Saturday, September 30, 2023
Home Caafimaad & Nolol Afkoo la Daboosho Inteebay Dhimi Kartaa Halista Faafidda Covid-19?

Afkoo la Daboosho Inteebay Dhimi Kartaa Halista Faafidda Covid-19?

Markii cilmibaaris lagu ogaaday in aafada covid-19 ay ku faafto marka bukaanka uu la abbaro hindhisada ama qufaca iyo xitaa iskuneefsashada caadiga ah dadka fayow ayaa afka iyo sanka oo la daboolo caan ka noqdeen dunida, taas oo  lagu dhimay faafidda cudurka. Balse dadka dalalka soo koraya, oo ay Soomaalida ka mid tahay, ayaa afka oo la duubto meel fagaaro ah (sida suuqyada) lagu kari la’yahay.

Dhaqaatiirta waxay xaqiijiyeen in dad badan oo qaba cudurka aysan laheyn astaamo amase aysan ka muuqan xanuun. Sidaas darteed, saraakiisha daryeelka caafimaadka ee dalal badan ayaa maanta ku talinaya in af iyo san xidhku yahay aalad looga hortegi karo covid-19.

Cilmibaaris ay sameeysa Jaamacadda Hong Kong oo tijaabisay in afka iyo sanka oo la duubto uu yareyn karo faafidda cudurka covid-19 ayay ogaatay in isu gudbinta cudurka la yareyn karo 60% (boqolkii lixdan) markii la xidho.

Waxaa la aaminsan yahay in covid-19 uu badanaaba ku fido isdhexgalka dadka sida qoyska dhexdiisa, iyadoo aan la ogeyn inay qaar bukaan. Waxaa la xaqiijiyay in afka oo la daboosho guryaha dhexdooda uu yareyn karo faafidda maadaama cudurka uu aalaaba qarsado astaamihiisa.

Sida laga soo wariyay Jamacadda Johns Hopkins University ee dalka Mareykanka in ka badan lix malyan qof ayuu covid-19 ku aafeeyay dunida. Walow ay ka badbaadeen cudurka bukaan gaaraya ilaa 2.7 malyan qof, haddana waxaa u dhintay dad ka badan 370 kun.

Xaaladda  Geeska iyo Bariga Afrika oo la xiriirta heerka cudurkan iyo sida uu u saameeyay aggaan waxay ka muuqataa shaxda hoos ku qoran.

TirsiMagaca DalkaBukaanka (Tirada dadka)Geerida
1Somaaliya2146           (15 milyan)79
2Jabuuti3935          (0.8milyan)26
3Kenya2216          (48 milyan )74
4Itoobbiya1486           (100milyan)17
5Tanzaniya509            (55 milyan )21
6Eritrea39              (6.4 milyan)0

Haddaan shaxda eegno waxaan arkaynaa in dalalka ay Soomaalida deggan tahay ay bukaanka iyo geeridaba ku badan yahiin (Jabuuti, Kenya, Itoobbiya). Tanzaniya inkastooy ka dad badan tahay waxaan Itoobbiya ka ehayn haddana cudurka iyo geeridaba way ku yar yihiin. Shacabka Tanzaniya waa dad aad qunyarsocod u ah aadna u addeeca sharciga iyo amarrada xukuumaddooda. Tusaale ahaan dalka Tanzaaniya laba qof oo dirira waa dhif waana ceeb agtooda.

Waxaan kaloo aragnay in dalalka Yurubta Waqoyi iyo dalka Biritinba dhimashada dadka jaaliyadaha Soomaaliyeed ay ka badan yihiin jaaliyadaha kale. Dalka Finland dadka cudurka uu haleelay 17% waxay noqdeen Soomaali. Dalka Swiidan 6% dadka uu cudurka haleelay waxay noqdeen Soomaali. Dalka Biritin inkastooy kasoo bixiin tirakoob khuseeya Soomaalida haddana waxgaradka Soomaalida iyo hoggaamiyayaasha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Biritin waxay qiraayaan in  tirada ay Soomaalida ka tahay dalka iyo inta u geeriyootay caabuqan ama u bukta inaysan isu qalmin.

Waxaan la inkiri Karin in dadka ka tirsan jaaliyadaha Somaalida ay ku badan yihiin dadka danyarta ah taasoo ku khasbaysa inay bulsho u noolaadaan oo qolkiiba ay seexdaan dad ka badan tirada loogu talaggalay.

Nolosha ceynkaas ah dabcan waxay fududaynaysaa isku daarashada cudurrada. Ruuxa bukooda looma heli karo qol lagu maquuniyo/karantiilo si uusan ugu daaran qoyska intiisa kale.

Haseyeeshee, shaqaalaha caafimaadka, hoggaanka haya’daha caafimaadka iyo dhakhaatirta Soomaaliya waxay ka cabanaayaan in dadweynaha Soomaaliyeed lagala kulmay  tixggelin la’aan talooyinka iyo amarrada ay madaxda iyo hoggaanka dalka  u dejiyeen si ummaadda looga badbaadiyo cudurkan dilaaga ah.

Malaha dadweynaha wuxuu buraarugi doonaa marka geerida heerkan ay aad uga badato oo qof waliba qof uu yaqaanna ama qoyskiisa ay geerida  saamayso, taasoo, nasiibdarro, naafaynayso dadaalka ujeeddadiisa tahay in la dhimo geerida laga maarmo. Soo jog laga waayaa, soo jjifso laga helaa!

Ka hor intaanan cudurka uusan dunida ku faafin, af-xidhashada waxay caadi ka ahayd dalalka bariga Eeshiya,  iyadoo aan loo eegin inuu qofku buko. Balse dalal badan ayaa ku soo rogay dadkooda iyagoo ka dhigay waajib qasab ah goobaha dadweynaha.

Dhinaca kale dalalka Britain iyo Singapore ayaa ku talinaaya inuu qofka ka aalo af xidhasho haddii uusan xanuunsaneyn oo waxay qabaan in qalabka sida nooca “surgical mask,”  loo beekhaamiyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee jiidda hore ka hawlgala.

Inkastoo dalka Mareykanka uusan u doodin isticmaalka “surgical masks,” haddana hay’adda ka hortagga cudurrada “Centers for Disease Control and Prevention (CDC)” waxay dadweynaha kula talineysaa isticmaalka af daboolka in lagu badbaadayo.

Waxaa muuqata in dadka Soomaaliyeed ay ka gaabinayaan xidhashada afka iyo sanka. Cudurka Covid-19 dadka uu dalka dhexdiisa ku aafeeyay waa 2 kun oo ah inta laga warqabo. Afka oo la duubto waa badbaadada shakhsiga iyo tan dadka kaleba, waxuuna wax ku ool leeyahay marka lagu daro gacmaha oo saabbuun iyo biyo lagu dhaqo (maydho) amase alkolo. Dabcan iyadoo laga fogaanaayo dadka kale, taasoo ah in mar waliba qofka  kale uu u jiro masaafa mitir iyo bar ugu yaraan sida ay dhaqaatirta ku taliyeen. Weliba iyadoo aslanba laga fogaanaayo meelaha dadka ay usku jiiraayaan oo ciriiriga ah.

Si kastaba ha ahaate, joogtaynta nadaafada wanaagsan waxay muhiim u tahay badbaadada dadka, inkastoo ay muuqato in afka iyo sanka oo la duubto ay noqotay mid ka mid ah aaladaha muhiimka u ah ka hortagga faafidda Covid-19.

War iyo dhammaantii, waxaa malahaa la gaaray waqtigii dadka lagu qasbi lahaa inay afka iyo sanka xidhtaan, weliba iyagoo adegsanayaya afdabool guri ah (Dalka lagu sameeyay). Tani waxay dhiiriggelineysaa shaqo abuurista iyo badeeco qiima jaban oo qof waliba awoodo.

Cabdulqadir Cariif

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments