Khamiista June 25, 2020 ayaa “Liverpool” loo caleemo saaray Horyaalnimada Kubada Cagta “Premier League,” kaddib markii kooxda Chelsea 2 iyo 1 kaga badisay Manchester City oo ku jirtay doorka labaad.
Liverpool waxay ka mid tahay kooxaha ugu guulaha badan xiriirka kubadda cagta Ingiriiska. Tan iyo sanadkii la aasaasay 1892 Liverpool waxay ku guuleystay koobab fara badan oo ay ka mid yihiin 18 Horyaal iyo 6 Koobab Yurub. Balse wixii ka dambeyay 1990kii kooxdu waxay u muuqatay inuu xiddigeedii sii dhacayo, maadaama ay ka caagtay guulihii horyaalka “English Premier League.”
Haddaba aanu isweydiinee, sideebee Liverpool dib ugu soo laabatay masraxa soddon sanadood kaddib? Maxaase Soomaalida ka baran kartaa?
Dagaal ba’an ee lahaanshaha kaddib, “Fenway Sports Group” oo xaruntoodu tahay Boston ayaa October 2010 ku guuleystay xuquuqda la wareegista naadiga.
Balse uduga dib u soo laabashada yaabka leh ee kooxda waxaa la dareemay kaddib markii 2015 Jurgen Klopp, tababarihii hore ee kooxda “Borussia Dortmund,” uu oggolaaday inuu hoggaamiyo nadiga loona gacan baneeyay go’aanada hawlqabadkiisa.
Jurgen Klopp waxuu shahaadada cilmiga isboortiga ka qaatay Jaamacadda “Goethe University Frankfurt” inta uusan shaqo rasmi ah ka helin kooxda Mainz. Balse wuxuu caan ku noqday inuu kooxda Dortmund ka soo qaaday meel cid la ah kaddib markii uu horyaalka Kubadda Cagta Jarmarlka “Bundesliga” uu laba jeer qaday, iyadoo la aaminsanaa in “Bayern Munich” aysan weligeed gabalkeeda dhici doonin.
Jebinta Caqabadaha
Kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa yiri, “waanu aaminay waana daba soconay. Waxuu ahaa safar la yaab leh” (Daily Sabah June 26, 2020). Tababare Jurgen Klopp waa macalinkii ugu horeyay oo Jarmal ah ee ku guuleysta horyaalka “English Premier League,” waana naqshadeeyaha dib u soo laabashada naadiga Liverpool.
Klopp waxuu dhaxlay ciyaartoydii Brendan Rodgers oo wadatay qaab ciyaareed aan fiicnayn, oo aan haddana isku dheellitirnayn. Sidaas oo ay tahay, waxuu kooxdii uu dhaxlay ku qaaday laba koob. Inkastoo Liverpool ku guuldareysatay koobkii Yurub, haddana inay heerkaas ay soo gaarto ayaa lafteedu ahayd guul.
Tababare Klopp markuu aqoonsaday nusqaamaha ka jira kooxda Liverpool ayuu bartilmaamsaday dhallinyarada leh muuqaalka uu doonayay “farsamo iyo maskax ahaanba,” kuwaas oo ku haboonnaa qorshihiisa fog. Balse kama harin su’aashii ahayd Jurgen Klopp ma yahay ninkii soo afjari lahaa soddon sanadood oo aan horyaalka la qaadin.
Xagaagii 2016 wixii ka dambeyay ayuu bilaabay in seddax iyo tobon ciyaartooy uu shaqo joojinta ku sameyo, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Christian Benteke, Joe Allen, Martin Skrtel, Jordon Ibe iyo Philippe Coutinho oo uu mar dambe iska tuuray. Dhammaantood waxuu ka soo ceshtay khidmaddii kala iibsiga si uu u dhiso koox karti u leh hanashada koobabka.
Tayada Klopp waxaa ka mid ah inuu aaminsan yahay in ciyaartoyga laylinta iyo tababarka farsamada lagu hormarin karo wax tarkiisa. Waxuu soo wada qortay dhallinyaro aan magac weyn ku lahayn garoonadda dunida. Weliba lays weydiinayo halkeebeey ku habboonaan karaan sida, Georginio Wijnaldum, Maxamed Saakax, Sadio Mane, Andrew Robertson, Emre Can iwm; kuwaas oo noqday xiddigo aan la heli karin.
Tababaraha waxuu aaminsanaa in kabtanka kooxda “Jordan Henderson” oo qaab ciyaareedkiisa xumaa inuu lahaa tayada lagama maarmaanka u ah inuu xariif ku noqdo qadka dhexe. Waxuu xoogga saaray inuu ku leyliyo waxyaabaha gaarka ah ee uu u baahnaa sidii uu u xakamayn lahaa mas’uuliyadiisa.
Ku dhawaad dhammaan kooxaha ugu waawayn horyaallada Yurub ay isha ku wada hayaan tababare Jurgen Klopp mana la filayn in uu Liverpool la saxiixa doono qandaraas. Kuwo kale ma fileyn Klopp inuu si sahlan u jibin doono caqabaddaha hakinayay dib u soo noolaynta nasiibkii naadiga Liverpool.
Balse naadiga oo kalsooni ku qabay tababaraha Jarmalka ah, maalgeliyayna aragtidiisa fog ee dib ugu soo laabashada masraxa guulaha, ayaa maanta suuroggeliyay in loo dabaaldego Guusha Liverpool.
Haruun Rashid Cumar iyo Cabdulqaadir Cariif
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.