Advertisements
Sunday, May 24, 2020
Home Caafimaadka Mashiinka “Ventilator” Ma u Yahay Lagama Maarmaan Badbaadada Bukaanka COVID-19?

Mashiinka “Ventilator” Ma u Yahay Lagama Maarmaan Badbaadada Bukaanka COVID-19?

Waddamada qaarkood ayaa maanta diyaar u ah inay fududeeyaan amaba ay qaadaan    amarradii ku-negaanshaha guriyaha iyo kala fogeynta bulshada oo ay ku xasiliyeen caabuqa covid-19. Taasi waxaa surtaggelisay dadaalka dhaqaatirta iyo adeegsiga aaladaha daryeelka caafimaad.

Sida uu soo wariyay ururka caafimaadka addunka WHO, lixdii bukaan oo uu aafeeyo covid-19 mid ka mid ah ayaa si xun u xanuunsada oo ay neefsashada ku adkaataa. Taas waxaa sabab looga dhigayaa in Covid-19 uu dadka ka haleelo sambabada iyo marinada neefmareenka.

Sababtaas ayaa muhiim ka dhigtay mashiinka hawo-mareenka “ventilator” in lagu caawino bukaanka neefsashada ku adkaato ee la dhigo isbitaallada. Mashiinka “ventilator”-ka waxuu waxtar u yahay laba hawlood oo muhiim ah: Helikaanka sambabada oksijiin badan amase ka saarida oksiidkarboonka (carbon dioxide) sambabada bukaanka.

Inta uusan soo ifbixin caabuqa Covid-19, baahida aaladaha daryeelka sida hawo-mareenka “ventilators”  dunida oo dhan waxay ka hooseysay 77 kun xabbo, balse Abril 2020 New York keliya ayaa u baahatay 30 kun xabbo. Walaaca dunida qabsaday waxuu ahaa halkee laga heli donaa mashiinno haqabtira baahida bukaanka uu soo rito covid-19?

Halkii mashiin ee hawo-mareenka “ventilator” waxaa lagu qiyaasayaa inuu ku kici karo 25 kun ilaa 50 kun oo doollar ama ka badan. Balse, daraasad cilmi baaris dhawaan la sameeyay ayaa welwel ka muujisay mashiinka hawo-mareenka “ventilator”  loo isticmaalo badbaadinta bukaanada covid-19.

Khubaradu waxay sheegayaan in seddax meelood labo meel (2/3) bukaannada Covid-19 isbitaallada loo adeegsado aaladda hawo-mareenka “ventilator” aysan badbaadin. Weliba waxaa soo kordhaya doodaha bulshada caafimaadka ee tuhunsan in hawo wareejiyeyaasha “ventilators” sabab u yihiin badbaadada liidata ee bukaanka.

Dhaqaatiirta qaarkood ayaa aaminsan inay daaweynayaan cudur qalad ah amase hawo-mareenka “ventilator” uusan aheen daaweynta ku habboon covid-19 (Time 16/04/2020).  Kuwo kale ayaa rumeysan in dadka cudurka soo rito ay aad uga fara badan yihiin tiro ahaan awoodda dadka sida wanaagsan ugu tababbaran mashiinka.

Dhaqaatiirta qaarkood ayaa aaminsan in mashiinka hawo-maareenka uu kaga sii darayo sambabka dhaawacan. Balse kuwo kale ayaa ku dooddaya intaasi tahay cabsi fikirka (theoretical fear) ee aysan aheen mid dhab ah.

Dhaqaatiir Talyani ah oo wax ka qoray covid-19 ayaa sheegay in bukaannada oksijiinka dhiigooda hooseya iyo dumarka umulayo ee caabuqa covid-19 aafeyay ay soo kabteen iyadoo aan howo-mareen ku xirneyn (NBC Miami – 16/04/2020).

Si kastaba ha ahaate, koox dhaqaatiir ah oo ka tirsan Jaamacadda “University of Chicago School of Medicine” kana shaqeynayay daryeelka caafimaadka bukaannada degdegga ah oo daaweyay darsan bukaan oo uu haleelay covid-19 kuna adkeed neefsashadu ayaa doorbiday inay adeegsadaan qaabab fudud, iyadoo sanka looga qulquliyay oksijiin halkii ay u gelin lahaayeen aaladda hawo-mareenka “ventilators.”

Bukaannadii lagu tijaabiyay qaabkaas waxaa oksijiinkoodu kor u soo kacay heer dhan 40% ilaa 80% iyo xitaa 90% taas oo noqotay wax cajiib ah. Waxay dhaqaatiirtaas ku talinayaan in adeegsiga hawo-mareenka “ventilators,” uu noqodo xalka ugu dambeeya ee badbaadinta bukaanka covid-19.

Qaabka cusub kama marna khatar, haseyeeshee waxaa looga baahan yahay shaqaalaha daryeelka caafimaadka (kalkaaliyeyaasha iyo dhaqaatiirta) inay xirtaan qalabka ilaalinta shaqsiga, si looga badbaadiyo naftooda fayraska inuu aafeeyo.

War iyo dhamaantii, waxaa doodaha bahda caafimaadka ka cad in cilmi baarayaashu u baahan yihiin waqti dheer si ay daraasad dhab ah uga sameeyaan caabuqa covid-19, inta aan la gaarin go’aaminta goorta laga bixi karo bandowga, amase la qaadi karo amarradda joogista guryaha iyo kala fogeynta bulshada si noolashii caadiga ahayd loogu soo laabato.  

Dunida waxay isku raacsan tahay in Covid-19 looga guuleysan karaa keliya ficil wadareed, iyo in la raaco tilmaamaha madaxda daryeelka caafimaadka, lana badiyo dulqaadka iyo taxaddarka.

Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Most Popular

Imaaraadku Maxuu u Sharaystay Midnimada Soomaaliya?

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Danjire Alexander Rondos oo goor dhow ka hadlayay machadka “Norweygian Institute of International...

In Somalia’s footsteps, for how long shall Sudan continue to be singled Out of (HIPIC) Initiative?

By Mubarak Mahgoub Musa The global scene has become increasingly traumatic due to the spread of the Corona...

Iska Ilaalinta CoronaVirus iyo Tawakalidda Eebe iyo Qadarka

Waxaa dad badan isaga darsamay la imaashaha sababaha lagu gaari karo wanaagga, ka fogaashaha sababaha xumaanta keeni kara, Ilaahay talasaarashadiisa (tawakaliddiisa), iyo...

Ankara oo Uga Digtay Abu Dhabi Inay Joojiso Siyaasadeeda Burburinta iyo Colaad Shididda

Warbixin qarsoodi ah oo loo soo bandhigay Qaramada Midoobay (QM), ayaa shaaca ka qaadday in qandaraasleyda Ruushka ee Wagner Group ay u...

Recent Comments

%d bloggers like this: