Taasi waxay saamaysay dhaqaalaha adduunka, maaddaama uu gobolka Hubey iyo caasimaddisa Wuhaan ay yihiin lafdhabarka warshadaha Shiinaha.

Hoos u dhacaas dhaqaale waxaa laga dareemay saamayntiisa adduunka oo dhan, gaar ahaan dalalka horey u maray maaddaama dhaqaalaha Shiinaha uu yahay kan labaad ee adduunka. Ra’iisul-wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa toddobaadkan sheegay in dhabarjabinta ku dhacday dhaqaalaha Talyaaniga ay noqon karto “mid aad u xoog badan.”

Dhanka kale, dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha, oo ay weheliso ka bixitaanka iyo dib-eegista heshiisyada ganacsiga Maraykanka la lahaa adduunka, oo ay dheer tahay walaaca laga qabo saamaynta ka bixitaanka Britain (UK) ee kaga guurayso Midowga Yurub, ayaa waxay ku beertay dhaqaalaha adduunka walaac iyo welwel iyo dhibaatooyin  u horseedi kara  gaabis koboca.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay qaadday tallaabooyin looga hortagayo dhibaatada cudurka coronavirus. Waxay koox caafimaad ka howlgelisay Garoonka Adan Cadde si ay u baaraan rakaabka ka soo degaya garoonka.

Waxaa nasiib darro ah, xildhibaanad ka tirsan Golaha Wasiirrada ay ganafka ku dhufato shaqaalaha caafimaadka ee garoonka ku sugnaa, iyadoo weliba ka timid dalka Turkey oo si weyn cabsi looga qabo inuu saameeyo cudurka coronavirus, maaddaama xuduud wadaag la yahay dalka Iran iyo dalalka Yurub ee uu halakeeyey coronavirus.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wassiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa markii ay kasoo degtay diyaaradda waxaa qalabka lagu baaro dadka dhankeeda ula soo kacay kalkaaliye ka mid ah hawlwadeenada ku howlan baaritaanka dadka soo degaya, balse Marwo Khadiijo ayaa dhan iskaga wareejisay, kaddibna dhexgashay dadweynaha iyada oo aan la baarin.

Hadabba, Wasiir Khadiijo ma waxay yaraysatay shaqaalaha caafimaadka mise cudurka coronavirus? Maxaase khatar ah ka dhalan kara u hoggaan-sanaan la’aanta sharciga, iyo ku tumashada shaqaalaha ka hortagga cudurrada faafa?

Shacabka Soomaaliyeed waxay dowladda dhexe iyo barlamaankaba ka dhowrayaan jawaabo lagu qanci karo.

Balse dad badan waxay isweydiinayaan tallaabooyinka uu ka qaadayo Ra’iisul-wasaare Kheyre xubnaha ka tirsan Golohiisa Wasiirrada, ee aan wadashaqayn u muujin shaqaalaha rayidka ah, iyo ciidamada gudanaya waajibaadkooda qaran!

Si kastaba ha ahaate, Taliska Booliiska Soomaaliyeed waa inay kooxda caafimaad ee jooga garoonka iyo dekeddaba ku xoojiyaan ciidan gacan ka siiya habsami u qabsoomida hawlahood inta dalka uusan ku halaagmin cudurka coronavirus.

Saciid Cabadisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan dhammeystirneen oo la cusbooneysiin karo ama dib loo eegi karo mustaqbalka. Haddaba, haddii aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

Leave a Reply to Caalamla:- Jimcihii March 13, 2020 caabuqa faafa ee CoronaVirus waxaa laga wada helay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Sudan. Dhammaan dadka lagu sheegay cudurkaas waxay socdaal uga yimideen dalalka Mareykanka, Japan iyo Imaaraadka. Walow, cudurka uu December Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments