Thursday, September 21, 2023
Home Faallada Tafaftirka Maxaa Ka Dhalan Kara Dhagarta Ahlu-Sunna!

Maxaa Ka Dhalan Kara Dhagarta Ahlu-Sunna!

Dagaal culus oo dhexmaray ururka Ahlu-Sunna iyo ciidamada dowladda habeenkii Khamiista February 27, 2020 ayaa soo af-jarmay, kaddib markii loo itaal sheegtay dagaalyahanadii ururka Ahlu-Sunna, isna soo dhiibeen. Dagaalka ayaa isku mar ka wada qarxay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee maamul goboleedka Galmudug, taas oo ka dhigeysa fidnadu inay ahayd mid hore loo qorsheeyay.

Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa ilaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn khasaaraha ka dhashay inta uu le’egyahay. Balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay dhimashada ka badan tahay 20 ruux, halka dhaawacuna intaas kor u dhaafay.

Dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen dhimashada ugu yaraan 2 qof oo rayid ah, halka khasaaraha intiisa badan uu soo gaaray ciidamada labada dhinac oo uu dagaalka dhexmaray. Sidoo kale, waxaa jira barakac iyo burbur hantiyeed oo dadka shacabka ah soo gaaray.

Kaddib markii xarunta Inji oo fariisin u ahayd hoggaanka Ahlu-Sunna la go’doomiyay, islamarkaasna ay Ahlu-Sunna waayeen taageeradii iyo gurmadkii ay dadka deegaanka ka filayeen, waxay soo dedejisay in si lama filaan ah isu dhiibaan dhammaan mas’uuliyiintii ururka Ahlu-Sunna ee ku sugnayd xarunta Inji ee Dhuusomareeb, halka waqti kooban lagu soo af-jaray fidnadii ka ololsaneyd degaanka Guriceel.

Ciidamadda XDS ayaa si buuxda ula wareegay saldhigii ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkii la dagaallamayay, xaaladuna waxay ku soo noqotay caadi. Balse, waxaa warbaahinta ka soo wada muuqday Hoggaankii sare ee Ahlu-Sunna, Macallin Maxamuud iyo Sheikh Maxamed Cali Xasan Shaakir oo labaduba sameeyey qiraal cod ah oo ay kaga baxayaan siyaasadda, ayna ku ekaanayaan faafinta diinta si nabdoon.

Sheikh Shaakir ayaa sheegay in xertoodii daacadda u ahayd iyo hubkoodiiba ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaana Taliyaha Guutada 15aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Janan Mascuud Maxamed Warsame. Waxuu sheegay in Taliye Mascuud oo wakiil ka ah dowladda uu qaaday mas’uuliyadda ammaanka madaxda ururka Ahlu-Sunna.

Halka Macallin Maxamuud uu sheegay in urur ahaan ay go’aansadeen in ay u tanaasulaan ummada Soomaaliyeed, si aysan dhibaato badan u dhicin, caddeeyayna in ay go’aansadeen in aysan dib dambe qeyb ka noqon dagaal dad ku dhintaan.

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah, dhibaatada baaxada leh ee uu dagaalka sababay ma noqonayaa mid lagula xisaabtamo hoggaanka Ahlu-Sunna mise kiis ayaanba soo gaarin doonin garsoorka?

Dhanka kale xog uu helay wargeyska Jamhuriyadda ayaa sheegaya in Macallin Maxamuud uu dalbaday in loo gudbiyo deegaanka Puntland- Soomaaliya, si ay ugu suurto gasho inuu u safro dalka Kenya.

Dalabka Macalin Maxamuud, waxuu ku soo beegmay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha maamul-goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad  ku tilmaamay nasiibdarro weyn dagaalkii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku jibiyeen Ahlu-Sunna ee magaalada Dhuusamareeb.

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan inuu jiro xiriir hoose oo ka dhaxeeya hoggaanka Ahlu-Suna iyo maamulka Puntland, islamarkaasna uu jiray dallad dowladda Kenya, Imaaraadka iyo Britain (UK) ku midaynayaan dhammaan mucaaradka ka soo horjeedda dowladda Soomaaliya.

Dalabka Macallin Maxamuud ee safarka Puntland uga gudbayo Nairobi waxuu xoojinayaa eedda dowladda Soomaaliya ay u jeedinaysay xukuumadda Nairobi, oo ah in ay Kenya faraha kula jirto siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, si ay cadaadis u saarto xukuumadda Soomaaliya, iyadoo adeegsanayso mucaaradka, taas oo ay aaminsan tahay inay dowladda Soomaliya ku qasbi karto inay la noqoto dacwada badda ee taal ICJ.

“Waxay noqonaysaa khalad taariikhi ah, haddii dowladda u dhega nuglaato dalabka hoggaanka Ahlu-Suna, islamarkaasna aan lagula xisaabtamin khasaarihii dhacay madaxda Ahlu-Sunna” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan inay jiraan indheer-garad badan oo aaminsan in la soo gaaray xilligii laga gudbi lahaa in xeerjajab lagu dhammeeyo fal dambiyeedyada abaabulan ee weliba hubeysan oo lagu dhaawacayo midnimada iyo danaha qaranka.

Aragtidaas mid lix ku ah ayaa rumeysan in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Sheikh Maxamuud aysan maxkamad horgeyn Muktaar Roobow iyo Daahir Awees, sidaas awgeedna maxkamadeenta Suufiyadu ay adkaan doonto.

Walow, labada aragtiyoodba aysan muran gelineyn in la xabiso, haddana madaxda Ahlu-sunna waxay hormuud u noqdeen in lala dagaallamo ciidamada amniga, taas oo halis ka dhigaya wejiga eedeynta.

Khabiirrada ammaanka ayaa ku talinaya in si degdeg ah looga soo qaado hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna gobolka Galmudug, islamarkaasna aan marnaba loo oggolaan inay ku negaadaan deegaanka ay dhibta ka geysteen.

Saacadihii ugu danbeeyey waxaa si weyn baraha bulshada u qabsaday farriimo taageero ah oo shacabka Soomaaliyeed u dirayeen Ciidamada Xoogga Dalka (XDS) Soomaaliya, iyagoo uga hambalyeenaya hawlgalkii qaatay 24 saac ee lagu soo af-jaray damacii waallida ahaa ee kooxda jid iyo jiho diidka ah ee Ahlu-Sunna.

Dad badan ayaa isweydiinaya xukuumadda Farmaajo iyo Kheyre ma ka dhabayn doontaa ballantii uu qaaday Ra’iisul-wasaare Kheyre oo ahayd:  “Intaan madaxda nahay, ma aqbalayno – nala shaqaysta, haddii kale xukunka waan idinka ridaynaa. Aniga oo ku hadlaya [magaceeyga] iyo kan madaxweynaha waxaan idiin sheegayaa sharafta aan raadinayno kama raadinayno qabqablayaal, waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed.”

Tallo waxay maanta taagan tahay oraahdii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan, Aadan Cadde uu horey u yiri, “dadka waxaa deeqo caddaalad ee caddaalad ha lagu dhaqo.”

Tafiftira Jamhuriyadda

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Tifaftiraha Jamhuriyadda

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments