Maxaa Isa Sudhay Saxaafadda iyo Xukuumadda?

Isdhaafsiga aragtida iyo xorriyadda hadalka waa rajada iyo badbaadada qof iyo ummad, taasaa keentay in loo baahdo warbaahin ka madaxbannaan cadaadis iyo caburin!

Doorka saxaafadda ay ka ciyaarto bulshooyinka xorta ah dhexdooda waa inay xaqiijiso runta, u dooddo dulmanaha, islamarkaasna ay soo bandhigto ajeendada qarsoon iyo ballanqaadyada beenta ah oo ay siyaasiyiinta ku habayaan shacabka.

Sidoo kale, saxaafada xorta waxay kaalin mugg leh ka qaadataa kor u qaadista nabad waarta, ilaalinta iyo horumarinta demoqoraadiya, la dagaalanka maamul xumida iyo musuqa. Waxayna gaadh (ilaalo) ka tahay dhaqdhaqaaqyada halista ku ah xoriyada!

Balse, saxaafadda xorta ah waxaa weerar ku hayay tan iyo soo ifbaxeeddii siyaasiyiin, ganacsato iyo shaqsiyaad leh ajeenda​yaal qarsoon, kuwaasoo damacoodu yahay inay jiheeyaan maanka iyo aragtida dadweynaha, si ay u gaaraan ujeedooyinkooda gurracan. Dacaayadda (propaganda), iyo faafinta been-run-loo-ekaysiiyo waa habka ay ku khaldaan ra’yulcaamka.

Hadabba su’aasha muhiim ka ah ayaa ah, sidee loo kala sooci karaa dacaayadda iyo runta?

Keith Winstein oo ah weriye horey uga soo shaqeeyey wargeyska “Wall Street Journal” ayaa rumaysan, si tixraac loogu sameeyo warka in dulqaadka iyo waqtiga muhiimmad gaara leeyihiin, marka ay timaado kala saarista beenta iyo runta.

Dhaqaalaha iyo awoodda siyaasadda ayaa door weyn ka ciyaara wararka been abuurka ee lagu dhex faafiyo bulshada dhexdeeda, iyadoo la dhex marsiinayo qalabka warbaahinta.

George W. Hill, oo ahaa sanaddii 1920 gudoomiyaha Shirkadda Tubaakada ee Mareykanka (American Tobacco Company), ayaa xaqiiqsaday in shirkaddiisa aysan gaarin qeyb ka mid ah suuqa. Wuxuu shaqaaleysiiyay Mr. Edward Bernays oo hormuud ka ahaa arrimaha xiriirka bulshada iyo dacaayadda, si uu u baddalo maanka hablaha Maraykan, islamarkaana uu uga dhaadhiciyo inay sigaarka dhuuqaan. Taasoo keentay ugu dambeyn in shirkadda si weyn uga macaashto hablaha sigaarka dhuuqa.

Xorriyada sinnaanta ragga iyo dumarka ayay ahayd tabtii uu adeegsaday Mr. Edward Bernays inuu ​ku faafiyo dacaayaddiisa, si uu dumarka u dhagro.

Waxuu daabici jiray qoraallo qiil loogu sameenayo in habluhu xaq u leeyihiin cabista sigaarka, halka ​uu tabeelayaal waaweyn oo ay ku sawiran yhiin dumar sigaar dhuuqaya uu suray waddooyinka iyo dariiqyada dadka iyo gaadiidka ay adeegsadaan. Taasaa keentay in Mr. Edward loogu yeero “Aabbaha xiriirka bulshada iyo dacaayadda” [the father of public relations and propaganda].

Dhanka kale, waxaa shaqada laga cayriyey, shaqaale gaadhaya 15, oo ka tirsanaa VOA qaybta afka Hausa. Kuwaas oo lagu soo eedeyay in ay sharuur (laaluush) ka qaateen saraakiil waqooyiga Afrika ah (VOA – 4tii Oktoober, 2018).

Dhacdooyinkaas waxay ina tusayaan sida looga macaasho wararka been abuurka ah ama ka fog xaqiiqda ee lagu marin habaabinayo bulshada.

Waxaa lama huraan ah, in la xoojiyo sharciyada iyo qawaaniinta lagu xakameenyo baahinta iyo faafitaanka wararka beenta ah iyo dacaayadaha lagu dhaawacayo, dimuquraaddiya, nabadgelyada, caafimaadka, sharafta iyo qiimaha aadanaha, halka uu qaanuunka suubban dhiiraggelinayo ku dhaqanka runta.

Horumarka teknoolajiyada, iyo soo ifbixii warbaahinta bulshada, sida Facebook, Twitter-ka, Instagram, WhatsApp iwm., waxay dunida ku soo kordhiyeen in beenta run loo ekaysiiyo gaarto fiintii ugu sarreysay, taasoo meelo badan oo dunida ka mid ah ka abuurtay fidno, nacayb isir, dhimasho iyo barakac colaadeed. Balse dhanka kale, waxay fursad weyn siisay dhibbanayaal badan oo ku nool dunida dacalladiisa, kuwaasoo aan heli jirin cadaalad iyo madal ay ku soo bandhigaan cabashadooda.

Shirkadaha Facebook iyo Twitter, waxay sheegeen inay xireen tiro ka badan 6000 oo bog kuwaas oo lagu gudbin jiray warar siyaasadeed oo bulshada lagu marin habaabinayo ( social media today December, 21, 2020).

Soomaaliya waxaa muddooyinkii dambe isa sudhnaa saxaafadda iyo dowladda Dhexe, taasoo keentay in la xiro suxufiyiin, halka ay qaar kalena loo jeediyay eedo.

Kol dhow, waxaa damiin lagu siiddaayey wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsanaa warbaahinta Goobjoog, kuna eedaysan in war been abuur ah uu ku qoray barta uu Facebooka ku leeyahay. Waxaase weli dowladda u xiran wariye Maxamed Cabdiwahab (Abuuja) oo ah tafaftiraha idaacadda Hiigsi ee magaalada Muqdisho. ​

Qoraal ay soo saareen hay’adaha amaanka ayaa lagu sheegay in wariye Abuuja uu ku eedaysan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda xaggjirka Alshabaab, islamrkaasna loo heysto inuu qayb ka ahaa dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey. Dilkaas waxuu ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, taariikhda markay ahayd Jun 03, 2019 (Sonna April 22, 2020).

Waxay xirtay maamul-goboleedka Koonfur Galbeed wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh, kadib markii maamulka ku eedeyey inuu warbixin been abuur ah u diray VOA.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee maamul-goboleedka Konfur Galbeed Ugaas Xassan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in warka loo xiray wariye Catoosh la xiriiro kufsi ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kufsigaas oo loo geystay gabdho ku safrayey inta u dhaxaysa Wanlaweyn iyo Leego oo la socday gaadhiga la sheegay inuu ka soo baxay Muqdisho, kuna socday Baydhabo.

Ugaas Xassan, ayaa yiri ” kaddib, markii aan daawanay warbixinta wariye Catoosh, ayaan raadinay sugnaanshaha warbixintaas, waxaan ogaanay in aysan jirin fal dembiyeed kufsi ah oo ka dhacay inta u dhaxaysa Wanlaweyn iyo Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Ugaas ayaa sidoo kale sheegay in weriye Catoosh aan loo xirin siyaasad amase wax la xiriira.

Waxaa dhab ah, in maamulada dalka ka jira inay marar badan ku xadgudbaan xuquuqda weriyaasha ka howlgala dalka, taas oo muujinaysa heerka uu gaadhsiisan yahay cabudhinta lagu hayo saxaafadda xorta ah! Xariga weriyaasha waxuu astaan u yahay howlgalada ay maamulayaasha dalka ku aamusinayaan codka shacabka. Waxaa xusid mudan inuu weli maamulka Somaliland u xidhan yahay weriye Cabdimaalik Coldoon.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baraawe ayaa ku amartay idaacad afka Baraawaaniga ku tabisa barnaamijyadeeda in la xiro, amarkaas oo ka horimanaya xuquuqda muwaadinka iyo xoriyadda hadalka! Balse, gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Najax ayaa ka horyimid go’aanka lagu xirayo idaacada codka Baraawe. Gudoomiye Najax ayaa amray in idaacada howlaheeda si madaxbanaan u wadan karto.

Xeeldheerayaal dhanka sharciga ayaa rumaysan, in madmadowga soo kala dhexgalay xukuumadda iyo qaar ka mid ah saxaafada in qayb ahaan eeda suxufiyiinta leeyihiin! Dhaliishaas ayaa salka ku haysa khibrad yarida suxufiyiinta iyo inay noqdeen dhuun ay dacaayadda iyo wararka been abuurka ah ay soo dhexmarsadaan siyaasiyiin dan gaar ah leh oo isku sheegaya inay yihiin mucaarad iyo shisheeye dano guracan ka leh wadankan.

Odhaah Soomaaliyeed ayaa dhahaysa ” Si xun wax u sheeg sixiroole waa ka daran yahay.”

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply