Dilka George Floyd oo Furay Albaabada Sharta!

Dalka Maraykanka waxaa gees ka gees ruxay dibadbaxyo ay dhigayaan dadweyne ka caraysan dil ay booliiska Minneapolis (Minnesota) u geysteen George Floyd oo ah nin madow, kaddib markii baraha bulshada la soo dhigay muuqaal uu ka duubay qof ka ag dhowaa goobta dhacdadaas. 

Muuqaal-duubayaasha ku rakibnaa goobaha ganacsiga iyo cajalada uu duubay qofka dul taagnaa waxay muujinayaan silcinta ay booliiska u geysanayeen George Floyd iyo inaysan booliiska danayneyn nolosha muwaadhinka, maadaama ay iska dhegatireen cabaadka iyo baryootanka ka soo yeeraye George iyo dadkii goobta ka dhowaa.

Baaritaan madax-bannaan ayaa sheegaya in George Floyd uu u dhintay “hawo-la’aan (asphyxiation) ka dhalatay xoogga cadaadiska joogtada ah,” markii qoortiisa iyo dhabarkiisaba ay isku cadaadiyeen saraakiisha booliiska Minneapolis. Baaraha Caafimaadka ee Degmada Hennepin  wuxuu ku soo gabagabeeyey baaristiisa in dhimashada George Floyd ahayd dil, (CNN 2/06/2020).

Baarista caafimaad ee madaxbannaan waxay ka horimaanaysaa baarista booliiska ay soo bandhigeen markii uu dilka dhacay, taasoo sheegaysay inuu George Floyd uu u dhintay xanuun wadnaha ah. Inkastoo baarista madaxbannaan kaddib ay booliiska degmada Hennepin soo saareyn baaris la mid ah tan madaxbannaan.

Shacabka banaanbaxaya waxay dalbanayaan qabashada (xarigga) saraakiisha ku lugta leh dilka George Floyd iyo isbeddel nidaam ah oo joojinaya naxariis darrada booliiska.

Dhimashada George Floyd waxay kicisay hurgumooyin, cadho iyo ciil horey bulshada madowga uga tirsanayeen habka caddaala-darrada iyo habdhaqanka gurracan ee booliiska. Dalabka dadka laga tira badan yahay  ee Maraykanka [madow, latino, iwm] ayaa ah inay helaan caddaalad iyo ixtiraam la mid ah kan ay helaan Maraykanka kale [cadaan].

Gabar ka mid ah shacabka waddooyinka Los Angeles ka dhigaya dibadbaxyada ayaa tiri “Farriinta aan dirayo ayaa ah in uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya bulshada caddaanka ah iyo kuwa madowga ah ee Maraykanka.” Waxay kaloo sheegtay inay si joogto ah kala kulanto hagardaamo booliiska “waxaan ahay qof Jaamacad (college) ka qalinjabisay, shaqaysata, waligeed aan denbi gelin, misna waxaa si joogto ah ii joojiya booliiska, sababtuna waxay tahay gaadhigayga oo ah mid cusub oo aan iibsaday 2020 [Tuhun inaysan gaariga lehayn. Ama Siddebay ku yeelan kartaa gaarigan]” (ABC 7 – 30/05/2020).

Michael oo ah arday dhigta Jaamacadda ayaa yiri “Markii aan arko gaadhi booliis ah oo i hareer-socda, ama mid i dabasocda, candhuuf ayaa afkayga buuxinaysa, boodyahayga ayaa jaraynaya waxaa suurtoggal ah inaan lumiyo xakamaynta gaadhiga, waxaan ka baxaa waddada, waxaan ku nastaa daqiiqado goobta munaasibka ah, si aan nafta u xasiliyo, si ay u nabad galaan nafsaddayda iyo shacabka waddada aynu wadaagno.”

“Waa fashal naxdin leh in dad badan oo Afrikan-Mareykan ah, gaar ahaan dhallinyarada, la dhibaateeyo oo loogu bahdilo dalkooda. Waa awood marka ay mudaaharaadayaan, oo ay ilaalinayaan sharciga, waxay u bannaan-baxayaan mustaqbal wanaagsan.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore George W Bush (CBC News 2/06/2020).

Falanqeeyaasha siyaasadda Maraykanka, waxay saadaalinayaan in dibad-baxyadu sii socon doonaan in muddo ah, taasoo ay sabab uga dhigayaan xirnaanshaha dugsiyada, jaamacadaha iyo in malaayiin qof ay la soo deristay shaqo la’aan, taasoo fursad u siinaysa ka qeyb-galka mudaharaadyada. Waxaa intaas dheer, in Covid-19 abuuray jahawareer iyo xasillooni darro nafsiyadeed, kaddib markii dad badan ku waayeen dadkii ay jeclaayeen xanuunka Covid-19.

Dalka Maraykan waxaa ka jira dhaqdhaqaayo aan diiwaangashaneen, kuwaasoo xambaarsan aragtiyo iska soo horjeeda, sida “White supremacist iyo ANTIFA,” iyo kooxo kale, lana aaminsan yahay inay ku soo dhexdhuunteen dadka dibadbaxaya si ay u geystaan fadqalallo iyo xasillooni darro.

Taageero midnimo loogu muujinayo dibadbaxayaasha Maraykan ayaa ka kala dhacay daafaha caalamka Australia, New Zealand, UK, France, Germany, Holland, Spain, Brazil, Filastin, Idlib Syria iyo dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaal.

Hadabba, su’aasha taagan ayaa ah: Goormay soo afjarmi doontaa u sinaan la’aanta sharciga, iyo naxariisdarrada booliiska Maraykanka ay kula kacayaan qaar ka mid ah muwaaddiniinta Maraykan?

Shaki kuma jiro, in Maraykanka uu u baahan yahay dibuhabayn in lagu sameeyo hannaanka caddaalada, hanaanka loo maro qorista booliiska, iyo hanaan isbeddel taabanaya nolosha dadka laga tiro badan yahay, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo shaqooyinka.

Soomaaliya waxay ka baran kartaa meel aysan caddaalad jirin, nabadi ma jirto. Sidoo kale, meel aysan rajo jirin nolol ma jirto. Haddii dadka Somaaliyeed nabad, iyo barwaaqo doonayaan waa inay ilaaliyaan u sinnaanta caddaalada iyo kala dambeynta sharciga, islamarkaasna diiradda la saaro ciribtirka dhaqanka xun ee haybsooca ah, nin tooxsinimada iyo dowlad xumo.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply