Faallo La Xiriirta Buugga “Transit”

Bugga asliga ah wuxuu ku qoran yahay, sida qoraallada Waberi oo idil, afka Faransiiska. Innakuse waxaan addegsannay tarjumada af ingiriiska [Transit, Paris Guillimadr, 2003, p. 144 (French edition). (Eng. Ed.) Bloomington, ind. Indiana University Press, 2012, p.127 by Abdurahman A. Waberi]. Qoraaga waa nin aad u badiya afka ingiriiska, sidaas daraaddeed lagama yaabo in tarjumadu ay noqoto qabyo ama mid iin leh oon ka turjumayn aragtida qoraaga. Teeda kale waxa buugga tarjumay lammaanaha David iyo Nicole Bell oo buugaagtii hore u turjumay.

Buuggan waa sheeko la xiriirto Jabuuti sannadihii 1990-yadii. Sheekadu waxaa tebinaaya shan ruux oo midi dumar tahay. Kuwaasoo kala ah: Xarbi oo ah indheergarad reer Jabuuti ah ahna sayga Alice oo ah gabar Faransiiska ah oo ka timid gobolka Brittany (Bretagne), Faransa ahna hooyada wiilka la yiraahdo Cabdow-Julien oo abbihii yahay Xarbi. Qofka shanaad oo runtii sheekada qeyb libaax ka qaadanaaya  waa Bashir Bin Laddin.

Inkastoo Waaberi uu doortay 5 tebiyeyaal haddana miisaanka tebinta ma dheellitirna wuxuuse u janjeeraa dhanka Bashiir iyo Cabdow oo darandoorrinaya sheekada badideedba.

Bashir Bin Laddin waa wiil isagoo da’yar la soo raafay oo ka qeybqaatay dagaalkii rayadka ee Jabuuti. Haseyeeshee, qoraaga wuxuu tebiye waliba u dhiibaayaa dhinac gaar ah ee sheekada inu tebiyo; waxaad mooddaa inuu aad u darsay uguna talaggalay inuu kaa yaabsho akhristaha, malaha si ay dhacdooyinka ay ugu dhegaan maanka akhristaha.

Badanaaba dadkan sheeekada tebinaya waa iskood-u-dalalaayaal  (Monologue) qaar kale sida Alice waxay waxay badanaaba la hadlaysa inankeeda Cabdow, Awoowe Cawaale-se, badanaaba Alice ayuu u jeediyaa hadalkiisa.

Bashir badanaaba waa qofka soo tebinaya xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka sokeeye, aragtida hoggaamiyaasha Dalka iyo Ciidamada wuxuuna u tebinaaya hab dhab iyo dhayal isku dhifan ah.

Wasiirka Booliska wuxuu ugu yeeraa “Dhurwaa Arooryo.” Jananka nabadda la saxiixay ka dib afgembiga isku dadyayna “Futo Weyne.”

Malahaa Waaberi wuxuu habkan u doortay inuu ka fududeeyo  akhristaha masiibooyinka dhacdooyinka Bashiir u tebinaya.

Aan xooga eegno tebinta Bashir oo ku dhashay tuula yar oo la yiraahdo Dameerjoog. Bashir wuxuu leeyahay: “Dugsi wax ii qalma ma ahayn..fasalka 4aad kaddib waxaa la igu yiri shaqa ka aad.” Inta durbadiiba akhristaha uu dhexdabbalsiiyo dagaalka sokeeye ayaa wuxuu sheegayaa in Shisheeyaha waa-weyn ay ku yiraahdeen dawladda Jabuuti: “Haddeer joojiya dagaalka haddii kale kaalmo dibedeed ma jiri doonto.” Sidaas ayaa Madaxweynaha iyo jabhadda FRUD ay ku saxiixeen nabadda. Eeg sida uu siyaasiiyiinta berigaa uu ku tilamaamayo Bashir “..ma joojiyaan wax cunid [waa kuwo] hambada ay cantuugayaan ku mergenaaya.”

Bashir iyo Xarbi waxay joogaan qeybta Transit-ka  Garoonka Roissy-Charles de Gaulle ee Baariis (Paris) (Waa halka uu ka yimid cinwaanka Buugga, Transit).  Bashir tebintiisa marnaba  kama maqna laba shay: inuu isxusuusiyo inuu u dhaqmo sida askari dhab ah iyo inuu wax waliba u arko sida werinta ciyaarta kubbadda cagta. Janan Caydiid-kii ee Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay inuu yahay  “ninka askarta Maraykanka abaalkood mariyay. Caididd wuxuu ahaa halyayga dagaalka wuxuu Platini-ga[i]  dagaalka” ama Ciidamada iyo Jabhadda Eber iyo Eber, innakana waxaan nahay “ugaasyadii dharaarta iyagana  habeenkii bay madax yihiin” Bashir isagoo yar ayaa maskaxda laga dhaqay mana garanayo inuu ka towbad keeno dilka, dhaca baadka,  iyo dembiyadii uu geystay iyo jecaylka uu u qabo qoriga AK 47 oo micnihiisu la yahay awood.

Sikastaba, akhristaha wuxuu dareemaayaa in hadalka Bashiir uu ku socdo xarriiqin toosan iyo wadiiqa cad oo aan ujeeddada xaddidan ka baxayn halka Cabdow uu u muuquanayo bad burqanaysa. Hal cutub gudaheeda ayuu uga gudbaayaa tilmaanta hooyo,  ka sheekaynta aabbihii, suugaanta galbeedka, adeegto Maymuuno oo uu uurka ka jecelyahay, iyo weliba arrima kale. Cabdow waa madi ku korey dad waaweyn dhexdooda sida uu xusay wuxuu ku korey  “caanahii jacaylka iyo akhris”. Cabdow, sida Cabdiraxman Waberi waa ruux yaraantiisaba ka gudbay xendaabka iyo hiddaha  reerkiisa u tallaabay heerka “hidde farabadan” (Multicultural). Akhriustaha qoraaga suugaantissa iyo noloshiisa u jeeda wuxuu Cabdow la noqonayaa miraayad yar oo muujinaysa qoraaga qudhiisa.

Haddii ay aabbe iyo hooyo ku duween hiddaha iyo aqoonta noocaas ah, awowgiis Cawaale oo uu aad u jecelyahay ayaa ku beeray hiddaha dalka. Cawaale oo ah Xarbi aabbihii, waxaad moodda in xilka saran uu yahay inuu soo tebiyo hiddaha iyo dhaqanka reer guuraaga ee xooladhaqatada ah ee Jabuuti.

Cawaale aan u deyno isaga laftiisa oo inoo sheego wuxuu yahay iyo khibraddiisa, islamarkiina ra’yi inaga siiya suugaanta Waberi. “Aniga qudhayda waxaan ka soo noqday meel aad u fog oo halis  badan. Waxaan gudub iyo dheerer ugu socdaalay dhagaxleyda lamadegaanka, buuraha bacaadka guuraga ah, qararka buuraha qaawan, burarka xaanida oo u kuusan sida tuurta geela, waxaan oonka ku dabciyaa like iyo coodin[ii] iyo dacarta ku baxda uurka waadiyada. Hambo yar ayaa haqabtir iigu filan. Anigoo huwan aammuska lamadegaanka waxaan u dhaqaaqa sida jirjiroolaha tallaabadayda waa dudduma[iii] guuraysa oo kale. Waxaa igu jira dhiig beekhaamiyo neefsigayda, waxaan leeyahay dareenka ninka gaarka haya, iyo fiiro ufuqa[iv] tirtiraysa.”

Waxaan korey ku xusnay in Bashir iyo Xarbi ay joogaan garoonka dayaaradaha Baariis, sababta kulansiisay oo gesay halkaa waa qiso cajiib ah oo akhristaha furaheeda uu ka heli doono labada cutub oo ugu dambaysa buugga.

Axmed Qaasim Cali


[i] Michel Platini wuxuu ahaa cayaartoy can ahaa 1980-yadii oo Faransiis ah.

[ii] Qoraaga wuxuu adeegsaday magaca geed ka baxa Koonfurta qaaradda   Maraykanka. Wxaan ku beddelnay geedo ka baxa Geeska Afrika (Like iyo Coodin)

[iii] Qoraaga wuxuu adeegsaday glacier  oo ah baraf badan oo isbuursaday, innakana dudduma iyo cuf (Cuf eraybixinta Fiisikis waa: mass)

[iv] Ufuq, eray asalkiisu carabi  yahay, waa horizon. Eeg Qaamuuska Af-soomaaliga ee Akadeemiyada Cilmiga, Suugaanta iyo Fanka, 1985.

Leave a Reply