Thursday, June 1, 2023
Home Opinion - Ra'yi Halkey Ku Egtahay Xudduuda Xorriyadda Hadalka?

Halkey Ku Egtahay Xudduuda Xorriyadda Hadalka?

Waxaa qoray maqaalka – Cabdishakuur Cilmi Xassan

Waxaa dhici karta in dadku ay fasiraad kala duwan ka bixiyaan macnaha “Xorriyadda hadalka” ama “Freedom of speech”. Waxaad is-waydiineysaa xorriyaddani ilaa intee ayeey ku egtahay? Ma leedahayse xudduud? Xorriyaddu, ma ii fasaxaysaa inaan wax waliba oo maskaxdayda ku soo dhaca aan qoro ama duubo?

Xorriyaddu, ma waxay i leedahay qof kasta waxaad doontaad ka sheeg, xittaa waxaad ku eedeyn kartaa dambi kasta iyo jariimo kasta oo maskaxdaada ku soo dhacda, mana jirto cid kaaga baahan caddayn iyo marqaati.? Waxaan u malaynaa in aysan sidaasi sax ahayn, adduunka maanta jirana aanu sidaa ku shaqayn.

Baryahan waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayaa saxafi Cabdicasiis [Axmed] Gurbiye, oo ah Agaasime ku-xigeenka Taleefishinka Goobjoog, oo lagu soo eedeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Faysebuugga (Facebook), inuu yiri: Madaxweyne MCF [Maxamed Cabdullahi Farmaajo] wuxuu ka qaatay Isbitaalka Martiini mashiinkii neefta siinayey bukaanadda [Covid-19 Ventilator].

Saxaafaddu, waxay leedahay shuruuc qeexaysa waxa saxafigu xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay. Ma jirto wax kaa reebaya inaad soo gudbiso dhacdo kasta oo aad u aragto in ay bulshada wax u iftiimineyso ama isbeddel horseedayso, waxaad wax ka qori kartaa Madaxweyne ilaa karaani. Waxaase waajib ah in xog walba ay noqoto mid raad-raac sax ah wadata, oo aadan dhagaha iyo caqliyada dadka ee kuu furan aadan si xun oo xil leh kaga faa’ideysan.

In Madaxweynaha lagu eedeeyo inuu qaatay adeeg bulshadu ay ku wada manaafacaadsan lahayd, haddii ay jirto waa gaf way oo aan garowshiiyo lahayn, haddii se saxafigu uu warkaasi meel cad ku furi waayo macnaheedu waxay tahay meel-ka dhac iyo ihaano uu u gaystay Madaxweynaha, mana ah mid lagaga dhuuman karo xorriyadda hadalka.

Madaxweynuhu, inkastoo maamuus gaar ah leeyahay, haddana waxba kama duwana muwaadin Soomaaliyeed oo ummadda laga soo dhex xulay, lana faray waajibaad iyo awaamiir ku xusan dastuurka, haddii uu ka leexdo shaqadii loo xilsaaray waxaad xaq u leedahay ama saxafi ahaaw ama siyaasi ahaaw inaad dabagal ku sameyso, bulshadana la wadaagto xogaha ka dahsoon, adigoo wax waliba oo aad soo bandhigayso ay noqonayaan run-biyo kama dhibcaan ah.

Waxaa mararka qaar anigu u arkaa in ay tahay nasiib darro dadkeena haysata, in aysan ogayn awoodda ay leeyihiin (shacab ahaan), iyo iyagu in ay yihiin dowladda dhabta ah, oo shaqsiyaadka madaxda ah iyo dhammaan xubnaha dowladda ay yihiin shaqaale loo igmaday in ay ummadda u qidmeeyaan, oo cid kasta ee ka leexata dariiqa howsha loo igmaday in ay meel kaga soo wada jeestaan, dowladdu marka ay dariiq sax ah haysanna ay u noqdaan garab iyo gaashaan, marka ay dariiqii saxda ahaa ka leexatana ay awooddoodu muujiyaan, inta shacabku wax kasta ku raali yahay xalku ma dhawa.

Talo Ku Socota, Hay’adaha Garsoorka:

Hay’adaha Garsoorka waxaa la gudboon maadaama Saxafi Cabdicasiis Gurbiye la soo eedeeyo, in aan lagu xadgudbin xaquuqdiisa. Cabdicasiis waxa uu leeyahay xuquuq aasaasi ah [muwaadin], oo dastuurka ku qoran, hay’adaha garsoorka iyo cid walba ee arrintani ku lug leh, waa in ay dariiq sharci ah la maraan, taas oo ay ugu horreeyso:

Inaan loo gaysan jirdil, ciqaab iyo shafar dil;

In loo oggolaado inuu helo tasiilaadka uu xaqa u leeyahay [qareen];

In awoodda Dowladnimo aysan noqon mid iyada oo dhinac gaar ah loo daneynayo aan dhinac kale lagu dulmin (Taasi cuqubadeeda waa la soo arkay);

In aan loo aqoonsan in aanu ahayn dambiile ilaa ay maxkamaddi xukunto.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Asalka maqaalka waxaa lagu daabacay Allbanaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments