Thursday, June 1, 2023
Home Faallada Tafaftirka Faallo: Saxaafad Madaxbannaan Waa lafdhabarka Dimuqraaddiyada

Faallo: Saxaafad Madaxbannaan Waa lafdhabarka Dimuqraaddiyada

Twitter, sita sumadda hay’adda NISA, ayaa la soo dhigay Abril 2, 2020 eed dhan ka ah wariye Harun Macruf.  Qoraalku wuxuu u qornaa sidatan, “NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku habboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriirro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka.”

War intaas dhaafsan hay’adda sooma saarin, wariyahana kama falcelin eedeynta dusha looga tuuray, weliba lama hayo maxkamad dacwada la horgeyay. Warku wuxuu u muuqday mid u socda hay’addaha dowladda oo weliba marka la raaco hab dhaqanka war isweydaarsiga (correspondence ethics) ku quruxsanaan lahaa inuu ku sumadeysan yahay shaabbadda “sirculus” (classified).

Harun Macruf, waa suxufi caan ka ah dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba oo ay wada yaqaannaan Soomaali iyo shisheeye fara badan, ahna qoraa bug. Harun badanaaba wuxuu ka qoraa arrimaha ugu adadag dhacdooyinka dalka gaar ahann arrimaha la xiriiro amniga iyo ururrada xagjirka ee dalka ka hawlgala oo uu buug ay ka qoreen isaga iyo Dan Joseph, kuna sameeyeen baaris aad u qotadheer. Maqaalladiisa waxaa si fudud looga heli karaa bogagga VOA oo uu ka tirsan yahay.

Haddaba, aanu isweydiinnee maxay NISA u doorbidday inay eedeyn sidaas u culus iyo arrin xasaasi ah soo dhigto fagaaraha?

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, waxay u xilsaaran tahay inay ka hortagto khatar amase ay k​a dabatagto fal dambiyeedyada argaggaxa leh ee dalka ka dhacay.

Weriyaha qoraalladiisa waxay u badan yihiin kuwa ku dhisan baaris saxafadeed (Investigative journalism), gaar ahaan qaarka ka daahsoon dadwaynaha ama khuseeya arrimaha  xasaasiga ah oo la xiriira amniga iyo falalka xagjirka. Malahaa waa halkan meesha ay waddada hay’adda sirdoonka iyo weriyaha iska horimaadaan, waana suurtaggal in laysku qoonsado arrimahaas, gaar ahaan markay ku kala socdaan laba seed oo barbarro ah (Parallel).

Xurriyadda hadalka, ra’yiga, iyo saxaafadda dhowristooda waxaa dammaanad qaadaaya Dastuurka iyo xeerarka dalka, balse waxaa joogta noqotay, taniyo waagii la asaasay dawlad Soomaaliyeed, ku tagrifalka xurriyaddaas.

Dhaqanka caynkaas ah wuxuu cirka isku shareeray waqtigii taliskii mileteriga, kaas oo abuuray hay’ado fara badan ee sirdoon hawshoodu ahayd, balse ku hawlanaa la dagaallanka iyo cabburinta mucaaradka, indheergaradka iyo saxaafadda iwm.

Tan iyo waagii la billaabay dhismaha Jamhuuriyadda 3aad tagrifalkaas waxuu ka imanayaa ila fara badan, sida ururrada xagjirta ah, maleeshiya beeleed, muwaddiniin ama kooxo dano gaar ah leh, maamullada dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaaliga qudheeda.

Maantana handidaadda Twitter-ka NISA waxaa ka muuqda inaysan waxba iskabeddilin dhaqankii Jamhuuriyadda 2aad (nidaamkii militeriga), balse inuu ku baahsan yahay  laamaha dawladda.

Inkastoo dawladda ay beenisay jiritaanka eedda  Amanesty International ay kusoo rogtay ee la xiriirta cabburinta iyo cadaadiska joogtada ah ee bahda warbaahinta oo ay ku qortay warbixintii Febbrury 2020, haddana Amanesty International waxay soo gudbisay warbixin eeddaas la xiriirta oo ay ku furtay qoraalkeeda waxa ay ku sheegtay qayladhaanka weriyayaasha Soomaaliyeed iyo ururkooda oo ahaa “Waxaan ku nool nahay cabsi joogta aha” (We live in perpetual Fear).

Weriyaha waxuu baaraa iskuna dayaa inuu ummadda u soo bandhigo warbixinno aan mararka qaarkood raaliggelineyn xukuumadda ama laalmaheeda, taasoo door weyn ka ciyaarta xuriyadda hadalka oo ay dimuqraaddiyadda ku dhisan tahay. Hawsha labada daraf, waa mid hariifeen.

Dawladda keliya ma aha cidda dhibsata weriyeyaasha. Kooxo, meleeshiya beeleed, xagjirka, ayaa dhaammantood cadaadiya ama xitaa dila weriyayaasha; weliba waxaa badan tirada dilka.

Walow aan la dhayalsan karin eedeynta ku saabsan ku kicidda falal ka baxsan “Anshaxa Saxaafadda” oo khatar ku ah “Amniga Qaranka,” haddana cabsiggelinta iyo cagajugleynta aan maxkamad la horgeyn waa xadgudub bini’aadanimo iyo ku tumasho dastuur.

Anshaxa Saxaafadda maba aha arrin khuseyn karta hay’ad sirdoon ah, taas oo aanu ku raacsanahay inta qabta, sida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Yuusuf Garaad oo warkiisa ay soo xigteen warbaahinta maxaliga ah qoreen.

Shantii sanadood ee la soo dhaafay, dalka waxaa lagu eedeynayay inuu hormuud u yahay waddamada wariyeyaasha bilaashka lagu dilo aan maxkamadeyn (Global Impunity Index – CPJ 29/10/2019).

Eedayntaan iyo tan Amanesty International oo kelya ma ha eedaymaha la soo jeediyay sanadadaan dambe, balse waxaa eedaymo nocaasoo kale ah qoray xafiiska Bureau of Democracy, Human Rights and Labor ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Freedom of the Press Foundation iyo Human Watch Report 2019.

Dimuqraaddiyad dhab ah iyo dawlad suubban dal kama jiri karaan, haddii aysan jirin xurriyadda hadalka ee dadwaynaha oo horseedkeedu yihiin warbaahinta madaxbannaan, iyo mucaarad waddani ah oo isna madaxbannaan oo xur ah.

Weliba Dawladda Federalka waxuu xil ka saran yahay amnigooda iyo badbaadintooda, taasoo ah inay daafacdo ay maxkamadda keento ciddii ama kooxdii isku dayda, inay disho, cadaadiso, ama caabburiso bahda warbaahinta iyo mucaaradkaba.  

Maanta himilada ummadda ee Jamhuuriyadda 3aad waxay tahay fikrad dhaqankii hore ka beddelan oo xoojinaysa ku dhaqanka dimuqraadiyadda, taas oo saxaafadda xurta ah ay u tahay lafdhabar. Warbaahinta waa inay had iyo jeer u halganta xuriyadda hadalka oo aanay dabadhilif u noqon cidna, weligeedna daafacdo danta qaranka iyo ku dhaqanka dimuqraadiyada loo siman yahay.

Tifaftira Jamhuriyadda

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments