Hayareysan Xanuunka Hargab La Moodka ah

Waa dhacdo run ah, fadlan si fiican u dhuux:

Xanuun aan la aqoon ayaa dalka ku faafaya, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxiga ku dhow. Geelleaar Rooble oo cudur aan la aqoon ku dhacay bartamihii Octobar 2019 kana soo kabsaday ayaa khibraddiisa la wadaagay wargeyska  Jamhuriyadda. Wareysiga wuxuu ku bilowda sida tan:

Jamhuriyadda – Maxay ahaayeen astaamaha aad isku aragtay, goormaase isku aragtay?

Geelleaar – Cudurku ma aha wax hal mar qofka ku soo boodayo! Ma fileyn in hargab noolasheyda uu halis gelin karo. Weligeyna iguma​dhicin xanuun dhibaateeya habdhiska neefsashada jidhkayga. 

Fasax labo toddobaad ah ayaan ku tegay Toronto (Canada), oo aan ku arkay asxaabteedii oo qaarkood 40 sano ka hor igu arag dambeysay. Intii aan joogay ayaan isku arkay biyo sanka iga socda, kaas oo aan duuf lahayn iyo hindhiso. Ka dib waxaa igu bilawday qufac habeenkii u badan iyo kor wajac (xanuun), aan lahayn qandho ama xummad sare. Waxaan u qaatay inuu yahay hargab amase “influenza” mana shareysan.

Afar maalmood kaddib markii aan ka soo laabtay safarkii, oo maalin Khamiis ah ayaan wacay dhaqtarkaygii anigoo weliba ka xishoonayo inaan ka eed sheegto hargab. Waxaan ka mid ahay dadka rumeysan in hargabku yahay wax muddo socda, oo haddii daawo loo qaato ama layska daayo, ka soo kabsashadiisa ay qaadanayso muddo 2 ilaa 3 asbuuc.

Jimcihii ayaa xaaladdaydii ka dartay, oo waxaa igu soo kordhay madax xanuun, qandho iyo dhidid habeenkii ah.  Waxaan qaatay qandho jabiye, balse waxba kuma dheefin.

Markii “thermometer”ka uu gaaray meel sare sabab la’aan, ayaa madaxa la iga saarayay marooyin qoyan (fashaq ah) oo durbadiiba qallalayay. Qandhada waxay aad ii qabanaysay xilliga habeenka ah, oo waxaa​n mar isiri ameyba duumo ku heysaa.

Habeenkii xigay, xummadii waxaa ku soo kordhay inaan saqdhexe la soo booday shuban biyo u badan. Waaga waxuu igu baryay sii soco soo soco. Waxaan shuban biyoodkii “diarrhea,” kula tacaalay caloosha oo aan qadiyay iyo inaan cunin waxaan oon cad ahayn.

Jamhuriyadda – Daaweyn noocee ah ayaad heshay, waxse makuu tareen?

Geelleaar – Isniin gelinkeedii dambe ayaan la kulmay dhaqtarkeygii, anigoo  qoxqox  leh, hindhisayo, feeraha i xiran yihiin, ka baqayana inaan fuuq baxay (dehydrated), balse xaraaradii qandhada ay jabtay.

Markii uu dhegeystay sida la ii hayo, waxaan isla garanay in shubanka uu iga jibiyey qandhadii badneyd. Walow uu rumeysnaa in hargab uu yahay waxa i haya, haddana waxuu iga baaray “influenza.”

Intii aan la fadhiyay ayaa jawaab sheegeysa inaan qabin la soo celiyay. Waxuu iigula taliyay in hargabka uu qaato waqtigiisa. Wax daawo ah oo loo qaato hargabka iima qorin, waxuuse ii qoray daawo sanka lagu dhibciyo oo lagula dagaallamayo dareeraha sanka oo ku dhacaya dhuunta, kaas oo keenayay riiraxyada iyo qufac badan.

Cabitaanka biyaha waan dhibsaday, shaaha amase liinta ayaan door bidayay, haddana sokorta iyo cusbadaba way ii daran yihiin. Waxaan qabaa dhiigkar, sonkortana waan iska ilaaliyaa sideedaba, inkastoo macaankeyga uusan gaarin heer daawo loo qaato. Waxaa igu soo kordhay lallabbo iyo cunnadii oo aan ka go’o.

Maalintii Isniinta ayuu dhaqtarkii igu soo warceliyay si uu xaaladdayda ula socdo, waxaase loo sheegay in quficii uu ka sii daray. Waxuu ii qoray sharoobbo (syrup) qufaca iyo lallabbada xal u noqon karta.

Tan iyo maalintii aan soo dhacay (Jimcihii hore) hurdo waan isa seegnay. Waxaana ku fadhiyaa kursi har iyo habeen, oo haddii aan dhinaca dhulka dhigi lahaa qufaca ayaan afka isku qabanaynin. Sidii inaan qabo neef ayaa kalxanta i godan tahay, labada garboondna waxaad mooddaa in qoorta lala simay sida qof qaba neef (asthma), waran ayaa caloosha laygaga dhufanayaa marka aan qufaco.

Waxay noqotay in dib laygu celiyo dhaqtarkii maalintii Jimcaha. Waxuu ka naxay sida aan u aal waxaana iga dhacday dhowr kiilo. Waxuu ku taliyay inaan qaato “antibiotic” asagoo ka baqaya inaan qabo oofwareen “pneumonia.” Waxuu la tashaday dhowr dhaqtar oo midba mar i dhageysta, wuxuuna ii diray X-ray (raajo), si uu u xaqiiqsado waxa uu tuhunsan yahay.

Isla markii ayaan tagnay meeshii lagu qaadayay raajada. Soo noqodkii ayaa waxaan istaagnay meel lagu gado rooti. Waxaa la ii dalbay sandwich iyo koob mishaari qudaar leh (vegetable soup). Waxaan rootigii ka cunay jab, dhowr jeerna waxaan kabbaday mishaaridii anigoo isku qasbayay. Markaas ayaa iigu horeysay wax dibnaheyga ka degga muddo toddobaad ah.

Maalintii Isniinta ayaa dhaqtarkii isoo wacay, asagoo ku bishaareynaya inaan qabin oofwareem “pneumonia.” Waxaa loo sheegay in sharoobbadii (Syrup) qufaca iyo tii lallabbada aysan waxba tarin, neefsashadana ay igu adkaatay. Waxuu ii qoray daawo cusub. Aad ayaan u daalay oo waxaan ka xishooday inaan weydiiyo dhaqtarka in aan bogsan doono.

Waxaa laygu celiyay maalintii Arbacada, iyadoo garbaha la’i hayo tabar darro awgeed. Waxaa feerahayga ka yeeraya xiiq aad siiri moodo. Waxaa ii yimid dhaqtar aan hore u aqoon, waxuuna noo sheegay in dhaqtarkaygii uu nasiino ku jiro. Fayadhawrka aan ku tixanahay waxuu qayb ka yahay Isbitaal, oo dhaqaatirta waxay ka wada shaqeyaan bukaansocoka iyo isbitaalkaba.

Dhaqtarkii waxuu noo sheegay inuu ku soo raagay akhriska feelkayga. Waxuu inaga wareystay xaaladdeyda, waxaana loo sheegay inaan ka sii darayo. Dhowr jeer ayuu dhegeystay feerahayga. Weli sanka biyihii baa ka socda, qufaca maba kala go’ayo, hunguriga wuu i xanuunayaa, feeraha jiq bey i yihiin waxaa la moodaa inaan qabo xiiqdheer. Hindhisada sidii hore uma badna, shubankiina wuu kala dheeraaday.

Waxuu ku taliyey in dhammaan daawooyinkii aan hore u qaadanayay aan joojiyo. Waxuu qoray daawoyin cusub, isagoo leh waxaad qabtaa xasaasiyad (allergy). Waxaa loo sheegay inaan hore u qabin, inkastoo aabahay uu qabi jiray anigana aan ka da’weynaha da’dii lagu qaadi lahaa. Asagoo garwaaqsan warkaas ayuu ku taliyay inaan dib ugu soo laabanno asbuuc gudihiis, si haddii ay wax isbeddeli waayaan laygu sameeyo baaritaan qoto dheer.

Jamhuriyadda – Ka soo kabashada siday u egtahay meeqa ayayse qaadaneysaa?

Geelleaar – Toddobaad gudahiisa xaaladdeyda aad ayay isusoo tartay. Quficii wuu kala dheeraaday, balse waxuu isii hayay ilaa dhowr bilood oo dambe. Aad ayaan ugu faraxsanahay in jirkeygu uu la dagaallamay cudurka, kaddibna aan ka soo kabsaday. Waxaan aaminsanaa inaan ku raysanayo daawadii dambe ee uu dhaqtarka ii qoray, illeen aaminaada madaxda “Psychological belief” qayb ayey ka tahay soo kabsashada qofka.

Xanuunka waxuu igu reebay tabardarro aan la socon waayay iyo baqdin la xiriirta neefsashada. Waxaa iga dhacay ilaa 10 kg wax ku dhow, cudurkana waxuu i hayay 5 amase 6 asbuuc. Dhaqtarka wadnaha (cardivescular) oo aan la kulmay bil iyo bar kaddib oo tobaneeyo sanadood la socday, ayaa igu yiri weli sambabkaaga biyo ayaa ku jira. Waxuuna igula taliyay inaan socdo ugu yaraan saacad maalintii.

Cudurka faafa ee “Covid-19” weli si rasmi ah looma aqoon marka aan bukaday, walow mar dambe aan maqlay in Shiinaha lagu arkay Oktoobar 2019kii cudur aan la aqoon.

Jamhuriyadda – Waa maxay farriinta aad rabto inaad u dirto dadka Soomaaliyeed ee xanuunka aan la aqoon haleelay amase aan weli qaadin caabuqa coronavirus?

Geelleaar – Waxaan idiin la wadaagay waaya-aragnimadayda cudurka aan hore loo aqoon, anigoo rajeynaya in qof kasta uu taxaddarka badiyo, si looga fogaado jahwareer bulsho. Covid-19 waa masiibo aan hore loo arag oo si ba’an u faafta, haddana u eg hargab xumaaday ilaa haddana dunida ku aafeeyay dad kor u dhaafay 2 malyan iyo 8 boqol, kuna dhinteen in ka badan 200 kun. Wax kale iska dhaafe waxuu ku dhacay bisado ku nool New York.

Calaamadaha dadka isku arkayaan si weyn ayey u kala duwanaan karaan, adigu ha yareysan oo ha isoran ma qabi, qaado tallooyinka dhaqaatiirta. Caabuqa waxuu sababi karaa halis kor u qaadda dhiigkarka, dhaawacda sambabbada amase xubnaha kale ee jirka.

Covid-19 waxaa la sheegayaa inuu u dhigmo “Spanish flu” oo 1918 ilaa 1919 dilay in ka badan 50 malyan oo qof. Cudurkaan wax la mid ah hore looma arkin nus qarnigii la soo dhaafay. Waa masiibo rabbaani ah, wadajir ayaa looga guuleysan karaa ee yaan la yareysan qeyladhaanta dhaqaatiirta iyo dowladda, adkaarta Eebe badbaadada lagu weydiistana afka ku haaya.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Wargeyska Jamhuriyadda waxuu raadiyaa taariikhyahanada, siyaasiyiinta, qaanuunyaqaanada dalka oo dhan, si ay ula wadaagaan aragtiyadooda. Masawirada waxaa Wargeyska Jamhuriyadda ku xushmadeeyay Jeneral Maxamed Cali Sharmaan oo ah qofka la wareystay.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda wareysiga waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

4 comments

Leave a Reply to Dawada Covid-19 oo Lasoo Jeediyay Ma Nin Buka Boqol U Talisay Baa Mise Rajo Dhab ah ? | Xulka Wararka oo dhan Cancel reply