Axmed Gurey, Halyaygii Caabbiyay Duullaankii Burtiqiiska

W.Q. Ufuk Necast (Tashji), PhD candidate, Turkey. Maqaalka waxaa hore u daabacay wargeyska TRT World Magazine, Turkey 21.1.2020

Axmed Gurey wuxuu ahha haggaamihii ku fidiyay afar dalool saddex dalka Itoobbiya xukunkii imbradhoortyadda islaanka u badnayd ee Adal [Ama Cadal] ee jirtay 1529-43. Inkastoo idiinta slaanka ay soo gartay Itoobbiya qarnigii 7aad ayna saameysay  qabiillada raacatada ahaa oo hareeraha Badda Cas degganaa, si aad u qunyar ayay ugu fidday berriga gudaha Itoobbiya isagoo u gudbay  bariga iyo koonfurta dalkaas. Kaalinta Axmed Guray waa mid aan lala sinnayn marka laga hadlaayo caabbinta duullaanka Burtiqiiska ee aaggan.

Inta u dhexaysay qarniyada 14aad iyo 15aad islaanka si tamar leh ayuu ugu faafay qaaradda Afrika, halkaaso xoogaggii horey u jiray ay ka dhigen wax caadi ah addoonsiga. Hoggamiyayaal muslin ah ayaa soo baxay, kuwaasoo si daran uga soo horjeestay nidaamka xoogagga hore ee duugga ahaa. Boqortooyada masiixiga ah ee Itoobbiya waxaa u xusulduubay hoggaamiyayaal muslin ah oo damcay inay qabsadaan waddada gancasiga oo iskuxirta aaggan iyo Badda Cas. Axmed Gurey wuxuu taariikhda ku galay hoggamiyie geesi ah oo ka soo horjeestay boqortooyada duugga ah Itoobbiya iyo taageeraheeda koowaad ee  Imbradhooriyadda Buruqaal.

Gurey oo loo yiqiin fitaaxiyihii  (Al Ghazi) wuxuu ahaa geesi adag oo la dagaallamay Cristovao da Gama oo ahaa wiilkii Burtiqiiska caanka ahaa ee Vasco Da Gama.

Halka uu Cristovao da Gama uu usoo hiiliyay Lebna Dengel, boqorweynaha Itoobbiya; imbiradhooriyadda Ciumaaniyiinta [Eee Turkiga] waxay xooggeda saartay taageerada Axmed Gurey

Ka sokow inuu ahaa abbaanduule waaya-arag ah Axmed Gurey wuxuu ahaa guud ahaan  Imam hufan o caaddil ah oo ka talinaayay aagga Cadal. Magiciisoo ebyoon wuxuu aha Ahmad ibn Ibrahim al Ghazi. Gurey waxay ahayd naanaystiisa oo tilmaamaysa inuu ahaa ruux gacanta gurta adeegsada [Ama labammidigle.]

Axmed Gurey wuxuu ku dhashay Seylac [Zeila] oo ah furdad ku taal waqoy-bariga Soomaaliya oo ka tirsanayd Cadal oo waagaas ka tirsanayd boqortooyada Sulaymaaniga [Nabi Suleymaan ku abtirsata] ee Itoobbiya. Afadiisu waxay ahayd Bati del Wambara, oo ahayd gabadhii Maxfuud taliyaha Cadal, kaasoo la dilay 1517 isagoo ka soo noqday dagaal uu kala jiray boqor Dengel, arrinkaasoo u sababy sanooyinkii xigay Saladanadda Cadal fowdo iyo burbur.

Tobaneeyo sano ka dib, Axmed Gurey wuxuu Cadal kusoo rogay xasillooni iyo hab wanaagsan, isagoo ku duulay Itoobbiya 1529. Maaddaama uu ahaa abbanduule aad disibliin u leh aqoonna u lahaa habka dagaal ee Cusmaaminiyiinta, wuxuu ku dhiirriggeliyay ciidamadiisa geesinimo iyo adkaysi. Waxaan ku jiray ciidamadiisa tiro xoog leh oo Turki ah.

Sannadku markuu ahaa 1531, Axmed Gurey wuxuu ku guuleystay inuu jabiyo qayb ka mid ah  xoogaggii Dengel, isago horey usii durkay. Bisha Oktoobar wuxuu galay Tigray isagoo jabiyay haraagii ciidamada Dengel.

Haseyeeshee, dagaalku wuxuu socday taniyo 1543, sababtoo ah Burtuqiiska waxay 1541-kii soo dhigeen ciidamo hor leh furdada Masawac ka dib markii la caleemasaaray boqor Gelawdewos oo ka dambaysay dilkii Dengel.

Ciidamada butuqiiska waxaa hoggaaminaayay Da Gama oo ay Axmed Gurey isku heleen fool ka fool bishii Abril 1542-kii Jerta. Isaraggaas xabbadjoojin ma keenin maaddaama Da Gama uu ku duway ciidamadiisi kuwa Axmed Gurey.

Da Gama wuxuu ku guulaystay iska-caabbinta madafiicdii Gurey, xita wuxaa u suurtaggashay inuu Axmed Gurey lugta kaga dhaawaco xabbad dool ah.

Da Gama wuxuu damcay inuu durbadiiba ku duulo saldhigga ciidamada Axmed Gurey isaguu rajaynaayo inuu hilfaha u qaado jananka dhaawacan. 1543 ayuu duullaankaas ku qaaday saldhigga Axmed Gurey isagoo adeegsaday dab xad dhaaf ah, kaasoo jahawareeriyay ciidamada fardooleyda ee Axmed Gurey. Askar bandan baa dagaalkii ka carartay baqdin awgeed.

Da Gama wuxuu taageero ka helay Eshaq, taliyaha Mdere Bahri oo manta loo yaqaan Eritrea, wuxuuna dabaggalay ciidamadii Gurey. Robab awgood uma aysan suurtaggelin inay is-helaan mar saddexaad Axmed Gurey, haseyeeshee, wuxuu ku negaaday agagaarka harada Ashenge wuxuuna xarun ka dhigtay meel la yiraahdo Wolfa oo llooga jeedo ciidamada kale.

Jabkaas ka dib Axmed Gurey wuxuu ka helay dalka Carabta 2000 qori. Boqoortooyad Cusmaaniyadana waxay ku taageertay madaafficda riddada dheer waxayn ku xoojisay in  ka badan 900 askari oo tababbar qaba.

Markan Da Gama wuxuu kusoo baxay nin laga xoog badan yahay maaddaama ay usoo hartay 300 qori oo qura. Jugtii horeba ayay u adkaysan waayeen badi askartiisi dablayda ahayd. Roobabka markay istageen yuu Axmed Gurey weerar ku qaaday xaruntii Burtuqiiska, halkaasoo uu ku xasuuqay badida askartii Da Gama. Xitaa Da Gama wuxuu ku dhaawacmay dagaalkaas kaddibna u dhintay.

Bishii February 1543-kii haraagii ciidamadii Da Gama iyo boqor Gelawdewos ayaa si kedis ah u soo qaaday weerar Axmed Gurey, kasoo u dhintay xabbaddii Burtiqiska.

Afadii Axmed Gurey Bati del Wamabara oo ay u suurtowday inay ka baxsato aagga dagaalka iyada iyo dhar askar oo Turki ah. Waxay ku noqotay Harar oo ka doontay taageero. Waxay guursatay Nur ibn Nujahid oo ahha ninkii beddelay Axmed Gurey oo oggolaaday inuu u aaro Axmed Gurey.

Intii u dhaxeysay 1554-1555, Nur ibn Mujahid wuxuu dagaal ku qaaday bariga Itoobbiya. Wuxuu qabsaday Fatagar, wuxuuna dagaal kharaar ku dilay boqor Galawdewos.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply