Saturday, October 31, 2020
Home Dhaqaalaha Turkigu Sidee buu Ugu Guuleystay Qalbiga iyo Maskaxda Soomaalida!

Turkigu Sidee buu Ugu Guuleystay Qalbiga iyo Maskaxda Soomaalida!

Turkiya oo ah dalkii ugu dambeyay ee u soo gurmada Soomaaliya, kana awood dhaqaale yar reer galbeedka ayaa mudnaan siintiisa dib u dhiska hay’addaha dowliga ah, la wadaagga aqoonta iyo maalgashiga dhaqaalaha wax badan ka beddelay xaaladda dalka.

In mudda ah Soomaaliya waxay ahayd goob ay xoogagga shisheeye ee ujeeddooyinka guracan leh ​ay ku loollamaan, ​iyagoo huwin jiray ajandayaashooda magaca gargaarka binu’aadanimda iyo dib-u-heshiisiinta. Balse, ahmiyadda Turkiga siiyay dhismaha awooda dowladnimada Soomaaliya ayaa u qalanta in falsafaddii gaarsiinta gargaarka galbeedka iyo tan carbeedba dib u eegis cusub lagu sameeyo.

Walow, khubarada cilmi baarista deeq-bixinta caalamka ay in mudda ahba ku hawlanaayeen habkii loo diiwan gelin lahaa ficillada suuraggeliyay guusha Turkiya, haddana qaar ayaa rumysan in taariikh iyo caqiida wadaagga labada dal keliya ay sabab u  tahay, waxayse u muuqdaan kooxdaas inay seegeen xaqiiqda.

Balse, qaar kale ayaa qaba firfircoonida dawladda Turkiga ku wajahayso arrimaha Soomaaliya (gargaarka bini’aadanimo, horumarinta nabad iyo qaran dhisiddaba) inay tahay xuddunta guusheeda. Taas waxay ka mid noqotay tusaalooyinka u muuqdo in deeq-bixiyeyaasha caalamka ay wax ka kororsan doonaan, kaddib markii Turkigu noqday deeq-bixiyeha ugu weyn ee dalalka aan aheyn OECD-DAC (The Guardian 10/04/2013).

Haseyeeshee, dawladda Turkigu waxay la timid inay kula dhaqanto dawladaha xiriirka ay la leedahay hab ku dhisan is ixtiraam, sinnaan, iyo iskaashi oo ay ka maran tahay yasid, shurrud ku xirid, faraggelin iyo cagajuglayn oo ah waxa looga bartay dawladaha galbeedka, gaar ahaan kuwa leh taariikh gumaysi.

Habkan iyo xiriirka noocan ah oo ah mid cusub, waa midka ay horey ugu guulaystay Shiinaha kuna kasbatay dawladaha saboolka ah. Dawladda Turkiga waxay la leedahay xirrir ku dhisan mabaadi’daas dalalka Afrika iyo kuwa kaleba. Taasi waxay u suurtaggelisay Turkiya inay xiriir ganacsi oo labada dhinacba u roon ay la leedahay dalalka soo koraaya, gaar ahaan Afrika.

Waxaa xusuus mudan in Turkiya in burburkii iyo dagaalkii sokeeye ka horba ay la lehayd Soomaaliya xirrir ganacsi oo buuran, gar ahaan ganacsiga alaabta dhismaha oo taya iyo qiima iskudheelintiran leh.

Waxaanse muran ku jirin, in nidaamka Turkiya ay kula dhaqanto Soomaaliya uu wax badan uga duwan yahay kan caalamkii Soomaaliya uga soo horeyay, marka la’eego iskuduwidda gargaarka bini’aadanimo, isdhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga waxbarashadda dallinyarada, iyadoo ka maareynta barnaamijyadooda guddaha Soomaaliya uu door cajaa’ib leh ka qaatay haqabtirka baahida bushada.

Hamigiisa deeq bixinta iyo xiriir dhiska dhaqaale uu la wadaago Soomaaliya ka sokow, Turkiga waxuu malaha waayo aragnimada ka helay jawigii adkaa ee kacdoonkii carbeed oo dadaalladii dunda ay fashilmeen, taas oo u kordhisay xigmad nidaamka hawlgalladiisa, una oggolaatay inuu u bareero khatarta Soomaaliya.

Xagaagii 2011, booqashadii Erdogan ee soo jidday dareenkii adduunka ee waddanka la dayacay [Soomaaliya] waxay weecisay geeddisocodkii xasilinta Soomaaliya ee rubac qarni laga quustay, iyadoo islamarkaasna kor u qaadday wacyiga bulshada caalamka ee dadaaladda nabad raadinta. Niyadsamidda uu ku wajahay xaalka Soomaliya waxay dhidibbada u aastay xiriirka adag ee ka dhexeeya dadka labada dal oo astaan fiican u ah siyaasadda Turkiya ee Afrika.

Ugu hoorayntiiba Turkigu waxuu la yimid qaab wax ku ool u ah labada dal, oo ay ka mid tahay duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul, iyadoo dalku uu ka go’doonsanaa dunida inteeda kale.

U bareeridda nabadgalyoxumida iyo khatarta ka jirtay Soomaaliya ayaa dhiirogelisay in ururrada aan dowliga aheyn iyo ganacsatada oo kaashanaya dowladdooda inay maalgeliyaan kaabayaasha shaldhiga u ah dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin dugsiyo ilaa heer jaamacadeed leh, isbitaallo, waddooyin, biyaha la cabbo, dekedda iyo gegida diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo udub dhexaad u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Marka la eego xogta Machadka Tirakoobka Turkiga (TUIK), mugga (import valume) ganacsiga ka dhexeyo labada dal waxuu 2017 ahaa 144 malyan doolar, halka  tobankii bilood ee ugu horeysay sanadka 2019 uu gaaray 206 malyan doolar (Daily Sabah – April 23, 2020).

Xiriirka dhaqaalaha ayaa u muuqda mid sii kordhaya sanadba sanadka ka dambeya, walow rajadu tahay in mustaqbalka isdheellitirka ganacsiga marka la billaabo u dhoofin mug leh ee dalagyada Soomaaliya sida liinta, sisinta, mooska iwm., suuqyada bartamaha Aasiya oo ay Turkiga u tahay marin.

Dekedaha Soomaaliya waxay muhiim u yihiin soo gelidda suuqyada Afrika, gaar ahaan Itoobbiya iyo Koonfurta Sudan. Xiriirka ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya waxuu saameyn hoos u dhac ku yeeshay shaxnadihii sida ba’an looga soo rari jiray dekeddaha Imaaraadka Carbeed kaddib markii ganacsiga Soomaaliya uu u wareegay suuqa Turkiga.

Xilli adduunwaynaha uu dhabarka u jeediyay Soomaaliya ayuu dalka Turkiga gacan u soo tagay lana yimid taageerada ka sokow ka qaybqaadashada dibudhiska qaran (Nation building) oo ay dawladaha qarbiga ka gaabinaayeen kuna garab istaagay Soomaaliya dhismaha amniga dalka, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha ay ka mid yihiin garoonka dayaaradaha caalamiga ee caasimadda, iwm.

September 2017, waxaa Muqdisho laga furay Kulliyadda Jaziira oo ay ku baxday 50 malyan doolar, oo leh seddax dugsi militari, hoy iyo kaydadba. Kulliyaddu waxay leedahay awood ay ku tababarto in ka badan 1500 askari markiiba iyo 200 sarkaal.

Intaas waxaa dheer in Turkigu ka caawinayo Soomaalida dib u qalabeynta ciidamada. Jaamacadaha Turkiga waxaa dhigta kumanaan arday oo ku takhasusay maaddooyin bulshada Soomaalida aad ugu bahan tahay si ay ula tartanto dowladdaha asaaggeedda ah.

Taasi waxay ku suuroggashay dhowr arrimood: (1) Dadka Soomaaliyeed oo ka daalay colaad iyo barakac; (2) Hoggaan dalka oo leh aragti fog, una ah heegan dib u dhiska dowladnimada dalka; iyo (3) Xagjirka oo sii wiiqmayo halka awoodda amniga dalka ay sii korayso.

Turkigu waxuu kasbaday in lagu magacaabo “Saaxiib la isku halleyn karo.” Sanadwalba waxaa kulliyadaha ciidamadaha iyo kuwa rayadkaba ka aflaxa dhallinyaro awood u leh inay kaalintooda ka qaataan dhismaha bulsho hiigsaneyso horumar. 

Cabdulqadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Shaxda Isu Been Guurka Siyaasiyiinta Soomaaliya Maxay Riman Tahay!

Toddobaadkii dhowaa ayaa Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada oo u muuqda in loo qaabeyay kocbinta sumcadda madaxtooyada, si loo...

Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu Ka Leeyahay Kenya

Arbacadii September 30, 2020 ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron magaalada Paris. Safarka oo ku soo beegmay...

Doorashada Soomaaliya Ma Saamayn Doontaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

Ka dib markii uu fashilmay hiigsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku doonayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, dalka...

Markii Ugu Horreysay oo ay Haweeney Hoggaamin Doonto WTO

Hannaanka xulashada Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Addunka WTO ayaa galay wareeggii ugu dambeeyay. Toddobaadkii dhawaa ayaa jagada oo ay u taagnayeen...

Recent Comments

%d bloggers like this: