Wednesday, December 6, 2023
Home Dib U Eegis Buug Taariikh Nololeedka Cabdiraxman Cali Waabberi

Taariikh Nololeedka Cabdiraxman Cali Waabberi

Cabdiraxmaan A. Waabberi wuxuu ku dhashay magaalada Jabutti, Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti 20-ka Juulay 1965, laba iyo toban sano ka hor inta uusan Dalka qaadan madaxbannaani, taasoo ka dhigaysa in xusuustiisa ay ku kaydsan tahay Jabuuti-da manta ka sokow, xitaa waayaragnimadii gobannimaddonka iyo taliskii gumaysiga-ba.

Kaddib markuu ka qalinjabiyay Dugsiga Sare uuna qaatay shahaadada loo yaqan baccalauréat isagoo 20 jir ah ayuu helay deeq waxbarasho oo u bixitimay dalka Faransiiska, 1985, si uu jaamcadda u dhigto. Wuxuu kolka hore ka dhacay magaalada Caen ee ka tirsan gobolka Normandie kaddib wuxuu u gudbay magaalada Dijon ee golobolka Bourgogne halkaasoo 1993 ku mutaystay shahaadada majisteerka kaddib markuu uu sameeyay tiisis cinwaankiisu ahaa: “Suugaanta iyo Siyaasadda Sheekooyinka Nuruddiin Faarax” wuxuuna ku takhusasay Af Ingiriiska iyo Suugaantiisa, taasoo ka dhigaysa Cabdiraxmaan qof aad ugu xeeldheer afkan oo uu ku ahaa bare mudda dheer (1996-2006), balse qoraalkiisa wuxuu u addegsadaa Afka Faransiiska oo ah afkiisa qalaad ee koowaad. Cabdiraxman Waberi wuxuu ka qaatay shahaadada PhD Jaamacadda Paris-Ouest Nanterre 2012.

Cabdiraxmaan wuxuu u dhashay qowmiyadaa Soomalida ee Jabuuti, ruuxii aqoon u leh qoraalladiisa wuxuu isla markiiba dareemaaya in Cabdiraxmaan u ka soo jeedo qoys reer guuraa Soomaaliyeed ah oo weliba xooladhaqatada ah.

Cabdiraxman Waaberi waa aqoonyahan xeeldheer, suugaanyahan gaamuray, qoraa magaciisu uu fogaaday oo ku faaafay dunida, iyo gabyaa (Afka faransiiska, intaan ognahay). Cabdiraxmaan wuxuu ku qoraa maqaallo iyo qoraallo wargeysyada ugu waaweyn Faransiuiska, sida Le Monde[i] iyo kuwa kaleba. Telefishinnada Faransiiska ee Beljiigga ma seegaan inay wareysi xag waliba ah la yeeshaan Cabdiraxmaan Waberi.

Abwaan Cabdiraxmaan Waberi uma soo jiidin magac iyo caannimo dalka uu ka dhashay ee Jabuuti oo qura balse wuxu wuxuu magac iyo muuno usoo jiiday dadka Af Soomaaliga ku hadla oo idil. Wuxuu adduunka baray qiimaha iyo qaddarinta ay mudan yihiin dadka reer guuraaga ah ee xooladhaqatada ah oo suugaan, murti, iyo adkaysiba hodan ku ah. Sidaasoo kale Dalka Faransiiska waxuu u haystaa inuu qiima weyn ku leeyahay dalkaas oo u dalshada ku leeyahay.

Jaamacada fra badan oo ku kala yaal Yurub iyo Maraykanka ayuu bare iyo bare-marti ka noqday (Austria, Germany, US, iwm), wuxuuna waqtigiisa u qaybiyaa dalka Faransiiska oo uu deggan yahay iyo Maraykanka (Jaamacadda George Washington Universty ee Washington ku taal) oo uu bare ka yahay.

Cabdiraxman Waberi wuxuu nasiib u yeeshay inuu helo abaalmarinno fara badan. Kuwaas waxaa ka mid ah Grand prix littéraire d’Afrique noire. Qoraalladiis aad ayay u fara badan yihiin, soo koobiddodana waa hawl aad u weyn. Buuggiisi ugu horreeyay wuxuu akhristayaasha soo gaaray 1994, kaasoo ahaa sheekada la magacbaxday: “Le Pays Sans Ombre” (Tarjumada Ingiriiska: Land without Shadow), “Dal aan Hoos lehayn” oo Jabuuti la xiriira. Buuggan waxaa arartiisa qoray Nuruddiin Faarax. Intaan ka warqabno buuggiisa ugu dambeeyay wuxuu ahaa:

Pourqoi Tu Dances quand Tu Marches”,  Roman, Jean-Claude Lattes, Paris 2019 oo ah sheeko dheer (Novel).

Saddex bug oo kuwiisi ugu horreeyay ah oo kala ah: Le Pays sans Ombre” oon horey usoo sheegnay iyo 1966 Cahier Nomade iyo midka saddexaad oo ah 1998 Balbala (Waa xaafad koonfurta Jabuuti ku taal) oo dhammaan la xiriira xaaladda nolosha iyo siyaasadda Jabuuti waxay can ku noqdeen Saddexlayda jabuuti (Trilogie djiboutienne). Labada hore ee saddexdan waxuu ku helay abaalmarin.

Runtii buugaagtiisa aad ayay u fara badan yihiin sidaas daraaddeed waxaan ka xusaynaa qaar keliya. Qaar ka mid aha buugaagtiisana waxay Jamhuriyadda usoo bandhigi doontaa akhristayaasheeda Faalloyin lagu falanqaynaayo qoraalladiisa.

  • 2003 Transit, Paris Guillimadr, 2003,  oo ah sheeko (Novel/Roman) la xiriirta Jabuuti. Buuggan waxaa loo tarjumay afka Ingiriiska;
  • 2006 Aux Etats Unis d’Afrique, Paris Jean-Claude Lattès, oo isna Sheeko (Novel/Roman). Buuggan waxaa loo tarjuman  afka Ingiriiska;
  • 2015 La Divine Chanson, Paris Ed. Zulma, oo isna ah Sheeko (Novel/Roman). Isna waa loorogay afka Ingiriiska;
  • 2019 Pourqoi Tu Dances quand tu Marches? Paris Jean-Claude Lattès (Maxaad u Dheeshaa Makaad Socotid?). Buuggan weli looma tarjumin afka Ingiriiska.

Cabdiraxmaan Waberi wuxuu kaloo qoray laba bug oo gabay ah  isagoo ku maamsaynaaya Afka Faransiiska. Labaduba waa loo tarjumay afka ingiriiska.

Axmed Qaasim Cali


[i] Waxaan la illobi karin maqaal uu ka qoray baroordiiqa geerida Assia Djebar oo ahayd qoraa iyo soosaare filim oo u dhalatay dalka Al Jasaa’ir (Algeria), oo kusoo baxay wargeyska Le Monde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments