Friday, December 1, 2023
Home Dhaqaalaha Paris Club oo Dabarkii Deynta Ka Dabcisay Soomaaliya

Paris Club oo Dabarkii Deynta Ka Dabcisay Soomaaliya

Amaah-bixiyeyaasha “Paris Club” oo la aasaasay 1956, oo ay ka mid yihiin dalalka: Denmark, France, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Spain, United Kingdom, iyo United States ayaa gorgortan lixaad leh kaddib Talaadadii March 31, 2020 si wadajir ah uga cafiyeen 1.4 bilyan doolar oo u dhiganta 67% deynta ay ku lahaayeen Soomaaliya. Qaantii “Multilateral Institutions”-ka ayaa ku hor gudbaneyd deyncafinta Soomaaliya (Reuters – 31/03/2020).

Dalka waxaa qaan ku lahaa: Paris Club (54%), non-Paris Club (13%) iyo Multilateral Institutions (33%). Arabacadii March 25, 2020 ayaa hay’adaha IMF iyo Bankiga Addunka ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen in dowladda Soomaaliya ay qaadday tallaabooyinkii lagama maarmaanka u ahaa in deyntii dhammeyd 5.2 bilyan laga cafiyo, iyadoo 3 sanadood gudahooda laga soo reebi doono 577 malyan doolar.

March 25, 2020, ayaa boqollaal dowladood isku kaashadeen inay bixiyaan 330 malyan doolar oo IMFta ku lahayd dalka. Sidoo Kale, Great Britain (UK), Talyaniga iyo Midowga Yurub ayaa bixiyey 122.55 malyan doolar oo ay lahayd Kooxda Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank Group), iyadoo Norway ay u hormarisay Soomaaliya lacag dhan 365.9 malyan doolar oo laanta IDA ee Bankiga Adduunka ay ku lahayd.

Ergeyga QM u fadhiya Soomaaliya Danjire James Swan oo la hadlayay warbaahinta ayaa yiri, “Deyncafinta waxay marqaati u tahay awoodda dowladda dhexe ay u leedahay maareynta maaliyadda dowladda.” Sida muuqata, tillaabada deeqsinimo ee ay qaadeen amaah-bixiyeyaasha “Paris Club,” ayaa ku soo beegantay xilli dunida oo idil ay ugu baaqayso amah-bixiyeyaasha caalamka inay hakiyaan magta deymaha 76 wadan oo dunida ugu saboolsan.

Inta badan, haraaga deynta dib loo dhigay, ayaa waxaa lagu bixiyaa 40 sanadood oo lix iyo tobanka hore aan waxba layska rabin. Haseyeeshee, warar xog ogaal ah ayaa sheegay in Xukuumadda ay u qorsheysan tahay inay dalalkaas mid mid ula kulanto, kuwaas oo qaarkood ay dhici karto xitaa inay wada cafiyaan deyntooda, halka qaar kalena laga yaabo inay shuruudaha bixinta haraaga ka qafiifiyaan (dabciyaan).

This image has an empty alt attribute; its file name is aliindi.png

Dowladda Soomaaliyeed waxay xubin ka noqotay caymiska “Multilateral Investment Guarantee Agency MIGA,” kaddib markii ay xiriirkeeda Bankiga Addunka uu caadi noqoday, taas oo dalka siineysa fursado maalgashi shisheeye toos ah (Direct Foreign Investment). Walow hantida gaarka ah ay hormuud u tahay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, haddana waxaa jirta baahi loo qabo in la fududeyo shuruucda ganacsiga iyo macaamilka, lana xoojiyo daah-furnaanta, si loo yareeyo khatarta maalgashiga taas oo kor u qaadeyso sumcadda dalka. (MIGA – 31/3/2020)

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliyeed waxaa deyn dhan 13% ku leh dalal ku bahoobay “Non-Paris Club” oo u badan carab. Inkastoo, dowladda aysan war rasmi ah ka soo saarin, haddana waxaa la filayaa in deynta Boqortoyada Sacuudiga oo u rahmaneed in la xallo deyntii hay’adaha maaliyadda adduunka (IMF, World Bank, AfDB) ay soo dhamaan doonto.

Marxaladda la marayo oo ah Decision Point,” waxay dalka ka caawini doontaa inuu sameeyo isbeddel dhaqaale, si loo gaaro marxaladda “Completion Point,” taas oo dalka ku kasban doono Deyncafis lagama noqdaan ah– “Irrevocable debt relief.”

Jamhuriyadda oo wareysi gaar ah la yeelatay Xuseen M. Cabdikariim Gindhish oo ah la taliyaha gaarka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa yiri, “Isha ku haaya, insha’Allah, guulo kale oo isdaba xiga ayaa shacabkeena usoo hoyan dhammaadka sanadkan 2020.” Soomaali dib ayay u soo noqotay kol haddii dabarkii deynta laga dabciyay!

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments