Sunday, May 28, 2023
Home Dhaqaalaha La Taliyaha Madaxweyne oo yiri “Isha Ku Haaya, Inshaallah, Guulo Kale ayaa...

La Taliyaha Madaxweyne oo yiri “Isha Ku Haaya, Inshaallah, Guulo Kale ayaa Isdaba Xiga Sanadka”

Wargeyska Jamhuriyadda wuxuu fursad u helay, inuu wareysi gaar ah la yeesho Abril 1, 2020 Muddane Xuseen M. Cabdikariim (Gindhish), oo ah la taliyaha gaarka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mudane Gindhish wuxuu waxbarashadda sare ee “Economics” ku qaatay Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr. Dalka Talyaaniga ayuu ku soo dhigtay culuunta “Banking and Finance,” halka Mareykankana uu ka soo qaatay shahaadada labaad ee Masters of Public Administration. Wuxuu horey uga soo shaqeyay Bankiga Ganacsiga Soomaaliyeed inta uusan waxbarashada dibedda u aadin.

Wareysiga wuxuu ku bilowda sida tan:

Jamhuriyadda – Mudane Xuseen Gindhish, adiga oo mahadsan bal inoo fasir shaqada aad ka qabateen howlaha Deyn cafinta iyo meesha aad ka bilaawdeen?

Xuseen Gindhish – Waad ku mahadsan tihiin wareeysigan gaaban. Runtii howsha deyn cafinta ma’aha mid lagu koobi karo wareeysi gaaban, sida midkan oo kale. Waa howl ay hormuud ka ahaayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda.  Aniga, shaqsiyan, waxaan ka socday xafiiska Madaxweynaha, si joogta ah ayaana u wargeliyaa sida iyo meesha ay wax inoo marayaan.

Sidaad u ogtihiinba, xukuumada markii ay la wareegtay hoggaanka dalka bilaawgii sanadka 2017, caqabadaha ugu horeeyey oo ay la kulantay waxaa kow ka’ahaa, nabadgalyo xumo, dhaqaale xumo ka soo wajahday bixinta kharashyada xukuumada laga doonaayo inay ku socodsiiso hawlaha, sida mushaaradka ciidamada, shaqaalaha joogtada ah ee wasaaradaha, xildhibaanada iyo dhammaan dhaqaalihii lagu dardargelin lahaa qorshaha dalka.

Aniga oo xafiiska Madaxweynaha ka socda, waxaan si joogta ah ula shaqeeyey Wasiirka Maaliyada, iyo Ajendaha kabka dhaqaalaha dalka. Koow, in gacanta dowlada lagu soo celsho laamaha kala duwan  ee ku howlan canshuur qaadista dalka (private iyo dowliba), kuwaas oo la hoos geeynaayo Wasaaradda sida saxda ah u leh howlaha canshuuraadka dalka. Sideedaba, Wasaaradda Maaliyadda oo qur’a, ayay shaqadeedu tahay dakhliga canshuurta. Lacagahaas oo ay aruuriyaan shaqaalaha Wasaaradda kaliya, kadibna ku shuban Bangiga Dhexe. 

Labo, in xisaabi xil ma leh lagu soo rogo laamaha qaada canshuurta, si loo yareeyo musuqmaasuq, wax isdabamareynta iyo wixii la mid ah.

Seddex, in aan heshiisyadii lala galay shirkada Dekadda Muqdisho maamusho iyo tan gegada Airportka, dib loogu noqdaa, lana eego wixii faa’iido iyo maslaxad u ah ummadda Soomaaliyeed, si kaabayaasha dhaqaale ee wadanka loo kobciyo, loona kordhiyo dakhliga kasoo gala dalka shirkadaha shisheeyaha. Dhammaan howlahaas iyo in fara badan oo lagu koobi Karin halkan, baa kalifay inaan u dhaadhacno kuna guuleeysano yoolalka isdaba jooga ah ee la rabo inaan ku hanano deyn cafin buuxda.

Jamhuriyadda – Adiga oo soo koobaya, bal war naga sii hawlaha aad qabateen seddaxdii sanadood ee la soo dhaafay in la helo deyn cafin?

Xuseen Gindhish – Marka hore furaha shaqadeena waxay ahayd inaanu gaarno bartilmaameydka “Decision Point” loo yaqaan, helnana oggolaansha guddiga fulinta IMF. Marka xiga, Soomaaliya waxaa lagu lahaa 3 deymood oo ay kala leeyihiin: Multilateral (IMF, WB, AfDB – 33%), Paris Club (dalalka warshadaha ku hormaray – 54%), iyo tan non-Paris Club (dalalka Carabta – 13%).

Waxaanu boqolkiiba boqol diirada saarnay sidii aan lacag uga heli lahayn dalalkaas. Nasiib wanaag, dalalka Norway, Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa aad ula dhacay hawl qabadkeena, isla durbadiina abaal mariyey dowlad wanaaga xukuumadeena dhinaca maaliyadda iyo maamulka dhaqaalaha. Lacagtaas oo ay noo hormariyeena waxey inoo saamaxday inaan gaarno bartilmaameedkii yoolka ee maantadan la joogo.

Jamhuriyadda – Dhawaan IMF iyo Bankiga Addunka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay gaartay yoolka ama barta “Decision Point.” Haddaba, miyeysan Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaarahiisuba u ekaan kuwa la soo degdegay hambalyenta dadweynaha Soomaaliyeed, iyagoo aan weli gacanta ku heyn natiijada go’aanka Paris Club ee deyncafinta Soomaaliya?

Xuseen Gindhish – Dawladda waxay u dabaal degtay kaddib markii ay natiijadi bartilmaameedka [yoolka loo dhigay] ay gaartay, isla markaana la oggolaaday hawl qabadkeenii. Bishii Maarso 25, 2020, waxey hay’adda IMF, World Bank iyo African Development Bank, ay gebi ahaanba tirtireen dhamaan deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya, waa boqolkiiba soddon iyo seddax (33%). Maanta oo aan joogno Maarso 31, 2020, Paris Club waxey inaga cafiyeen in ka badan nus deyntii ay nagu lahaayeen, oo u dhiganta $1.4 billion dollar. Wadarta guud, waxaa Soomaaliya laga cafiyey deyn gaareysa boqolkiiba lixdan iyo todoba, (67%).

Waxaa xaqiiqa ah, in Soomaali guul usoo hoyatay. Sidaadaba, nin deyn ku nool, derajo ma gaaro. Sidaas awgeed, soow ummadda Soomaaliyeed xaq uma laha iney oggaadaan guusha usoo hoyatay. Mar haddii deynta cadkeeda Libaax aanu ku guuleysanay muddo 3 sano gudaheed ah, culeeyskii weynaa na naga yaraaday, inta inoo hartayna aanu ku dabajirno sidii lagu soo afjari lahaa, insha’Allah.

Tan dabaaldega ahna, Annagu sugi maynin maalinta lacagta timaado, ee maalinkii lagu guuleeystay ansaxinta ayaanu la wadaagnay farxad ummada Soomaaliyeed. Isha ku haaya, insha’Allah, guulo kale oo isdaba xiga ayaa shacabkeena usoo hoyan dhammaadka sanadkan 2020. 

Wargeyska Jamhuriyadda waxuu raadiyaa taariikhyahanada, siyaasiyiinta, qaanuunyaqaanada dalka oo dhan, si ay ula wadaagaan aragtiyadooda.

Wareysiga waxaa loo tifaftiray si loo caddeyo micnaha loona yareeyo dhirirka. Sawirka waa Jamhuriyadda ku xushmadeeyay qofka la wareysanayay. Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda wareysiga waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

A Timely Analysis: The Foreign Policy Trends of Muslim-Majority States

Emir Hadzikadunic & Lane Gibson After over a year of war in Ukraine, some 50 Muslim-majority states from...

Recent Comments