Advertisements
Sunday, May 24, 2020
Home Guddaha Himilada Dib U Soo Laabashada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Himilada Dib U Soo Laabashada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

In ka badan rubuc qarni, xukuumadahii awoodda dalka isku beddelayay oo kaashanayay beesha caalamka ayaa la tacaalayay dib u dhiska ciidan hanaan qaran leh. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo mar ka mid ahaa cududda ugu xoogga badan ciidamada qaaradda Afrika, kuna mutaystay karti iyo hufnaan sumcadda “libaaxyada Afrika,” ayaan ka badbaadin burburkii qaranka.

Dagaalkii sokeye ee dalka ka dhacay waxuu hoos u riday daacadnimadii qaranka. Maleeshiyooyin beeleed (mooryaan, jirri iwm) oo horey u galay dambiyo xadgudub bini’aadan, anshax iyo akhlaaq kala dambeyn aan lahayna, sharci iyo disibliin aan ixtiraamayn ayaa la siiyay astaantii ciidamo qaran.

Sidoo kale, dalalka shisheeye ee dib u dhiska loo kaashanayay, oo dhammaantood dalka  ka leh dano istraatiijiyadeed oo kala duwan, ayaa qaarkood aysan dooneyn in ciidan cudud leh dhismo. Intaas waxaa dheer, in askarta Soomaalida ay ka caga jiidaysay inay tababar ka baxsan cutubyadooda aadan, iyagoo ka baqaya in xuquuqdooda (mushahaarka iyo gunada) laga bililiqeysto.

In muddo ah, waxaa muran ka taagnaa habka qorista ciidanka (sarkal iyo dable), tiradooda rasmiga ah, aqoonsigooda (identities), goobaha ay ka howl galaan amase ay ka tirsan yihiin, hubkooda iyo agabka kale, (Tandfonline – Feb. 27, 2019).

Arrimahaas oo ay wehliyaan tababar xumo iyo dhaqaale darro la xariiray, deeq bixiyeyaasha oo aan si joogta ah u oofineyn ballamadoodi, ayaa wiiqay dhismihii ciidankii lala tacaalayay tan iyo 2004tii.  Dadaalladii beesha caalamkana waxay noqdeen kuwo aan habeysneyn oo aan isku duubbaridneyn.

May 2015, waxaa la dhisay Guddiga Qaranka ee Isdhexgalka Ciidamada, balse Abril 2017, ayaa la go’aamiyey in la mideeyo ciidamada si loo dhiso cudud gaaraysa ilaa 18 kun iyo kuwo gaar ah oo gaaraaya 4000 askari.

Dowladda Federalka Soomaaliya (DFS), waxay shirkii London ee May 2017 kaga dhawaaqday inay kafaalo qaadayso mushaarada ciidanka Xoogga Dalka, Boliiska Federalka iyo kuwa  gaarka ah. Halka, Maamul-gobolaydyadu ay dusha saarteen mushaarka boliiskooda.

Bilowgii midaynta ciidamada waxay u muuqatay mid fudud, kol haddii laysku dhafayo dal-jireyaal laga soo xulayo inta u dhexeysa Raas-Kambooyin ilaa Raas-Casayr. Balse, waxaa soo baxday, in ciidamada aysan ganacta ugu jirin Soomaalida (federal iyo goboleedba).

Kharashka ciidamada iyo tababarrada waxaa bixinayay dalal fara badan oo ay ka mid yimiin, Imaaraadka, Ingiriiska, Itoobbiya, Jabuuti, Mareykanka, Midowga Yurub, Sacuudiga, Sudan, Talyaaniga, Turkiga iyo Uganda, kuwaas oo dhammaantood leh dano kala duwan.

Si kastaba ha ahaate, hadafka kowaad ee dowladda dhexe waxuu ahaa sidii looga kaaftoomi kari lahaa ku tiirsanaanta garab shisheeye, si gargaarka caalamku uusan u hakin dib u dhiska ciidamada qaranka. Balse, himiladaas waxaa ku dhacay dib u dhac kaga yimid dhowr jaho:

  1. Dowladda dhexe oo misaaniyaddii ay u qoondaysay ciidamada aan maaliyad ku filan hayn, iyadoo ilihii ay ka filaysayna khilaafkii khaliijka uu saamayay;
  2. Maamul-goboleedyadu oo aan u qaabeysneen habka canshuur uruurinta degaankooda;
  3. IMF oo kalliftay dowladda dhexe inaysan isticmaalin maaliyad aan gacanta ugu jirin (dayn);
  4. Dhibaatada midaynta ciidamo toboneeyo hay’adood oo shishheya u badan ay qandaraas ku qaateen, iyo
  5. Madaxda maamul-goboleedyada qaarkood oo diiddanaa in laga wareejiyo ciidamado ay dhaqaale ku heysteen

Hadabba su’aasha taagan ayaa ahayd sidee loo midayn karaa ciidamo gacanta ugu jira ha’ayado shisheeye ah, kuwaasoo damacoodu yahay dheef iyo awood doon?

Dalku waxuu ku dhacay xujo hor leh. Himiladu waxay ahayd in xal loo helo amni la’aanta dalka, AMISOM-na lagala wareego xilka, si loo furo waddooyinka isku xira degmooyinka inta ka horreysa doorashada 2021. Intaas waxaa dheeraa, in 2017 Soomaaliya laga sugayo inay dakhligeeda gudaha (canshuuraha) ku filnaado kharashka ciidamada amniga.

March 2018, warbixin tirakoob ay soo saartay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Maaliyadda ayaa xaqiijisay in tirada rasmiga ah ay tahay 16,000 askari, walow dowladda dhexe ay u diiwaangashneyd 25 kun askari. Halkaas, waxaa diiwaanka ciidamada laga tirtiray 9 kun askar-cirfiid (askar la la’yahay).

Inkastoo dibuhaneynta ciidamada, ay ahayd “khatar loo baareeray,” haddana tillaabadaas waxay suuraggelisay in markii ugu horreysay mushaarka askariga uu ugu yimid waqtigiisii, iyadoo aan la soo marin taliyeyaasha. Sidoo kale, hoggaammada ciidanka oo ahaa 23 ayaa laga soo reebay 13, iyadoo lagu qoondeeyay baahida ciidanka.

Dowladda Maraykanka oo taageerada Ciidamada XDS horey u joojisay, kaddib markii lagu fashilmay xisaabcelin, ayaa dib u bilaabay gargaarkii raashinka iyo shidaalka. February 2020, Guddiga Difaaca iyo Amniga Midowga Yurub oo booqday qaybta ciidamada ee Wasaaradda Gaashandhiga ayaa la yaabay dibuhabeynta iyo iskugu dubaridka hawlihii ay hore uga la’aayen hoggaamada.

Tan iyo 2013kii Mareykanka ayaa dalka ka caawinayay dhismha ciidanka lugta “Danab” oo ku takhasusay inuu fuliyo hawlgallo weerar ah iyo ciidanka Gaashaan oo loo diyaariyay la dagaallanka argaggixisada. Dibuhabeyntii ciidanka XDS kaddib, ciidamada Danab oo dhammaa 5000 waxaa la gaarsiiyay 7000 askari.

Sidoo kale September 2017, waxaa Muqdisho laga furay Kulliyadda Jaziira oo uu Turkiga ku tababbaray ilaa hadda 1500 askari, inkastoo uu ballan qaaday inuu leylin doono ilaa 10 kun. Kulliyaddaha Turkiga waxaa ka aflaxay saraakiil iyo saraakiil xigeno qaatay tababar la xiriira taliska, xakamadeynta iyo xirfadda hoggaaminta ciidamada XDS iyo kuwa Haramcad.

Wixii ka horreyay dibuhaynta XDS, ciidamada AMISOM waxaa dhaqan u ahayd inay dib uga soo gurato goobaha lagu soo weeraro, halkaasoo uga soo tegi jirteen hub iyo saanad ballaaran oo dhiiriggelin jirtay xagjirta.

Hawshu waxay isbeddeshay markii 2019 la hirgeliyay qorshaha iskugu dhafan cutubyo ciidanka lugta XDS iyo komaandooska Danab, ​oo kaashanaya  hubka culus ee AMISOM ay hore-u-ruqaansi mooye dib u soo laaban waayeen.

Ma sahlana in ciidan laga dhiso meel cidla ah, balse waxaa muhiim ah in askeriga lagu tababaro xirfad, laguna abaabiyo ansha​x iyo ​wadaniyad, waana taas hiigsiga Soomaalida! 

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

2 COMMENTS

Leave a Reply

Most Popular

Imaaraadku Maxuu u Sharaystay Midnimada Soomaaliya?

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Danjire Alexander Rondos oo goor dhow ka hadlayay machadka “Norweygian Institute of International...

In Somalia’s footsteps, for how long shall Sudan continue to be singled Out of (HIPIC) Initiative?

By Mubarak Mahgoub Musa The global scene has become increasingly traumatic due to the spread of the Corona...

Iska Ilaalinta CoronaVirus iyo Tawakalidda Eebe iyo Qadarka

Waxaa dad badan isaga darsamay la imaashaha sababaha lagu gaari karo wanaagga, ka fogaashaha sababaha xumaanta keeni kara, Ilaahay talasaarashadiisa (tawakaliddiisa), iyo...

Ankara oo Uga Digtay Abu Dhabi Inay Joojiso Siyaasadeeda Burburinta iyo Colaad Shididda

Warbixin qarsoodi ah oo loo soo bandhigay Qaramada Midoobay (QM), ayaa shaaca ka qaadday in qandaraasleyda Ruushka ee Wagner Group ay u...

Recent Comments

%d bloggers like this: