Dacwada Badda Muran Siyaasadeed Ma Gasho

Bartamihii​ May ayaa maxkamadda ICJ warqad sumaddeedu tahay 2020/13 u kala dirtay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ku wargelineyso in dib loo dhigay dhageysigii dacwada badda ee madlaneed June 8, 2020 ilaa iyo March 15, 2021 (ICJ 22/05/2020). Maxkamadda waxay shaacisay March 20, 2020 inay baajisay gar dhegeysi ama kulan maxkamadeedba ilaa la gaaro May 31, 2020 (ICJ  7/04/2020).

Inkastoo xaqiiqdaas ay jirto, haddana madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud oo August 28, 2014 maxkamadda ICJ horgeyay dacwadda ka dhanka ah dowladda Kenya, ayaa si adag u dhalleeceeyay wax qabadka xukuumadda.

Sida muuqata, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxba kama beddelin siyaasaddii ka horreysay ee qaddiyadda badda, balse dhaliisha waxay abuurtay dood mala-awaal xilli dunida ay la jahwareersan tahay caabuq​a argagaxa leh ​Covid-19.

Haddaba aanu isweydiinee, maxuu is-horistaag ay ku sameyso dowladda Soomaaliya dalabka Kenya uu ka beddeli kari lahaa go’aanka ay gaartay maxkamadda? Maxuuse ka dhimi karaa dib u dhaca dhegeysiga dacwadda qaraarka garta hortaal maxkamadda ICJ?

Saansaanta ayaa u muuqatay in aan la hursaneyn dib u dhac. Maxkamaddu waxay gaadhay go’aankeedii kaddib markii ay ka baaraandegtay aragtida iyo doodaha Soomaaliya iyo Kenya, ​iyadoo u madaxbannaan go’aankeeda, dowladaha ay ka dhaxayso dacwaddana aysan saamayn toosa iyo mid dadbanba ku yeelan karin qaraarka ka soo baxa maxkamadda ICJ.

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Mahdi Maxamed Guuleed oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in dowladda ay ku qasban tahay inay u hoggaansanto amarka maxkamadda ICJ (BBC News 19/05/2020). Taas waxaa u daliil ah kiiska Belize oo ay dacwad soohdin baddeed kala dhaxeyso Guatemala.

Belize ayaa ka soo horjeedsatay dalabkii Guatemala, iyadoo ku doodeysa haddii maxkamadda ay tixgelineyso saameynta masiibada covid-19 miyeysan laba bilood ku filneen.  Balse maxkamadda waxay go’aansatay muddo sanad ah in dib loo dhigo dacwaddooda, halka tan Soomaalida 10 bilood dib loo riday.

Dad badan baa isweydiinaya sababta ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aan horay xukuumadda wax uga weydiin ​sida wax looga qaban karo masiibada fatahaadda ee saameysay dad ku dhaw malyan, ​aafada Covid-19, ayaxa ku habsaday ​dhulka daaqsinka iyo dalagga beeraha, ay fowdo ugu soo bowdaqaawisteen​!

Haddaba, haddii aanu dib ugu noqonno doodda, waxaa muhiim ah in maamulka madaxweyne Farmaajo uu faa’faahin ka bixiyo waxa dal jireyaasha Soomaalida looga saarey kiiska badda, ​islamarkaasna aan loo shaacin shaqsiyaadkii lagu beddalay.

Ma aha wax sir ah​, in maamulka talada haya uusan u adkeysan karin “kala aragti duwanaan​ta.” Balse, ​waxaa xukuumadda laga doonayaa inay si cad oo aan caad saarnayn ula socodsiiso shacabka qooreshaheeda iyo tallaabooyinka ay​ ku difaacayso dacwada badda, iyadoo hadba wixii u hirgalay iyo wixii u harsan soo bandhigaysa.

Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista ama beddelista dal jireyaashii qadiyadda badda oo ay xukuumadda mas’uul uga tahay ummadda, waxaa ku gedaaman shaki iyo mugdi loo baahan yahay in la ifiyo.

Dhinaca kale, waxaa dhaqankii suubbanaa ee Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan baalmarsan in madaxwynayaashii hore ay waabberyaba canaan iyo dhaliil la daba taagan yihiin kuwii bebdelay.

Sidoo kale, dal waxuu ku dhismaa in la helo tala soo jeedin xoogga siyaasadda u dhan yihiin, waana midda lagu saluugsan yahay maamulka talada dalka haya.

Waqtigan xaadirka ah, walwalka ugu weyn ee dalka waa sidii loo maareyin lahaa covid-19 loona qaban lahaa doorasho nabdoon oo qof iyo cod ah. Haddii ay jirto maalin muwaaddiniinta jeclaan lahaayeen inay arkaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda (muxaafid iyo mucaaradba) oo isku duuban waa maanta oo uu ​COVID-19 warj​eefayo ​shacabka!

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda@gmail.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply