Faragelinta Kenya Ma Been Abuurbaa Mise Waa Xaqiiqo aan la Dafiri Karin

Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Khamiistii dhawayd February 27, 2020 qoraal uu hordhigay Golaha Ammaanka ku eedeeyay dowladda Kenya inay faraggelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, kuna xadgudubtay Axdiga Qaramada Midoobay, iyadoo ay adeegsato “ficillo nabad diid ah.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo ka jawaab celisay eedeymahaas ayay Muqdisho u qortay warqad dafiraad ah, iyadoo ku tilmaamaysa in eedeymahaasi yihiin “kuwa been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay” (Daily Nation – 01/03/2020).

Balse, dafiraadda dowladda Kenya ayaa ka hortimid, warqad gaar ah oo uu Xildhibaan Cumar Macallin u gudbiyay 02/2020 Baarlamaanka Kenya, taas oo uu ku weydiinayo in Wasaaradda Difaaca Kenya ka warbixiso waxa uu “Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Jubbaland Cabdirashid Xasan Abdinuur, Cabdirashid Janan ka qabanayo deegaankiisa [Mandheera];” (The East African – 27/02/2020).

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa maalintii Jimcaha February 28, 2020 sheegay “inuu go’aansaday inuu raaco waddooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ka mid yihiin dadaallada diblomaasiyadeed oo ay qayb ka tahay kuwa lagu ilaalinayo waajibaadka dastuuriga ah ee midnimada iyo qarannimada.” (AA.Tr – 28/02/2020)

Xildhibaan Cumar Macallin waxuu ka dhursugayaa in “dowladda Kenya ay shaaca ka qaaddo qaab-sharciyeedka ciidanka Maamul-goboleedka Jubbaland loogu oggolaaday gudaha Kenya, iyagoo si xoog badan u hubeysan;” (The East African – 27/02/2020).

Oktoobar 2011, Kenya oo kaashaneysa dalalka Ingiriiska iyo Fransiiska ayaa si ulakac ah ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya, kaddib markii ciidankeeda xuduudda ka soo tilaabeen, iyadoo ujeeddadeedu ahayd inay hesho maamul goboleed Soomaaliyeed oo hoostaga “buffer state,” si ay u xalaaleysato dhul baddeedka ay sheeganeyso.

Dhowr sano ka hor ayaa Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika Karl Wycoff ku yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Moses Wetangula oo ay ku kulmeen shirkii IGAD ee Jabuuti in dowladda Mareykanka ay si lixaad leh u diiddan tahay ujeeddada Kenya ee “Jubbaland,” taas oo ah fikir xun oo sii kordhin karta xasillooni la’aanta Soomaaliya, halkii laga caawini lahaa xasilinta dalka (Wikileaks – December 2009).

Tan iyo waagaas, Jubbaland lagama xureyn xagjiriinta, xasilloni siyaasadeed warkeedaba daa.

Danjire Abukar ayaa qoraalkiisii ku yiri “Kenya waa xoog wax u dhimaya xasilloonida Soomaalida.” Intaas wuxuu raaciyay in “Kenya ay qulqulatooyin joogta ah ka waddo xuduudda Soomaaliya, waxayna si buuxda u dhaawaceysaa qarannimadeenna iyo wadjirka dhulkeena.”

Waxaa in muddo ah muuqatay, in dowladda Kenya dalkeeda iyo gudaha maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya ku abaabulaysay xoogag ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya, islamarkaasna halis ku ah xasilloonida gobolka Geeska Afrika guud ahaan. 

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa soo saartay Oktoobar 11, 2019 amar mamnuucayo duullimaadyada tooska ah ee ka imaanaya dalka Kenya, tegayana magaalada Kismaayo oo ah caasimada ku-meel-gaarka ah (kmg) ee Maamul-goboleedka Jubbaland. Waxaa mar labaad amarkaas jebiyay dowladda Kenya, kaddib markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaankeeda ka degeen garoonka magaalada Kismaayo, Oktoobar 12, 2019 si sharci darra ah. Taas oo ah xadgub qayaxan oo lagu sameeyey madaxbannaanida Soomaaliya.

Qoraal uu ku qoray JAMHURIYADDA Siciid Cabdisalaam ayuu ku yiri, “Waxaa la og yahay, in Soomaaliya u loogan tahay cadawgeeda, maadaama cudud ciidan, dhaqaale iyo hay’ado dowladeed oo dhammaystiran, haddana midaysan intaba aysan lahayn.”

Bishii November 2019, sirdoonka Kenya ayaa Nairobi ku qabanqaabiyay shir uu isugu yeeray masuuliyiin ka socda Jabhadda OLNF, TPLF iyo madaxa Maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam Madoobe (Addis Standard November 26, 2019). 

Dhinaca kale, Soomaaliya iyo Kenya waxay ku kala aragti duwan yihiin jihaynta seeraha marta dhulbadeedka ay wadaagaan. Kenya waxay ku adkeysaneysaa in sohdin-baddeedka ay la wadaagto Soomaaliya  tahay barbarro (parallel) ka soo burqata xariiqda toosan ee labada dal wadaagaan.

Sanadkii 2012, Kenya iyadoo ku il-adkaysanayso habkaas qaldan, ayey shirkadaha shidaalka baara ka xaraashtay 8 waxood oo 7 ka mid ah ku yaallaan aagga Jamhuuriyadda Soomaaliya. Falkaas sharcidarrada ah wuxuu xadgudub bareer ah ku yahay, xuquuqda sahaminta iyo uruurinta dakhliga ay ka qaadatay, (The East African – August 25, 2012).

Ciidamada Kenya oo marka horeba kusoo galy dalka Soomaaliya hab gardarra ah, iyagoo ku tumanaya madaxbannaada iyo qarannnimada Soomaaliya, kaddibna  Golaha Ammaanka ee QM ugu nuday ciidamada AMISOM iyadoo laga tillabsaday rabitaanka Somaaliya, shacbi iyo xukuumadba, waxaa caddaatay inaysan si hufan u gudanaynin hawsha AMISOM, balse si lakab ku ah hawshaas, u raacdaan ajeenda u gaar ah.

Taasi waxay ku caddaatay  maragmaddoontana ay ku noqotay in ciidamada Kenya aysan ka qaban hawlgalkii ku habboonaa ee la dagaallanka dakhliga Al Shabaab ka dib markii ay Saraakiisheeda iska indhatireen dhoofinta dhuxusha oo ah dakhliga ugu mihiimsan Al Shabaab hortooda looga dhoofiyo furdada. Intaas waxaa dheer, in ciidamdaas hawlgallo mugdi ah oo la xiriiro amniga Kenya ay ka galaan aagga Jubbooyinka, iyagoo, si aan dhexdhexaad ahayn, weliba xiriir hoosaad la leh maamul goboleedka Jubbaland oo aysan xukuumadda Federaaliga raalli ka ahayn amaba liddiba ku ah rabitaankeeda. 

War laga soo xigtay wargayska The Economist ayaa sheegay in “Ciidamada Kenya ay sameeyeen horumar gaabis ah, oo ugu yaraan aan joojin ilaha dhaqaalaha Al-Shabaab. Sababahaas waxaa ka mid ah, ayay warbixin cusub leedahay in ciidamada Kenya ay dano dhaqaale ka leeyihiin isla shabakadaha ka ganacsada dhuxusha oo ah, dhuunta ay lacagaha u soo maraan Al-Shabaab;” (The Economist – 23/11/2015).

Waxaa la yaab leh dafiraadda Kenya ee la xiriirta qulqulatooyin joogta​da ah ​ee ay ka wado ​deegaanada ku yaal xuduuda kala qaybisa labada dal,  oo ay ugu dambeysay tan ka dhacday Balad Xaawo. Shabacka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay, si buuxda uga baahan yihiin dowladda Kenya iyo saxaafadeed​aba inay u caddeyaan “sababta baxsad Cabdirashid Janan loogu hayo gudaha Kenya, si joogta ahna uu weeraro ugu soo qaado dalka Soomaaliya, weliba iyagoo taakulayn ka helaya ciidamada difaaca Kenya!”

Xaq uma laha Kenya, inay soo faraggeliso arrimaha gudaha Soomaaliya marka la eego xeerka caalamiga ah, weliba iyadoo ciidamadeeda dalka ku joogaan “Axdiga Nabad-Ilaalinta ee Qaramada Midoobey  iyo Midowga Afrika (AMISOM).”

Shacabka Soomaaliyeed waxuu la yaahban yahay, in siyaasiyiintooda ay ilaa hadda ku dhici la’yihiin inay Baarlamaanka horgeyaan mooshin lagu eedeynayo dowladda Kenya, laguna eryayo ciidamadooda ka tirsan AMISOM, si dariiq sharciyeed loo mariyo xadgudubyada Kenya ku hayso dalka iyo dowladdnimada Soomaaliya.

Hadabba su’aasha taagan ayaa ah,​ siyaasadda Kenya ee ka araddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah ma ku gaari kartaa danaha ay ku doonayso?  

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

3 comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s