Friday, April 19, 2024
Home Caafimaad & Nolol Talaalka CoronaVirus oo Xiisad ka Dhaliyay Mareykanka iyo Yurub!

Talaalka CoronaVirus oo Xiisad ka Dhaliyay Mareykanka iyo Yurub!

“CoronaVirus” oo aafadiisa ay ka bilaabatay dalka Shiinaha December 2019 ayaa masiibadiisa iyo hubanti la’aantiisa ilaa iyo inta uu ku sii faafi doono walbahaar ku hayaa dunida. Hargabkaas Kibray, oo haleelay dad ka badan ilaa 212 kun dilayna inta la ogyahay in ku dhow 8700 qof, ayaa kol dhow lagu sheegay Soomaaliya “Eebbe haka yasiree.”

Madaxa WHO oo u baaqay caalamka ayaa ku yiri, “Waxaanu idiin haynaa farriin fudud oo ah baaritaan, baaritaan, baaritaan.” Go’aanka Golaha Wasiiradda DFS ee ah joojinta duullimaadyada caalamiga ah waa tillaabo dhanka toosan loo qaaday, waxaase dhiman in la raaciyo wacyi gelin joogta ah. Walow “CoronaVirus” aan loo heyn daawo, haddana waxaa muuqata in khatartiisa looga yare badbaaday “karantiil iyo xayiraad.”

Murugta Covid-19 oo taagan ayaa wargayska “Welt am Sonntag” oo ka soo baxa dalka Jarmalka uu qoray in “Washington ay waddo dadaal ay kaga dhaadhicinayso shirkadda CureVac oo cilmi-baaris ku heshay tallaalka “CoronaVirus,” inay hawsheeda u soo wareejiso dalka Mareykanka.”

Warkaas ayaa dhaliyay xiisad ka dhex aloosantay Berlin iyo Washington. Wasiirka dhaqaalaha Jarmalka Peter Altmaier ayaa yiri, “Jarmal iib ma aha,” halka Wasiirka Caafimaadka Jenes Spahn uu ku adkeystay in tallaalka CureVac loo soo saari doonto “dunida oo dhan.”

CareVac waa shirkad gaar loo leeyahay oo la aasaasay sanadkii 2000, xarunteeduna tahay magaalada Tübingen ee Jarmalka, balse saldhig ku leh Frankfort iyo Boston. Safiirka Mareykanka u fadhiya Berlin Richard Grenell ayaa warka laysla dhexmarayo ku tilmaamay sheeko “khalad ah.”

CareVac waxay baaritaan cilmiyeed ku gaartay dhowr tallaal, basle shirkadda waxay ka xulatay labada ugu fiican, kuwaas oo ay dooneyso in tijaabooyin caafimaad (clinical trials) la marsiiyo haddii loo fasaxo. Wasiirka Arrimaha Dibedda Heiko Maas oo la hadlayay Isniintii kooxda “Funke” ee warbaahinta ayaa yiri, “uma oggolaan karno in qolo gaar u yeelato natiijooyinka.”

Wargeyska Die Welt oo tixraacayo ilo ku dhow dowladda Jarmalka ayaa sheegay in Trump uu “bilyan doolar” u soo bandhigay shirkadda CureVac, si cilmi baarista tallaalka xuquuqdiisa (property rights) u hantiyo “Mareykanka keliya” (AFP – 16/03/2020).

Sarkaal ka tirsan maamulka Trump oo wararka laysla dhexmarayo gacanta ku dhuftay ayaa yiri, “dowladda waxay la hadashay ilaa iyo 25 shirkadood oo sheeganaya inay gacanta ku hayaan tallaalo rajo leh. Intooda badan shirkadahaas waxay hore maalgelin uga heleen malgashatayaal Mareykan ah.”

Sarkaalka ayaa hadalkiisii raaciyay “Waxaannu wadeynaa inaan la hadalno shirkad kasta oo sheeganeysa inay awood u leedahay inay na caawinto. Xal kasta oo la helana waxaa lala wadaagi doonaa adduunka.” CureVac ayaa 2015 iyo 2018 ka heshay taageero maaliyadeed hay’adda “Bill & Melinda Gates,” si loo hormariyo tallaalka looga hortago cudurka kaneecada iyo hargabka (Aljazeera – 15/03/2020).

Dowladda Jarmalka ayaa iyana wadahadal la wadda shirkadda, si ay ugu bandhigto dhiirriggelin dhaqaale oo u gaar ah, tallaalkana loogu hayo dalka. Sharciga ganacsiga dibedda ee dalka Jarmarlka ayaa dowladda awood u siinayo inay baarto shirkadaha inta aysan shisheeyaha la wareegin.

Siyaasiyiinta Jarmalka oo lagu xamanayay in aysan dooneyn inay agabka caafimaad dalkooda la wadaagaan Yurub cid kaleba iska daaye, ayaa haatan u muuqda kuwo u taagan danta dadyowga adduunwaynaha. Midowga Yurub ayaa CureVac u ballan qaaday 80 malyan yuuro oo deyn ah, si kor loogu qaado horumarinta iyo soo saarista tallaalka lagula tacaalayo CoronaViruska Yurub.

Maareyaha shirkadda CureVac Daniel Menichella oo toddobaadkii dhawaa ka mid ahaa wakiillada shirkadaha daawada oo laga casuumay Aqalka Cad si looga arrinsado horumarinta tallaalka CoronaVirus ayaa xilka laga wareejiyay.

Menichella wuxuu warbaahinta u sheegay inuu Madaxweyne Trump iyo Ku xigeenkiisa kala hadlay in shirkaddiisu “CureVac” ay hayso tallaallo diyaar u noqon kara tijaabooyinka caafimaad ee bini’aadamka ugu dambeyn horraanta xagaaga (June/July).

Jimcihii la soo dhaafay baarayaasha caalamiga ah ayaa ku baaqay in si dhaqso leh loo uruuriyo 2 bilyan doolar oo lagu hormariyo hawlaha tallaalka lagula dagaallamayo Covid-19 (Vox – 15/03/2020). Shirkadaha ku hawlan baarista tallaalka waxaa ka mid ah Johnson & Johnson iyo Inovio, Pfizer iyo qaar kale.

Haseyeeshee, haddii aan isku dayno inaan oodda u kala qaadno siday u kala sarrayso, khubaradu waxay isku raacsan yihiin in haddii maantadan la helo tallaal diyaar u ah tijaabo bani’aadan, muddada uu qaadan doono in suuqa la keeno ayaa lagu qiyaasayaa inta u dhaxeysa 12 ilaa 18 bilood, waaba haddii uu najaxo.

Tallaalku wuxxu badbaadinaayaa tirada dadka uusan heleelin caabuqa oo keliya. Haddii ay dhacdo inta awoodda iyo hantida badan inay tallaalka boobaan, sida ku dhacday tallaalkii qandhadii H1N1 2009 lama ogaan karo goorta uu tallaalka gaari doono dalalka saboolka ah (The Guardian,  Mas 17, 2020). 

Siiriga xiisadda socota waxaa ku dhuftay Madaxweyne Trump, markii uu ku shiriyay shirkadaha daawoyinka Aqalka Cad oo uu ka codsaday inay deg-deg usoo saaraan talaal loga hortago caabuqan bisha November ka hor (oo ah bisha doorashadiisa). Waa su’aasha wargayska “The Guardian” is weydiiyay shalay March 17kii.

Haddeer waxaan u ujeednaa iyadoon waxba weli faraha lagu hayn in ay dhiillo dhextaal Yurub iyo Maraykanka, gaar ahaan Jarmalka iyo Maraykanka. Dhiilladan kollayba kuma eka badbaadin bani’aadanka iyo saboolka, laga yaaba in aysan doorasho iyo faa’iida dambe aysan ka maqnayn. Malahaa Baroortu orgaiga ka weyen!

Afrika kollayba rajo ka dhow midda uu la-milkiilaha shirkadda ganacsiga Alibaba Jack Ma uu March 16keedi ballan qaaday oo ah in 54ka dawladood ee Afrika uu wada siinaayo middiiba 20 kun oo agabka barista caabuqa ah, 100 kun afshareer ah, iyo kun suudka ay ku gaashaantaan shqaalaha daryeelka caafimaadka, sida uu ku caddeeyay Tweetarkiisa una xilsaaray Abiy Axmed inuu saadka deeqda la wareego (AfricaNews 17/03/2020).

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments