Thursday, June 1, 2023
Home Caafimaad & Nolol Coronavirus iyo Salaadaha Jamaacada iyo Jimcada

Coronavirus iyo Salaadaha Jamaacada iyo Jimcada

Sida ay caddeeyeen dadka bartay cilmiga caafimaadka, corona fayrusku (Covid- 19) waa cudur dhaqsa faafa, dhib badanna u gaysta  banii-aadanka, geerida uu sababaana ay badan tahy. Dhaqaatiirtu waxaa ay caddeeyeen in qofka cudurkaas qaba uusan marka hore dhaqso u dareemi karin isaga oo aan iska warqabin ayuu cudurkaas u gudbinayaa cid allaale ciddii uu la kulmo. Waxaa kale oo ay caddeeyeen in sababaha uu ku faafi karo ay ugu wayn tahay is dhexgalka iyo kulammada meela xiran ka dhaca, sida fasallada wax lagu barto, maqaayadaha wax laga cuno, dukaamada wax laga iibsado, masaajiddada, gaadiidka guud ahaaneed, iyo meel allaale meeshii xiran.

Cudur kasta oo tilmaamahaas leh waxaa sharciga islaamka loo yaqaannaa Alwabaa’a. Culimada muslimiinta ee casrigaan joogta kuwooda muctabarka ah, sida culimada Al Azhar, markay arkeen warbixinta ay cudurkaan ka bixiyeen dhaqaatiirta iyo masuuliintuba waxay fatwoodeen in ay bannaan tahay in la joojiyo si ku meel gaar ah salaadda jamaacada  iyo salaadda jimcahaba cabsi laga qabo darteed in cudurkaani  ku faafo beledka. Qof kasta waxaa u bannaan in uu shanta salaadood gurigiisa ama meel aan dad kale joogin ku dukado. Salaadda jumcahana waqtigeeda uu afar rakcadood oo duhur ah dukado si looga hortago ama loo yareeyo faafidda cudurkaan dilaaga ah.

Fatwadaan culimadu bixiyeen waxaa daliil u ah xadiith ay soo saareen Bukhaari, Muslim, Abuu daawuud, Ibnu Maajah, iyo Imaam Axmad, xadiithkaasi wuxuu caddaynayaa in Cabdullaahi ibnu Cabbaas – Ilaahay haka raali ahaadee- uu maalin jumca ah roobna da’ayo mu’addinkii amaryay inuu aadaanka dhexdiisa ku naadiyo “guryihiinna ku dukada” markuu naadi lahaa “salaadda u kaalaya.” Markii  uu arkay in dadkii meesha joogay ay ku  inkirayaan amarka uu bixiyay, ayuu yiri waxaa sidaan sameeyay qof iga khayr badan, wuxuuna ula jeedaa Nabiga – sallalaahu calayhi wasallam- jimcadu waa waajib, waxaana kahanayaa in aan idin dhibo oo aad ku socotaan dhoobo iyo sibxasho.

Sida aan arkayno, salaaddi jimcaha waa la joojiyay, dhibka jirayna wuxuu ahaa ku socodka dhoobada roobku sababay iyo in lagu dhex kufi karo oo kaliya. Dhibkaasi ma gaarsiisnayn heer dhimasho ama inuu sababo jirro xanuun badan sida corona fayruska oo kale.

Haddiiba jamaacadi iyo jimcadiiba dhibka sidaa u fudud dartiis loo joojiyay, in dhibka corona fayraska ka dhalanaaya dartiis loo joojiyo salaadda jamaacada iyo jimcahaba ayaa ka sii habboon. Sababtuna waxaa waaye maqaasidda (ujeeddada) shareecada islaamka  waxyaabaha ugu waawayn waxaa ka mid ah dhawridda nafta banii-aadamka, iyo  ka ilaalinta  wax allaale wixi dhib u keeni kara.

Haddaba, waxaa habboon waqtigan musiibadaan cudurka ahi socoto in la raaco talooyinka  dhaqaatiirtu bixinayaan iyo  amarrada ay masuuliinta ummadda hoggaamisa farayaan. Ma haboona in buuq, jahawareer, isqabqabsi ummadda lagu dhex abuuro iyadoo aqoon diineed la sheeganayo.

Maxamed Macallim Maxamuud

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments