Waxaa dad badan isaga darsamay la imaashaha sababaha lagu gaari karo wanaagga, ka fogaashaha sababaha xumaanta keeni kara, Ilaahay talasaarashadiisa (tawakaliddiisa), iyo rumaynta in wax kasta ay ku dhacayaan qaddar Alle uu qaddaray. Fahamka aan toosnayn haddii aan layska sixin inta adduunyada la joogo, waxaa ka imananaya natiijo xun oo qofka iyo bulshadaba saamaysa Adduun iyo Aakhiroba.
Sababaha wanaagga lagu gaaro Adduun iyo Aakhiroba waa raacidda amarka Alle iyo Rasuulkiisa Muxammad sallalaahu calayhi wasallam. Tawakalidda Ilaahay la tawakalahayana waxay imaanaysaa marki amarka Eebe iyo Rasuulkiisa la fuliyo. Taas macneheedu waxaa waaye marka sababta lala yimaado, ayaa natiijada Ilaahay loo talasaartaa isagaa ku filan addoomihiisee.
Tawakalku inuu sidaas yahay, waxaa tusinaya in aayadaha Ilaahay Rasuulkiisa ku amray inuu Alle talasaarto ay ka horreeyaan amarro uu Rabbi amraayo Rasuulkiisa, sida aayadda (2) labaad iyo aayadda (3) saddexaad ee suuradda Al Axzaab. Amar kasta oo Ilaahay Rasuulkiisa amro, wuxuu ku socdaa Nabiga iyo ummaddiisa, haddii aanu jirin daliil Nabiga ku gaaryeelaya. Dhammaan amarrada tawakalka ka horreeya oo Ilaahay Rasuulkiisa amray, daliil Nabiga ku gaaryeelaya ma jiro, sidaas darteed amarradaasi waxay ku socdaan Nabiga sallallaahu calayhi wasallam iyo ummaddiisa.
In wax allaale wixii dhib keenaya layska ilaaliyo, lagana hortago waa waajib sharci ah oo ruux kasta oo caqli leh , qaangaarna ah dusha ka saaran. Cudurka Corona Fayrusku sida ay taqaatiirtu caddeeyeen, waa cudur ku faafaya isdhaxgalka, dhaqsana u faafaya, geerida deg degta ah iyo dhibka uu gaysanaayana badan yihiin. Cudur kasta oo tilmaamahaas lehna, culimada islaamku waxay u yaqaannaan alwabaa’a.
Corona Fayruska iyo Daacuunkuba waxay isaga mid yihiin faafidda dhaqsaha ah iyo geerida badan oo deg degga ah ee ay sababayaan. Sidaas darteed, in layska ilaaliyo wax allaale wixii sababi kara faafiddooda waa waajib sharci ah oo saaran cid kasta. Waxaana qof kasta oo ummadda ka mid ah xaaraan ka ah inuu ka qayb qaato wax allaale wixii keeni kara faafidda cudurrada faafa sida Daacuun ka iyo wixi la mid ah. Waxyaabaha cudurrada faafiya waxaa ugu wayn isdhexgalka sida dadka caafimaadka bartay ay caddeeyeen, kaasoo daliillada sharciga islaamku reebayso waqtiga wabaa’u socdo.
Adillada (daliillada) sharciga ah oo tusinaysa in aan lays dhexgelin waqtiga cudurrada faafa ay jiraan waa badan tahay, waxaana ka mid ah xadiith ay soo saareyn Bukhaari, Muslim, Tirmithi, Nasaai, imaam Maalik, iyo imaam Axmad, xadiith kaas oo Usaama inbu Zaid ibni al Xaarith – Alle haka raali ahaadee– uu ka werinaayo Nabiga – sallallaahu calayhi wasallam –wuxuuna Nabigu ummaddiisa ka reebay in ay u safraan beled ay maqleen in Daacuun ka dhacay iyo in beledka ay joogaan ka cararaan haddii Daacuun ka dhaco.
Nabigu – sallallaahu calayhi wasallam– xaddithkan kuma caddaynin sababta uu u reebay in beled Daacuun ka dhacay loo safro, ama laga safro, laakiin adilla (daliillo) kale, fahamka saxaabada, iyo cilmiga bani- aadamku gaaray ayaa noo caddaynaya in ay sababtu tahay in laga hortago, ama la yareeyo faafidda cudurkaas.
Daliillada kale waxaa ka mid ah xadiith ay wariyeen Bukhaari, Muslim, abuu Daawuud, iyo imaam Axmad oo abuu Hurayrana wariyay-Alle haka raali ahaadee– xadiith kaas oo Nabigu-sallallaahu calayhi wasallam- ku reebay in qof xoola jirran wata uu ku soo arooriyo xoolaha fayaw. Macnuhu waxaa waaye in aan laysku darin xoola buka iyo kuwa bedqaba si aysan cudurka isugu gudbin. Waxaa kale oo ka mid ah adillada (daliillada) kale xadiith uu soo saaray Bukhaari abuu Hurayrana uu Nabiga – sallallaahu calayhi wasallam – ka weriyay, xadiith kaas oo Rasuulku – sallallaahu calayhi wasallam – amray in qofku ka cararo qofka juudaamka (Leprosy) qaba sida uu libaaxa uga cararo oo kale.
In sababta Nabigu- sallallaahu calayhi wasallam– uu u reebay isdhexgalka waqtiga cudurrada faafa socdaan ay tahay cabsi laga qabo in cudurradaas laysu gudbiyo, waxaa tusinaya fahamka saxaabada iyo waxa ay sameeyeen marki uu daacuunku dhacay waqtigi uu Cumar inu al Khaddaab – Ilaahay haka raali ahaadee– talada muslimiinta hayay. Saxaabada – dhammaantood Ilaahay haka raali ahaadee – fahamkooda xadiithka iyo sida ay ugu dhaqmeen waxaa soo saaray Bukhaari, Muslim, abuu Daawuud, Nasaai, imaam Maalik, iyo imaam Axmad, waxaana werinyay Cabdullaahi ibnu Cabbaas – Eebbe isaga iyo aabbihiisba haka raali ahaadee -. Iyadoo koobanna waxay ahayd; Cumar ibnu al- Khaddaab – Alle haka raali ahaadee – iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa u safray Shaam (waa waddamada: Falasdhiin, Lubnaan, Suuriya, iyo Urdun waqtigaan) markuu kusii dhaw yahay Shaam, ayaa waxaa ka horyimid taliyaashi ciidamada oo uu hoggaminayay abuu Cubaydah inbu al-Jarraax – dhammaantood Alle haka raali ahaadee – waxayna u sheegeen Cumar in Shaam wabaa’a ka dhacay (waa Daacuunki loo bixiyay taariikhda islaamka Daacuunki al Camawaas, tuulo uu daacuunku ka billowday magaci la dhihi jiray).
Cumar – Alle haka raali ahaadee– marki uu arrintaas ogaaday, wuxuu la tashaday saxaabadi Muhaajiriintii iyo Ansaartiiba si kala gooni – gooni ah in uu safarkiisa sii wato iyo in uu ka laabto meeshiisa. Qola kasta oo Muhaajiriinta iyo Ansaarta ka mid ahayd waa is khilaafeen. Qaar waxay soo jeediyeen inuu safarkiisa sii wato oo waxa uu u yimid sameeyo. Qaar kalena waxay yiraahdeen ummadda inteedi soo hartay iyo saxaabadi Rasuulka- sallallaahu calayhi wasallam– ayaa kula jooga ee wabaa’a ha dhex gelinin.
Ugu dambaynti wuxuu la tashaday shuyuukhdi Muhaajiriintii al Fatxi, waxayna isku raaceen in asaga iyo wifdiga la socda aysan beledka wabaa’ uu ka dhacay gelin. Cumar – Alle haka raali ahaadee– wuxuu ku qancay aragtida shuyuukhda Muhaajiriinti al Fatxi, wuxuuna go’aansaday in uu meeshiisha dib uga laabto. Go’aankiisaasna cid ka hortimid ma jrin oo aan ka ahayn abuu Cubaydah ibnu al Jarraax – Alle haka raali ahaadee– oo yiri qaddarka Alle ka carariddiis miyaa? Cumarna – Alle haka raali ahaadee– wuxuu ugu jawaabay; haddii cid aan adiga ahayn dhihi lahayd hadalkaas abuu Cubaydow!, haa, waxaan ka cararaynaa qaddarka Alle waxaana u cararaynaa qaddarka Alle. Wuxuuna sii raacsiiyay haddii aad geel dejisid doox ( waadi) dhinac doog yahay, dhinacna abaar yahay oo aad daajisid dhinaca doogga ah ma waysan qaddar Alle ahayn? Haddiise aad dhinaca abaarta ah daajisid ma waysan ahayn qaddar Alle?
Ugu dambaynti, waxaa yimid Cabdirraxmaan ibnu Cawf – Alle haka raali ahaadee– oo goobta ka maqnaa marki saxaabadu ijtihaadayeen (dadaalayeen), wuxuuna weriyay xadiith lamid ah xadiithki Usaama inbu Zaid ibni al Xaarith – isaga iyo aabbihiisba Rabbi haka raali ahaadee– oo aan soo marnay. Xadiithkaasina wuxuu waafaqay araktidi shuyuukhdi Muhaajiriinti al Fatxi ee Cumar – Alle haka raali ahaadee– ku qancay, Allena wuu ku mahadiyay in Ilaahay iswaafajiyay dadaalkoodi ahaa intayna daliilka ogaannin ka hor iyo [kolka ay ogaadeen daliilka], waana laabtay.
Culimmada cilmiga sayniska iyo caafimaadka waxay caddeeyeen in cudurrada bani-aadamka ku dhaca qaar ka mid ah aan laysu gudbin, qaarna laysu gudbiyo. Kuwaa laysu gudbiyo qaar waa kuwo dhaqsa faafa, geerida ay sababaanna ay badan tahay, degdegna tahay, qaarna dhaqsa uma faafayaan, geeridooduna deg degna ma aha, mana badno.
Adillada (daliillada) shariicada, fahamka saxaabada, iyo culimmada saynisku waxay isku waafaqsan yihiin in wax kasta oo adduunka ka dhacaahi ay sabab keenta leeyihiin. Shariicaduna waxay na amartay in aan la nimaado sababaha wanaagga keena, kana fogaanno asbaabta xumaanta keenaysa. Wixii caafimaad iyo cudurro ku saabsana waa in looga dambeeyo taqaatiirta iyo dadka dawooyinka bartay. Fahamka ah in la yiraahdo wixi Alle ii qoray ayaa igu dhacaya oo wax dadaal ah oo aan samaynaayo ma jirto, faham sax ah ma aha, wuxuuna ka soo horjeedaa hanuunki Rasuulku sallallaahu calayhi wsallam uu muslimiinta faray.
Fahamkaas sunnada uu ka hor imaanayo waxaa ka mid ah xadiith ay soo saareen Bukhaari, Muslim, abuu Daawuud, Tirmithi, Nasaai, ibnu Maajah, iyo imam Axmad, uuna weriyay Caliyyi ibnu Dhaalib Alle haka raali ahaadee. Xadiithkaas waxaa Nabigu – sallallaahu calayhi wasallam– saxaabadiisa maalin iyagoo janaaza duugaya u sheegay in mid kasta oo iyaga ka mid ah loo qoray meesha uu naarta iyo jannada ku leeyahay. Saxaabadina waxay ku yiraahdeen maxaan shaqa u qabanaynaa haddiiba arrintu sidaa tahay. Rasuulku – sallallaahu calayhi wasallam– wuxuu ku yiri shaqeeya, mid kasta waxaa loo sahlay wixi loo abuuraye.
Sida xaddithka aan macnihiisa sheegay ku cad, Nabigu – sallallaahu calayhi wasallam– wuxuu u sheegay saxaabada in mid kasta oo iyaga kamid ah meesha uu ku dambaynayo u qadderan tahay, haddana wuxuu amray in la shaqeeyo oo aan la dhihin wixii la ii qadderay waan helayaa, ama waa igu dhacayaan.
Qof kasta waxaa saaran in uu sababta wanaagga keenaysa la yimaado, sababta xumaanta keenaysana ka fogaado. Marka uu sidaa sameeyo, haddii wax uusan filanayn oo awooddiisa ka baxsani dhacaana waa in uu yiraahdo waa qadder Alle. Waxa dhacay haddii ay wax fiican noqdaana waa in uu Eebe ku shukriyo, haddii ay wax aan fiicnayn yihiina waa in uu ku sabro, taas ayaana ah rumaynta qaddarka. Laakiin in uu gacmaha laabto ee yiraahdo waxaan lay qadderin heli mayo, ama igu dhici maayo waxay kasoo horjeeddaa sharciga islaamka iyo caqliga fayaw.
Haddaba waxaa habboon wadqtigaan Corona Fayrusku socdo in qof kasta oo ummadda ka mid ah uu raaco talooyinka ay taqaatiirtu bixinayaan, sida in gacmaha mar kasta saabbuun lagu dhaqdo muddo 20 secondi ah, in afka iyo sanka waxyaabaha lagu xirto la xirto marka guriga laga baxayo, in aan laysu imaannin, in guryaha la joogo haddii aan baahi daran loo qabin bixitaanka, in la kala fogaado masaafa ugu yaraan labo mitir ah iyo iwm. Sidoo kale waxaa waajib ah in la raaco amarrada ay masuuliinta ummadda hoggaamisa farayaan si loo nabadgalo, qaybna looga qaato ka hortigidda ama xakamaynta faafidda cudurkan halista ah.
Maxamed Macallim Maxamuud
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.