Khilaafka Muqdisho iyo Abu Dhabi Labo Sanad Kaddib

Dowladda Soomaaliya ayaa dhexdhexaad ka noqotay go’doomintii dalalka khaliijka ee Qadar. Isutagga Imaaraadka Carbeed oo u arkay mowqifkaas meelkadhac, ayaa dagaal ba’an ku qaaday madaxbannaanida Soomaaliya. 

Inkastoo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash uu u sheegay warbaahinta in siyaasadda dalkiisa ee aqoonsiga midnimada Soomaaliya ay taagan tahay, haddana Abu Dhabi waxay ku dhaqantaa siyaasaddii “qaybi oo xukun,” sida iyadoo doonayso joogitaan gumeysi muddo dheer. 

Imaaraadka oo kolkii hore ku soo galay dalka Soomaaliya inay gacan ka geysanayaan la dagaallanka burcad badeedda dhibaatada ku heysay marinnada ganacsiga ee badda cas, ayaa faraha la galay siyaasadda Soomaaliya.

Abril 8, 2018 ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ka soo degtay diyaarad “Royal Jet ah,” oo ka timid Abu Dhabi, siddayna lacag dhan 9.6 milyan. Iyadoo la raacayo habraaca Kastamka Garoonka ayaa laga codsaday inay furaan shandadihii, balse saraakiishii siday ayaa ku dooday inay tahay shaxnadda diblomaasiyadeed (diplomatic pouch),  Safaaradduna   leedahay xasaanad.

Dooddaas ayaa dhalisay tuhun keenay in boliiska gegida diyaaradaha uu joojiyo bixitaankii 3 shandadood oo aan astaan diblomaasiyadeed lahayn looguna sheegay inay ku jirtay lacag dhan 2 malyan doolar, balse 9.6 malyan doolar isu rogtay markii la tiriyay.

Warqad uu soo qoray Taliyaha Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorad ayaa Kastamka Garoonka Diyaaradaha looga codsaday in ay siiddeeyaan lacagta ah mushaar iyo raashiin dugsiga tababarka Janaraal Maxamed Ibraahim Gonlaa ee uga imaaneysay magaalada Boosaaso.

Falgalka Imaaraadku wuxuu noqday inuu Abril 15, 2018 ku dhawaaqo xiritaanka tababbarka ciidamada ee ay maamulayeen tan iyo 2014. Sidoo kalena ay xirayaan mashaariicda gargaarka bini’aadannimo, oo isbitaalka Sheikh Zayid ka mid ahaa.

Inkastoo Wasaaradda Gaashaandhigga ay la wareegi lahayd dugsiga, haddana koox burcad ah ayaa isku dayday inay bililiqeysato, taas oo muujinaysa dhibaatada ay leedahay dib u dhiska ciidamada amniga oo aan mideysneyn.

Fallanqeyeyaasha siyaasadda Geeska Afrika, ayaa rumeysan in ujeeddada ka dambeysay ficillada Imaaraadka ay ahayd in Soomaaliya lagu ciqaabo inay keligeed wajahdo caqabada amniga dalka.

Walow Wasiirka Amniga DFS uu sheegay in baaritaan uu ku socdo shandadihii, haddana bulshada waxay aaminsan tahay in lacagtaas lagu dumin lahaa dowladda, waana tan soo dedejisay inuu iscasilo Guddoomihii Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaare.

Wixii ka dambeyay khilaafkii khaliijka, xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la lahayd dalka Imaaraadka waxuu u muuqday mid cirka loo tuuray, inkastoo Imaaraadka uu ka mid ahaa kuwa ugu muhimsan dalalka carbeed ay Soomaaliya xiriirka ganacsi la lahyd, weliba waagii Sheikh Zayid Al Nahyaan-na ahayd dawlad si aad ah u barbar taagan Soomaaliya.  

Walow madaxweyne Farmaajo uusan saxiixin qaraarkii Baarlamaanka uu ku buriyay heshiiskii Somaliland iyo DP World, xukuumaddiisana ka gaabsatay ka hadalka xiriirka kala dhexeya Imaaraadka, haddana taageeradeeda maamul-goboleedyada la loollamaya dowladda dhexe ayaa xiisadda sii adkeynaysa.

Maanta oo ay Soomaaliya iyo Somaliland iskaga dhow yihiin halkii ay kala joogeen soddon sanadood ka hor, madaxdii maamul-goboleedyada ee la loollamaysa Muqdishana ay sii tabar yaraanayaan, doorashada qof iyo codna ay sababi karto isbeddel ku dhaca xulafadeeda, halkeebuu kibirkii iyo ixtiraam la’aantii amiirrada Imaaraadka ku dambeyn doonaa?

Soddonkii sanadood ee ugu dambeyay  isbeddel weyn oo lama filaan ah ayaa ka dhacay Bariga Dhexe, gaar ahaan dawladaha Carbeed kaddib markii xoogaggii la tartamayay Galbeedka ay meesha ka baxeen.

Isbeddelkaas wuxuu wiiqay dowladihii hoggaanka u ahaa dalaka Carabeed, sida Masar, Ciqraaq, Suuriya, Liibiya. Taas waxay keentay in dawladihii khaliijka Carbeed ee hodanka ahaa, islamarkiina u ahaa hayin Maraykanka, in ay fursad u heleen inay iyagu isu sharraxaan hormuudnimada dalalka Carbeed.

Natiijada waxay noqotay in dowladahan, gaar ahaan Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carbeed, ay la wereegaan Jaamacadda Carabta ciddii ka hortimaddana ay awood u sheegtaan.

Boqortooyada Sacuudiga waxay ku shuqlan tahay dagaal iyo tartan ay la gashay Taliska Iiraan, dagaalka Suuriya, amarkutaaglaynta Lubnaan, dabargoynta Falastiin, iwm.

Halka Imaaraadka ay faraggelin ku hayaan dawladaha carabta ee kale, tii hayin u noqon waysana ciqaab lala horjoogo, sida Yaman (oo ay Imaaraadka ku shuqlan yihiin sidii Koofurta Yaman looga faquuqi lahaa Waqooyiga kaddibna loola wareegi lahaa furdadaheeda), Jabuuti, Soomaaliya, Liibiya, Suudaan, iwm.

Balse dhaqanka Cummaan iyo  Kuwayt waxuu u muuqdaa inuusan raacsanayn saanta labadan kale, halka Baxrayn ay mashaakilkeeda gudaha ku hawlan tahay.

Siyaasadda iyo dhaqanka Dowladda Imaaraadka waa mid jahawareer ku dhisan dhaqankeeduna yahay lama filaan iyo kaadsiinyo xumo oo kadeed iyo faraggelin ku haya dawladaha Carabeed ee saboolka ah. Soomaalida waxay tiraahdaa “Gadaal Kaggaar Waa Goobdumis.”

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply