Saturday, June 3, 2023
Home Caalamka Iskaashi Sirdoonka Soomaaliya iyo Kuwo Shisheeye oo Suuroggeliyay Siidaynta Silvia Romano oo...

Iskaashi Sirdoonka Soomaaliya iyo Kuwo Shisheeye oo Suuroggeliyay Siidaynta Silvia Romano oo Iskeeda u Muslintay

Ra’iisul-wasaaraha Talyaaniga Guiseppe Conte ayaa bartiisa tweeterka ku sheegay in la sii daayay Silvia Romano.  November 20, 2018 ayaa siddeed nin oo hubeysan ku bartilmaameedsadeen gabadh 23 jir ahayd kaddib markii xabbadaha dhacay awgood ay dibedda u soo baxday.

Silvia Romano waxay ka tirsaneed shaqaalaha hay’adda samafalka Talyaniga ee “Africa Milele” oo taakuleysa agoon lagu xannaaneyo tuulada Chakama. Tuulada waxay ka tirsan tahay gobolka Kilifi ee dalka Kenya, waxayna 60 kiloomitir u jirta magaaladda Malindi oo caanku ah dalxiisayaasha Talyaaniga.

Maalintii Axadda May 10, 2020 ayaa Silvia Romano oo la socotay diyaarad qaas ah ku soo dhaweyay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Roma “Ciampino” Ra’iisul-wasaare Guiseppe Conte, Wasiirka Arrimaha Dibedda Luigi Di Maio iyo qoyskeeda (aabbeheed, hooyadeed, iyo walaashed). Balse waxaa farxad awgeed u qaraacday gambaleelka kaniisada, iyadoo jiiraankeediina sacab la soo istaageen daaqadaha iyo dariiqyada xaafadda ay ka deggen tahay magaalada Milano.

Soo dhaweyntii garoonka diyaaradaha ka dib waxaa gabadha la geeyay xarunta “caserma dei Ros sulla Salaria,” oo uu xeer-ilaaliyaha magaalada Roma waraysi socday afar sacadood kula yeeshay, kaas oo la xiriira baaritaankii afduubka xagjirta. Silvia oo la hadleysay saraakiisha Talyaaniga ayaa ku tiri, “Waan degganahay. Intaan afduubnaa si aad u wanaagsan ayaa la ii dhaqaaleyn jiray”. Mar kasta waxaa gabadha ilaalinayay ugu yaraan seddax qof oo hubeysan. Run ahaantii, gabadha inkastooy sanad iyo bar ay afduubayaasha u xirnayd, haddana markay soo degtayba waxaa ka muuqday firfircooni iyo farxad, waxayna lebbisnayd xijaabka nooca soomaalida oo muujinaaya in ay tahay gabadh muslin ah.  

Bilihii la soo dhaafay waxaa soo baxay warar laysla dhexmarayay oo sheegayay in khasab uu ku guursaday mid ka mid ah afduubayaashii xabsiga ku hayay. Balse, warkaasi waxuu beenoobey kaddib markii Silvia ay tiri, “Ma jirin guur ama xiriir, waa ley ixtiraamayay keliya.”

Sida sirdoonnda ay leeyihiin nimanka afduubay Silvia Romano waxay ahaayeen xagjir la leh xiriir Al Shabaab oo ay ugu dambayntii ku wareejiyeen, sidaas ayayna ku timid Soomaaliya. Afduubayaashii iyo kuwa lagu wareejiyayba gabadha kama sheegin habayaraatee dhaqan xumo ama dil iyo handadaad. Waxaa kaloo soo baxday in afduubayaasha la siiyay lacag madaxfurasha ah.

Silvia oo muslintay ayaa sheegtay in cidna uusan ku qasbin diinta. Waxay tiri, “Waxay ku dhacday markii aan codsaday inaan akhristo Quraanka waana la iga yeelay”. Si Soomaaliya loo geeyo waxay qaadatay 4 toddobaad oo hadba meel cusub loo rarayay, iyadoo inta badan la soconayay. Silvia waxay si aan muran la gelin karin  u caddaystay inay diinta Islaanka ay u dooratay iskeeda iyadoo cidna ku khasbin, waxay kaloo raacisay in ay ka qaadatay muddo dheer ku qancidda inay muslinto. Silvia waxaa ka carooday muslimnimadeeda xagjirta Talyaaniga ee xisbiga garabka midig.

Gabadhu waxay afduubneed muddo dhan 18 bilood, iyadoo lagu hayay afar goobood oo kala duwan, saddex ka mid ahna loo aqoonsaday inay ahaayeen: Buulo Fulay, Xarardheere iyo Janaale (Il Fatto Quotidiano 10/05/2020).  Warkii ugu horreyay ee ay Silvia ku dhawaaqdo waxuu ahaa, “Waan fiicanahay, hadda waxaan keliya doonayaa inaan waqti badan la qaato qoyskeyga” (La Repubblica 10/05/2020).

Soo deynteeda waxay ku suurtowday iskaashi-shaqo oo dhexmaray sirdoonka Soomaalida (NISA), Turkiga (MIT) iyo kuwa Talyaaniga (AISE), (CBC New 10/05/2020). Ilo xog’ogaal ah ayaa sheegay in NISA iyo MIT ay December 2019 soo hubiyeen in Silvia Constanzo Romano ay nooshahay. Maalintii Jimcaha May 8, 2020 ayaa lagu siiddaayay agagaarka magaaladda Afgooye oo 30 kiiloomitir konfur ka xigta caasimadda Muqdisho, iyadoo sirdoonku uu u dhiibay mas’uuliyiinta Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments