Advertisements
Monday, July 13, 2020
Home Geeska Afrika Baaqa Uhuru Ma Illintii Yaxaaskaa Mise Waa Dawadii Madaxwareerka Jubbaland?

Baaqa Uhuru Ma Illintii Yaxaaskaa Mise Waa Dawadii Madaxwareerka Jubbaland?

Khamiistii March 5, 2020 waxaa si degdeg ah u yimid Muqdisho wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga dalka Kenya Dr. Fred Matiang’i. Wafdigu wuxuu farriin toos ah ka siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Arbacadii March 4, 2020, xilli ay xiisada colaadeed oo ka taagan xudduudda labada dal ee deriska ah ay marayso heer xun, ayaa  Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya ay  teleefoonka isku afgarteen.

Kenya waxay gabbaad siinaysay tan iyo January 28, 2020 Cabdirashid Xasan Abdinuur, Janan kaasoo ka baxsaday Muqdisho, halkaasoo August 31, 2019 loo xiray eedaymo la xiriira ku xadgudubyo xaquuqda aadanaha.  

Inkastoo Nairobi ay ku sheegtay in aysan Muqdisho codsi rasmi ah ka helin, haddana Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS oo wareysi siiyay Haruun Macruuf ayaa sheegay inay [Soomaaliya] si rasmi ah u weydiisteen “Interpol” oo ay Kenya xubin ka tahay (VOA New – 09/03/2020). Sidoo kale, wargeyska Daily Nation, ayaa qoray in Amnesty International ugu baaqday Kenya inay si dhaqsa leh u qabato baxsadka, gacantana ugu geliso Soomaaliya (Daily Nation – 8/02/2020).  

Ciidamada Soomaaliya oo ku sugan xudduudda ayaa March 2, 2020   caabbiyay weerar ay Mandheera ku soo abaabuleen baxsad Cabdirashiid Janan iyo Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.  Tan iyo bartamihii November 2019 Maxamuud Sayid iyo koox la socotay waxay ku sugnaayen hoteel ku yaal Mandheera, halkaas oo ay ciidamada Kenya ku ilaalinayeen (The East African – 26/11/2019).

Eedaymo isku tuur-tuur ah kaddib, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla oggolaaday inay qaboojiyaan xiisada ka aloosan xudduudda, kana wadaxaajoodaan wixii khilaaf ah ee taagan. Waxaase lala yaabay in xaalad diblomaasiyadeed loo soo adeegsaday Wasiirka Guddaha, inkastoo war uu sheegay Raila Odinga uu muujinayo in Uhuru Kenyatta uu ku sugan yahay mawqif cariiri ah.

Haddaba, aan isweydiinnee maxuu Farmaajo uu u oggolaaday mar kale inuu wadahadal natiijadiisu miro aysan dhali doonin luggoya mooyaane?

Walow xiriirka Kenya iyo Soomaliya uu yahay mid hoostiisa ay ku aasan yihiin arrimo masiir-qaran ah, haddana heerar kala duwan ayuu soo maray. Kenya sida ay ugu jeeddo deriskeeda Soomaaliyeed waa aragti mar waliba uu hagayo dareen ka baqaya soo rogaalcelinta  Soomaali Wayn. Cabsidaas waxay kororta mar allaale marka ay soo muuqato dawlad Soomaaliyeed oo itaal leh.

Haseyeeshee, markii dagaalka sokeeye uu burburiyay qarankii  Soomaaliyeed, cabsidii waxay gashay hakad. Kenya markaas waxay xadka u furtay Soomaaliya waxaana dhacday in labada dal ay galaan heer aan horey loo arag: qaxooti ka sokow waxaa Kenya galay maalgelin Soomaaliyeed oo itaal iyo tayaba leh oo lagu qiyaasi karo dhawr bilyan Doollar. Taasi waa iyadoon la tixgelin xiriirka ganacsi ay Kenya maanta la leedahay Soomaaliya iyo ardayda Somaaliyeed oo jaamacadaha Kenya wax ka barata. Haddii hantidaas ay meesha ka baxdo, waxaa hakad geli kara dhaqaalaha iyo suuqa shaqada Kenya (Farah Abdulsamed, Somali Investment in Kenya, Africa Programme March 2011).

Marxaladdaas rajada miiran ahayd waxay ku hakatay 2011 kolkay ciidamada Kenya ay xoog ku soo galeen gayiga Soomaaliya, Kenyana ay muujisay dhaqan horror ah kaddib markii ay ka heshay Golaha Ammaanka ee QM in lagu daro AMISOM, taas oo cawaaqibteeda ay maanta taagan tahay.

Arrinka wuxuu sii kullaaday  markii waanwaan ay waxtari waysay oo Dawladda Soomaaliyeed ay doorbidday – Agoosto 2014 – inay maxkamadda caalamiga ICJ miciin ka doonto. Waa arrrin laga dheregsan yahay in Kenya ay ka soo horjeeddo dacwada Maxkamadda, balse ay jeclaan lehayd inay iyadoo ka itaal roon Soomaaliya ay waanwaan la gasho, si ay tanaasul uga hesho.

Faraggelinta iyo taageerada maamul goboleedka aagga soohdinta, gardarrada, adeegsiga jiritaanka Al-Shabaab, ku gorgortanka Cabdirashiid Janan,  dhamaan waa tabo la doonaayo in lagu qanciyo Dowladda Federalka Soomaaliya in laga taag roon yahay, sidaas daraaddeed is-horfariisad iyo tanaasul inay yihiin lama huraan.

Arrimaha aan ka hadlayno waa kuwa muuqda, balse waxaa jira xoogag kale oo daahsoon oo kala safan misna ah xoogagga dhabta ah oo iyaguna wata qoorshahooda iyo damacooda horarka ah.

Isrogrogaya Kenya wuxuu xoog yeeshaa mar waliba oo go’aanka maxkamadda uu soo dhawaado. Kenya waxay 2019 gaarsiisay xiriirka diblomaasiga heer kala tag ah, waxay xoojisay faraggelinta Jubbaland iyo la safashada  Axmed  Madoobe heer ay u bareerto ku tumashada madaxbannanida qarannimada, bishii Oktobar 12kii oo ahayd waqtigii  calemasaarkiisi, waxaa xigay gabbaadsiintii Cabdirashiid Janan iyo weerarkii Beled Xaawo, iwm kuwasso gaarsiiyay xiisada heer sare.

Sidii aan horey uga barannay Kenya, dabcan kuma qamaari karto dagaal fool-ka-fool ah oo ay waqtigan la gasho Soomaaliya, taasoo gebigeedba xasilloonida aagga khatar gelinaysa, beesha caalamkana aysan oggolaanaynin, kursiga QM ee ay Jabuuti kula tartameysana ay ku seegi karto, markaas ayay u bahan tahay inay baaq nabadeed ku dhawaaqdo si xiisada loo dejiyo.

Horta iyadoon waxba la fafalanqayn baaqa Uhuru qudhiisa ayaa ah meel ka dhac iyo jeesjees ama waxa Qarbiga ay ugu yeeraan “Illinta Yaxaaska” (crocodile tears), waana musalsal oo aan horey u aragnay oo soo noqnoqonaaya.

Tan iyo bilowgii sanadkii tegay, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxay fool ka fool u kulmeen tiro seddax jeer ka badan, waxayna teleefoon ku wada xiriireen dhowr jeer, balse kulunka haddeer madlan ma dhici kartaa inuu wax cusub la yimaado, mise baaqa Uhuru wuxuu ka yahay dhankiisa Aniga ayaa dabka shida aniga ayaana demiya, halka uu dhanka DFS-na ka yahay Nabaddu Dhegtay U roon tahay?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Most Popular

Ciyaarta Doorashooyinka oo Isbeddeshay: War Jiraaba Cakaaruu Iman!

Xilligii doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ayaa la gudaggalay, taas oo lagu xoojinayo nidaamka dowladnimada ee ku dhisan dimoqraaddiyada...

Taariikh Nololeedka Hassan Ghedi Santur

Qoraaga  magaciisa marka la adeegsado higgaadda af-Soomaaliga waa Xasan Geeddi Santuur.  Magacan ayaan u adeegsanaynaa taariikh nololeedkiisa iyo falanqayanta bugaagtiisa.

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga?

Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa...

Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Dimuqraaddiyada waa nidaam nabdoon oo lagu xalliyo khilaafka iyo kala aragti duwanaanta. Balse, jiritaanka dimuqraaddiyada waxaa shardi u ah, shan arrimood: (b)...

Recent Comments

%d bloggers like this: