Advertisements
Sunday, May 24, 2020
Home Guddaha Falalka Kufisga ee Ka Dhaca Soomaaliya Ma Ka Maran Yihiin Talo Sixirroow?

Falalka Kufisga ee Ka Dhaca Soomaaliya Ma Ka Maran Yihiin Talo Sixirroow?

Waxaa soo badanaya falalka kufsiga, afduubka, iyo dilka lagula kacayo carruurta, iyo hablaha. Dhowaan ayay ahayd markii  fal kufsi ah loogu geystay degmooyinka Balanballe, iyo Afgooye 3 caruur ah, oo da’dooda kala tahay 3, 4, iyo 7 jir.

Balse, dadka Soomaaliyeed waxay ku baraarugeen kufsiga iyo dilka loo gaystay Caasho Ilyaas Aadan, kaasoo soo jiitay dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo ururrada u dooda xuquuqda carruurta iyo haweenka. Tani waxay ahayd dhacdo murugo leh oo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay xadgudubyada lagula kaco bulshada inteeda jilicsan ee birimaggaydhada ah.

Doodda maqaalka ayaa ah: Maxay tahay sababta iyo ujeedadda loo kufsado carruurta iyo haweenka, maxaase lagu xallin karaa aafadan?

Maadaama, kiiska Caasho Ilyaas Aadan, uu ahaa faldanbiyeedkii kufsi ee ugu horeeye oo baaritaan buuxa lagu sameeyo, lana waafajiyay caddaaladda dambiilayaashii falka geystay; ayaan dul istaagaynaa si aynu daruus ugala soo baxno sababaha ka danbeeya kufsiga loo geysto birimaggaydhada.

Kiiska Caasho Ilyas Aadan baaritaankiisa waxaa loo adeegsaday farsamada ogaanshaha hiddosidaha (DNA). Tani waxay horseedday in kiiska Caasho Ilyaas Aadan loo maxkamadeeyo saddex dembifale, laguna xukumay dil.

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, waxuu intaas raaciye in goobta faldambiyeedka uu ka dhacay ay ahayd hoyga Cabdishakuur Maxamed Dige. Islamarkaasna Cabdishakuur yahay qofka soo qafaalay Caasho Ilyaas Aadan. Dhanka kale, Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame wuxuu sheegay in guriga falkan kufsiga ka dhacay uu ku xirnaa nin cudurka dhimirka qaba oo la dhashay Cabdishakuur Maxamed Dige. Waxuu intaas ku daray in Cabdishakuur uu qabo labo xaas.

Xogta uu bixiyey Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame waxay kiiska Caasho Ilyaas Aadan ka dhigtay mid aysan fari ka qodnayn oo aan weli laga salgaarin gunta falkaas foosha xun. Una baahnaa in jawaab loo helo waxa ku qasbay nin labo xaas leh, inuu kufsi iyo dil kula kaco gabadh yar oo gu’eedi 12naad ku jirtay!

Khabiirrada amaanka ayaa rumaysan faldambiyeed kasta wuxuu leeyahay wax dhiiroggeliya (motive) dambiilaha. Ogaanshaha waxa dhiiroggeliya dhicitaanka fal dambiyeed waxay horseeddaa in dadka ka shaqeeya amaanka ay ka caawiso ka hortagga fal dambiyeed aan welli dhicin.

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah maxaa dhiiriggeliyay in kufsi iyo dil la iskugu daro Caasho Ilyaas Aadan? Culamada cilmiga bulshada ayaa rumaysan in dambiyo badan oo ka dhaca adduunka ay sabab u tahay caadooyinka iyo dhaqamada bulshooyinka ay aaminsan yihiin.

Haddaba aan eegno caadooyinka, iyo dhaqammada xun xun ee ka jira Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Dalalka Malawi, Mozambique, Tanzania, Uganda, iyo Kenya, dadka Albinos-ka waa la ugaarsadaa oo waxaa loo isticmaalaa jidhkooda sixirka.

Waxay dad badan oo ku dhaqan waddamadaas rumaysan yihiin in qofka qaata daawo-dhaqameedka loo addeegsaday jirka meydka Albinos-ka inuu helayo nasiib (biti) wanaagsan (burji) iyo jaceyl. 

Amnesty International waxay sheegtay “kumannaan kun oo dadka Albinos-ka ah, inay khatar weyn ugu jiraan afduub iyo dil ay gaystaan shaqsiyaad, iyo kooxo dambiilayaal ah.” Warbixin ay soo saartay QM ayaa lagu xusay in dadka Albinos-ka inay ku dhow yihiin in laga ciribtiro dalka Malawi (CNN 07/06/2016).

Sidoo kale, dadka bidaarta leh ee ku nool dalka Mozambique ayaa wajahaya khatar amni, sidaas waxaa sheegay Booliiska Mozambique. Waxayna xaqiijieen dilka saddex nin oo bidaar leh inuu ka dhacay degmada dhexe ee Milange. Dilkaas waxaa loo qabtay labo dhallinyaro ah, waxayna Booliiska u sheegayn in qofka qaata daawo-dhaqameedka loo addeegsaday jidhka meydka ragga bidaarta leh inuu hodmayo (taajirayo) (BBC 07/06/2017).

Dhanka Kale, dadka Soomaaliyeed diinta islaamka ay aaminsan yihiin waxaa feersocda adeegsiga xiddigiyaha, faalallowga, iyo sixirrowga. Adeegsigga waxyaabahan iyo sixirkaba waxay meeshii ugu sarraysay gaareen muddadii burburka lagu jiray oo ay dumeen hay’adahii daboolayey baahida qofka iyo tan ummada.

Culamada cilm​iga ​bulshada ayaa rumaysan in dabeecada bini’aadanka ay tahay guuldarro ka carar, taas ayaana sababaysa marka qofka ay la soo dersaan guuldarrooyin is dabajoog ah ama mushkilad uu xal u waayey inuu maciin bido isticmaalka muqaadaraadka (daroogada), sixirrowga, iyo inuu u bareero inuu xitaa isdilo.

Dagaalladii sokeeye muddadii ay socdeen waxaa faalka si weyn u adeegsan jiray xitaa hoggaamiye kooxeedyadii, iyo in badan oo ka mid ah shaqsiyaadkii hormuudka u ahaa abaabulka iyo hurinta colaadaha qabaa’ilka. Balse, waxay ahayd caado dhaqameed gun weyn in xoolo dhaqatada ay baadiggoobka xoolaha baadiyoobay u faaldhigtaan amase inay guurkooda u faashodaan. Taas waxay weli ka jirtaa goobo badan oo ka mid ah geyiga Soomaaliyeed.

Walow aysan diin sal ku lahayn, haddana fooxinta iyo fardibaxa waa hab dad badan ay u adeegsadaan ogaanshaha waxa qarsoon iyo daaweynta bukaannada, sida cudurrada dhimirka iwm. Sidoo kale, maddiiddaynta (maddiiddo lagu akhriyo) iyo “iskusidkinta” (isoggolaysiin) waa nooc sixirka ka mid ah oo xurriyada qofka looga qaado iyada/isaga la oggolaysiiyo ruux uusan/aysan doonayn.

Balag baa la ii lulay, Waa boqol kunoo mayl, Halka la iigaga baaqee, Jacaylkaygan baahee. Heestii Balag

Sideedaba sixirrowga, faallowga, iyo falanfalleyda qofka gargaarka weydiista waxay amraan inuu sameeyo ficillo lid ku ah diinta Islaamka, anshaxa iyo dadnimada qofka!

Laamaha caddaaladda waa inay baaritaan gundheer ku sameeyaan sababaha kufsiga dhiiroggeliya, si falkan foosha xun loo ciqaabo cid kastoo ku lug yeelata, loogana ciribtiro dalka Soomaaliya, si ay u badbaadaan carruurta iyo hablaha Soomaaliyeed!

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Most Popular

Imaaraadku Maxuu u Sharaystay Midnimada Soomaaliya?

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Danjire Alexander Rondos oo goor dhow ka hadlayay machadka “Norweygian Institute of International...

In Somalia’s footsteps, for how long shall Sudan continue to be singled Out of (HIPIC) Initiative?

By Mubarak Mahgoub Musa The global scene has become increasingly traumatic due to the spread of the Corona...

Iska Ilaalinta CoronaVirus iyo Tawakalidda Eebe iyo Qadarka

Waxaa dad badan isaga darsamay la imaashaha sababaha lagu gaari karo wanaagga, ka fogaashaha sababaha xumaanta keeni kara, Ilaahay talasaarashadiisa (tawakaliddiisa), iyo...

Ankara oo Uga Digtay Abu Dhabi Inay Joojiso Siyaasadeeda Burburinta iyo Colaad Shididda

Warbixin qarsoodi ah oo loo soo bandhigay Qaramada Midoobay (QM), ayaa shaaca ka qaadday in qandaraasleyda Ruushka ee Wagner Group ay u...

Recent Comments

%d bloggers like this: