Warbixin qarsoodi ah oo loo soo bandhigay Qaramada Midoobay (QM), ayaa shaaca ka qaadday in qandaraasleyda Ruushka ee Wagner Group ay u direen dalka Libya ilaa 1,200 askari oo ay ku jiraan kooxaha wax duqeeya (Specialist sniper and combat unit), si ay u xoojiyaan cududda ciidamada uu hoggaaminayo Khalifa Haftar (Reuter 6/05/2020).
Walow saxaafadda galbeedka ay horey u sheegtay in ciidamo Ruush ah loo daadgureyey Liibiya, haddana waa markii ugu horreysay ee joogitaankoodu lagu xaqiijiyo warbixin ka soo yeertay Qaramada Midoobay. Tan iyo 2014, Liibiya waxay u qaybsaneed: Bariga oo ah dhul uu gacanta ku hayo Janan Khalifa Xaftar (Haftariyo) iyo Galbeedka oo ay ka taliso dowladdii lagu soo dhisay heshiiskii QM.
Balse iska horimaadka waxuu soo jiitay faraggelinta dalalka Imaaraadka, Masar, Fransiiska, Talyaaniga iyo Ruushka oo la safan kooxda Jan. Xaftar. Halka dowladda uu hoggaamiyo Fayez al-Sarraaj ee ay aqoonsatay QM, ay taageeraan dhanka militariga Turkiga iyo Qadar keliya.
Madaxweyne Vladimir Putin oo horey wax looga weydiiyay dagaalka Liibiya ee Wagner Group ayaa yiri, “Haddii Ruush [ciidamo ah] ku sugan yihiin Liibiya, ma matalaan dawladda Ruushka.” Inkastoo Putin uu dafiray ciidamada ka jooga Liibiya, haddana calooshood u shaqeysatada (Wagner Group and Rossiskie System Bezopasnosti Group) waxay si qarsoodi ah horey uga soo dagaalameen dalalka Ukraine, Syria, Sudan, Venezuela, Zambabwe iyo Dawladda Bartamaha Afrika (Radio Liberty 07/05/2020).
Abril 30, 2020 warbixin uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga Hamdi Aksoy ayuu uga digay Abu Dhabi inay joojiso siyaasadda burburinta iyo colaadda ee ay ka wado Liibiya, Yemen iyo Soomaaliya. Sarkaal Turki ah ayaa sheegay inaysan qarsooneyn in Imaaraadku uu ciidamo ka qoranayo dalka Sudan, walow uu dafiro inuu lug ku leeyahay colaadda ka aloosan Liibiya.
Colaadda Liibiya ayaa waji cusub yeelatay kaddib markii Turkiga oo taageera dowladda Tripoli uu siiyay “drones.” Taas waxay weecisay weerarkii qabashada caasimadda kuna qasabtay kooxda Xaftar inay dib uga gurataan 7 degmo oo ay ka mid yihiin “Sabratha, Surman iyo al-Ajaylat,” kuwaasoo ku yaal inta u dhaxeysa Tripoli iyo xuduuda Tunis. Deyrtii dhaweed, ayaa dowladda Turkiga heshiis military iyo badeedba la galeen dowladda Tripoli.
Sanad ka hore, Xaftar waxuu weerar ku bilaabay waqooyiga galbeed ee Liibiya iyo caasimadda Tripoli, asagoo adeegsanaya diyaaradaha Masar iyo Imaaraadka, iyo ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner Group oo u badan Ruush, balse ay ka mid yihiin kuwo u dhashay Belarus, Moldova, Serbia iyo Ukraine. Warar baraha bulshada laysku weydarsaday ayaa sheegay in qandaraaskii ka dhexeyay Xaftar iyo Wagner uu ku ekaa October 15, 2019, ilaa haddana Xafta uu bixiyay kala badh lacagtii lagu heshiiyay oo dhammayd 173 malyan doolar.
Si kastaba ha ahaate, xilli dunida jahwareer uu ku hayo cudurka safmareenka ah ee Covid-19, ayuu amiirka Abu Dhabi Maxamed bin Zayed teleefoon u diray Madaxweynaha Suuriya (Syria) Bashar al-Assad, asagoo wacad ku maraya inuu garab istaagi doono. Sida uu qoray wargeys ka soo baxay Bariga Dhexe, Maxamed bin Zayed waxuu u soo bandhigay Assad lacag dhan 3 bilyan oo doolar, si uu u jebiyo xabbad-joojintii Idlib ee ka dhaxeysa Ruushka iyo Turkiga, taasoo uga gol lahaa in Turkiga laga weeciyo taakulaynta dowladda Liibiya (Middle East Eye 10/04/2020).
Isutagga Imaaraadka Carbeed waxay xiriir dhow la sameysatay Moscow, walow mudda dheer ay xiriir xulufeysi la lahayd Mareykanka. Himiladeeda waxay tahay in Xaftar uu gacanta ku dhigo xukunka amase uu qabsado inta badan dhulka Liibiya, si uu isu-hortaagto in dimuqraaddiyad ka soo ifbaxdo waqooyiga Afrika. Balse waxuu war ka taagan yahay walaaca sii kordhaya ee Washington ay ka qabto in Liibiya ay gacanta u gasho Ruushka sidii Suuriya.
Ku Xigeenka Xafiiska Arrimaha Bariga Dhexe Henry Wooster ayaa sheegay in Mareykanka uusan taageersaneyn weerarka kooxda Xaftar (Libyan National Army) ee caasimadda Tripoli. Sidoo kale, Danjiraha Mareykanka u fadhiyo Syria ayaa isna yiri, “Waannu ognahay in dhab ahaatii Madaxweyne Bashar al-Assad uu kala shaqeynayo Ruushka, sidii loogu wareejin lahaa maleeshiyaada dal seddexaad [Liibiya] iyo qalabka (heavy-duty weapons) ciidankaba (Reuters 07/05/2020).
Shaki kuma jiro, in dagaalka Liibiya wax badan laga baran doono cilladaha nidaamka adduunka (World order disorder) ee mustaqbalka sida: (b) U adeegsiga hawlgallada ciidamada “drones”-ka oo xaddidaya khatarta iyo qasaaraha, taas oo ku dhiiriggelin doonto awoodaha shisheeye inay si sahlan u faraggeliyaan khilaafaad aysan dano qaran oo muhiim ah ugu jirin; (t) U adeegsiga calooshood u shaqeysatada iyo aaladda “drones” waxuu fursad u siinayaa dalalka faraggelinta sameynaya inay dafiraan colaadda ay gacanta kula jiraan kol haddii nafta dadkoodu aysan qatar ku jirin; iyo (j) U adeesiga baraha bulshada iyo TV been-abuur faafinta, nacaybka koox u qabto koox kale oo ka soo horjeedda.
Waxuuse war ka taagan yahay kooxaha Benghazi, Xaftar iyo Saraaj ma gaari doonaan heshiis dan u ah dadka iyo dalka Liibiya, si looga gudbo siyaasadda cakiran. Haddiise taas ay dhacdo, maxay shisheeyaha isku kor baacsanaya Liibiya ee leh ujeeddooyinka iyo ahmiyadaha kala duwan ka yeeli doonaan midnimada ummadda Liibiya!
Dad badan ayaa aamisan in xalka Liibiya uusan gacanta ugu jirin dadka Liibiya oo qudh ah, loona baahan yahay in marka hore gacmaha ay ka laabtaan, amase heshiis wada gaaraan dalalka ku loolamaya, taasoo aan haatan saansaankeeda soo muuqan.
Tifaftiraha Jamhuriyadda
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.