Advertisements
Sunday, July 5, 2020
Home Geeska Afrika Durbaannada Dagaal ee Al Siisi iyo Biyaha Webiga Niil

Durbaannada Dagaal ee Al Siisi iyo Biyaha Webiga Niil

Sabtigii June 20, 2020 ayaa Madaxweynaha Masar Cabdel-Fattax al-Sisi oo la hadlayay ciidamadiisa ku yiri “U diyaar garooba inaad ka fulisaan hawlgal [dagaal] gudaha xuduudda, ama haddii loo baahdo xuduudda dibeddeedaba.” Dacaayadda dagaal ee ujeeddooyinka badan leh, waxay kicisay dareen la xiriira jahada duullaanka.

Maqaalka waxuu isku dayayaa inuu si taxaddar leh u rogrogo axwaasha ku geedaaman duullaanka Masar si loo lafagguro khatarta ka imaan karta!

Masar waxay xuduud ku dhow ilaa 1,200 kiilomeeter la leedahay gobollada bari ee Liibiya oo uu ilaa hadda gacanta ku hayo Janan Khalifa Xaftar (Haftariyo). Haseyeeshee, sanadkan bilawgiisii ayaa colaaddii Liibiya waji cusub yeelatay, kaddib markii guuldaarrooyin isdaba joog ah ay soo gaareen maleeshiyadda Janan Xaaftar.

War kama taagna in guusha dowladda Tripoli ay saameyn ku yeelaneyso dano dalal badan oo ku xisaabtamayey inay ka faa’iideysan doonaan kheyraadka Liibiya. Toban sanadood ka hor markii uu reer galbeedka iskaga tageen Liibiya, waxaa faraha la galay Imaaraadka, Masar, Fransiiska, iyo Ruushka oo taageera Janan Xaaftar.

Walow aan la dhayelsan karin khatarta ka dhalan karta jabka difaaca Xaaftar, haddana wixii ka dambeyay shirkii Washington ee saddex geesoodka ahaa waxaa si xowli badan u sii kordhaya xiisadda colaadeed ee ka dhexeysa Addis Ababa iyo Qaahira. Masar waxay diginin u dirtay Itoobbiya kaddib markii ay diiday inay saxiixdo heshiiska muranka ku jira ee uu garhayeenka u ahaa Steven Mnuchin Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka (The National 29/02/2020).

Khubarada amniga ayaa rumeysan in, “Hanjabaada Masar aysan u muuqan mid aad u culus, marka la tixgeliyo in Qaahira ay ku dadaashay intii karaankeeda ah sidii ay u taageeri lahayd Xaatarka Liibiya” (Middleeasteye 24/06/2020).

Maalin ka hor khudbada madaxweyne Sisi ayaa dowladda Itoobbiya ku dhawaaqday inay bilaabi doonto buuxinta harada bisha soo socoto, iyadoo aan heshiis lagu ahayn. Axaddii June 21, Wasiirka Arrimaha Dibedda Masaarida Sameh Shukry oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Golaha Amniga QM waa inuu ka horistaagto Itoobbiya inay bilawdo buuxinta harada biyo xireenka” (The Associated Press 21/06/2020).

Wadahadallada Niil waxay soo jiitamayeen sanado badan, waxaana laysku mari la’yahay habkii loo maareyn lahaa biyaha waqtiga abaaraha. Inkastoo Sudan ay ugu baaqday labada dhinac in la wadahallo, haddana baraha bulshada durbaanka dagaalka ayaa si xoog leh uga aloolsan, iyadoo tweeter-leeyda Masaarida dalbanayaa in cudud military lagu aamusiyo Itoobbiya taas oo damaanad qaadi doonto amniga biyaha Masar.

Colaadda labada dal ayaa u muuqato inay foodda la gashay jar caalami ah, kaddib markii dowladaha xubinta ka ah Jaamacadda Carabta ay wada taageereen mowqifka Masar marka laga reebo Jabuuti, Qadar iyo Soomaaliya (Fanabc 23/06/2020).

Dhawaan waxaa soo baxday in dowladda Masar ay saldhig military ka sameysaneyso xuduuda Konfur Sudaan ay la leedahay dalka Itoobiya. Walow dowladda Juba ay warkaas dafirtay, haddana wariyeyaal soo booqday “Paloch oil fieds” ee ku dhow xuduuda Itoobbiya ayaa sugaya inay soo arkeen cutub militariga Masaarida ah oo halkaas deggan, (SSNewsNow 19/06/2020).

Dhinaca kale, warqad mahadcelin ah oo uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya u diray Masar ayaa maamulka Somaliland ashtako ka sameyay, iyadoo Muqdisho lagu eedeynayo inay jabisay cunaqabateentii hubka.

Tan iyo 2017, Soomaaliya waxaa loo oggolaa inay hub fudud ka soo iibsato amase ka soo shaxaaddo dunida. Ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in ashtakada Somaliland ay ahayd shirqool sirdoonka Imaaraadka iyo kan Masar ay wada maleegeyn, si kalsoonida sii kordheysa ee Soomaaliya iyo Itoobbiya loo dhaawaco.

Weliba intaas waxaa dheer in ilaa hadda shaki ku gedaaman yahay gacanta qarsoon ee gadaal ka riixaysa ololaha lagu doonayo in wadanka looga saaro ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsaneen AMISOM, iyadoo layska indho-tirayo ciidanka Kenya ee dheeriga ku ah hawlgalka AMISOM!

Dhanka kale, waxaa fidno la dhexdhigay Sudan iyo Itoobbiya, kaddib markii maleeshiya hubeysan ay xuduuda ku dagaaleen. Khartoum oo kolkii hore dhexdhexaad ka ahayd arrimaha Itoobbiya iyo Masar ayaa ku dhawaaqday in buuxinta harada biyo xireenka shardi u yahay saxiix heshiis.

Walow Masar iyo Itoobbiya ay hore u sheegeen inay kalsooni ku qabaan in muranka si nabadgelyo ah lagu xallin doono, haddana khubarada amniga waxay ka cabsi qabaan in burburka wadahadallada iyo dhaqdhaqaaqa gobolka ka socda ay horseedi karaan dagaal. “Masar iyo Itoobbiya waxay ka dhawaajiyeen suurtaggalnimada in la qaado tillaabooyin militari [dagaal] si loo ilaaliyo danahooda,” (DW 22/06/2020).

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Masar ay joogaan saldhigga Eritrea ee Imaaraadka xilli Qaahira ay ku gooddineyso inay burburin doonto biyaxireenka haddii aan lagu heshiin (The Globe and Mail 22/01/2020). Intaas waxaa dheer in sanadka bilowgiisii uu madaxweyne Sisi xarigga ka jaray saldhig calami ah oo Imaaraadku maalgeliyeen lehna garoon weyn ee diyaaradaha kuna yaal badda Cas (Middleeasteye 15/01/2020).

Biyoxireenka waxuu ballan qaadayaa horumarinka noolasha boqolaal malyan oo degan Geeska Afrika, kuwaas oo baahi iyo jahli ay dunida ka reebay. Itoobbiya waxay si taxddar leh Masar iyo nabaddaba ugu oggolaatay tanaasul, balse talada Masar ee ah in harada biyoxireenka si tartiib tartiib ah loogu buuxiyo 11 sanadood waxay ka dhigan tahay in qayb tamarta ah keliya la soo saaro.

Muran kama taagna in haddii la dhammaystiro biyoxireenka uu ku yeelan doono saameyn biyaha Masar u qulqulaya, balse waxaa loo baahan yahay in caqliga ka qaalib noqdo cudud sheegashada, si xaallada murugsan ee khatarta colaadda dabada ku wadato looga gudbo wadahadal ixtiraam iyo isku hanbeyn ku qotomo. Dhaqaaleyahan George Ayittey ayaa horey u yirin “African solutions to African problems,” xal aan taas ahaynna ma muuqdo.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Most Popular

Inteebu Mareykanka Ku Leeyahay Dadaalka Dib u Soo Kabashada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya oo ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, marnaba ka ma maqneyn maanka Washington tan iyo...

Yaa Ka Masuul ah Dibudhaca Hawlaha Doorashooyinka: Xiilama Yarey mise Siyaasiyiinta?

Maalintii Sabtiga 27kii June 2020 ayaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Marwa Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ka warbixisay kulan...

Soddon Sanadood Kaddib Kooxda Liverpool oo Hanatay Horyaalkii “Premier League”

Khamiista June 25, 2020 ayaa “Liverpool” loo caleemo saaray Horyaalnimada Kubada Cagta “Premier League,” kaddib markii kooxda Chelsea 2 iyo 1 kaga...

Durbaannada Dagaal ee Al Siisi iyo Biyaha Webiga Niil

Sabtigii June 20, 2020 ayaa Madaxweynaha Masar Cabdel-Fattax al-Sisi oo la hadlayay ciidamadiisa ku yiri “U diyaar garooba inaad ka fulisaan hawlgal...

Recent Comments

%d bloggers like this: