Wednesday, December 6, 2023
Home Gudaha Reer Galbeedku Marnaba Ma Dooneyn in Soomaaliya Yeelato Ciidan Cudud Leh!

Reer Galbeedku Marnaba Ma Dooneyn in Soomaaliya Yeelato Ciidan Cudud Leh!

Wareysi Gaar ah: Jeneral Maxamed Cali Sharmaan“Abril 12 – Lixdan Sanadood Kaddib, Aasaaskii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed”

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), oo mar ka mid ahaa ciidamada ugu xoogga badan Afrika, looguna yeeri jiray “libaaxyada Afrika,” ayaan la aasaasay Abril 12, 1960.

Wargeyska Jamhuriyadda, wuxuu fursad u helay inuu toddobaankaan wareysi gaar ah la yeesho Jeneral Maxamed Cali Sharmaan oo ka mid ahaa dhallinyaradii loo diray dugsiga tababarka saraakiisha ciidanka cagta ee dalka Talyaniga, nasiibna u yeesheey inuu ka mid noqdo saraakiishii udub dhexaadka u ahayd dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaca ku yeeshay karti iyo hufnaan.

Wareysiga waxuu qaatay muddo dheer, taas oo keentay in la tifaftiro si loo caddeyo micnaha loona yareeyo dhirirka, waxuuna ku bilawday sida tan:

Jamhuriyadda: Taliye, bal wax nooga sheeg taariikhda ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Jeneral Sharmaan: Talyaaaniga markii uu dalka ku soo laabtay wuxuu la yimid ciidan gaarayay ilaa 20 kun. Maamulkii Wasaayada Talyaniga ee Soomaaliya (Amministrazione fiduciaria italiana della Somalia- AFIS), looma oggoleyn inuu sameysto ciidan lixaadaas leh, maadaama Itoobbiya ay ku doodeysay in Talyaniga uu mar kale ku soo duuli doono, sidii 1935kii dhacday.

Sidaas darteed, AFIS waxay askartii Talyaaaniga ku bedeshay askar Soomaaliyeed oo loogu magac daray “Corpo di Sicurezza,” kana koobnaa afar urur (battaglione) oo dhan 4,665 askar. Walow askartii Talyaaniga la celiyey, haddana hoggaanka ciidanka cusub waxaa hayay saraakiishii Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Generale Arturo Ferrari, kana mid ahayeen Tenente Colonnello Giuseppe Migliorini, Tenente Colonello Umberto Ripa Demena iyo Tenente Colonnello Antoni Antonucci.

Afarta urur waxaa saldhig u ahaa Baydhabo, Beledweyne, Dhanane iyo Galkacyo. Tenente Colonello Umberto Ripa Demena wuxuu markii dambe bedelay taliyaha ciidanka Generale Arturo Ferrari oo dib loogu celiyay dalka Talyaaniga.

Jamhuriyadda: Haddaba, taliye sidee ciidanka “Corpo di Sicurezza” loogu helay hoggaan Soomaaliyeed?

Jeneral Sharmaan: Ururadaas waxaa laga soo xulay raggii hoggamin lahaa, kuwaas oo lagu tababarayay in muddo ah saldhiga Dhannaane. Sanadku markuu ahaa 1952dii ayaa leylis sarkaal na loogu diray kulliyadda ciidanka cagta ee “Scuola di Fanteria di Cesano” ee dalka Talyaaniga, oo aynu ku maqneeyn muddo dhan 2 sanadood (1954). Raggaas oo aan u kala hormarinayo sida ay imtaxaanka uga soo baxeen waxaa ka mid ahaa:

  1.  Layli Sarkaal Maxamed Cali Maxamed Samatar (Samatar)
  2.  Layli Sarkaal Maxamed Cali Maxamed Sharmani (Sharmaan)
  3.  Layli Sarkaal Cabdullahi Yuusuf Axmed Xassan
  4.  Layli Sarkaal Salad Gabeyre Kediye Dhiblaawe (Gabeyre)
  5.  Layli Sarkaal Maxamed Jaamac Xarbi Maxamuud
  6.  Layli Sarkaal Xassan Maxamuud Sabriye Faarax (Xasan Gaamuur)
  7.  Layli Sarkaal Nuur Caddow Cali Guuleed
  8.  Layli Sarkaal Cilmi Nuur Trambi Xirsi Tereey
  9.  Layli Sarkaal Maxamed Farax Xassan Cilmi (Ceydiid)
  10. Layli Sarkaal Cabdalla Maxamed Fadil Maxamed (Fadil)
  11. Layli Sarkaal Abuukar Gacal Mudde Maxamed  
  12. Layli Sarkaal Abuukar Xassan Wehliye Maxamuud (Suulaley)
  13. Layli Sarkaal Ibrahim Rooble Warfaa Abtidoon (Doonyaale)
  14. Layli Sarkaal Maxamed Nuur Maxamed Cusmaan (Baarqab)
Saraakiishii ugu horeysay ee ka soo qalan jibiyay kulliyada “Scuola di Fanteria di Cesano” ee dalka Talyaaniga 1954

Jamhuriyadda: Haddaba, muddane sideebuu ku dhashay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Jeneral Sharmaan: Abuurida Xoogga Dalka Soomaaliyeed, masuulintii dalka ee xilligaas wey isku khilaafsanayeen. Koox uu hoggaminayay Ra’iisul-Wasaare Cabdullahi Ciise Maxamuud waxey doonayeen in la dhiso ciidan dalka leeyahay, balse waxaa aragtidaas diidanaa koox uu hoggaminayey Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo markaas ahaa Taliyaha Ciidanka Booliiska. 

Sidoo kale, waxaa ka soo horjeeday dhismaha ciidan Soomaaliyeed dowladaha reer galbedka ah, balse Ruuska (Midowga Sofyeeti) ayaa soo dhoweeyey.

La soco qaybta labaad ……..

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Wargeyska Jamhuriyadda waxuu raadiyaa taariikhyahanada, siyaasiyiinta, qaanuunyaqaanada dalka oo dhan, si ay ula wadaagaan aragtiyadooda. Masawirada waxaa Wargeyska Jamhuriyadda ku xushmadeeyay Jeneral Maxamed Cali Sharmaan oo ah qofka la wareystay.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda wareysiga waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments