Yaa Ka Masuul ah Dibudhaca Hawlaha Doorashooyinka: Xiilama Yarey mise Siyaasiyiinta?

Maalintii Sabtiga 27kii June 2020 ayaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Marwa Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ka warbixisay kulan horey loo madlay oo ay iskugu yimideen xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS).  

Kulanka ayaa ahaa mid uu farayo Qodobka 13-aad, farqradiisa 3-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kasoo oranaya waa in “GMDQ uu 180 maalmood (ama 6 bilood) ka hor taariithda doorashada horyimaado golaha baarlamaanka si ay u xogwaraystaan.”

Marwa Xaliima Yarey ayaa waxay la wadaagtay sharcidejiyeyaasha xog tifaftiran oo tilmaamaysa sida GMDQ u hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah, kuna salaysan sharciga doorashooyinka iyo asxaabta dalka.

Gudoomiyaha ayaa ka hor caddaysay baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed in doorashada aysan suuroggal ahayn sidii horey loo odorosay ee ahayd inay dhici doonto 27ka Nofeember 2020 iyadoo la adeegsanayo habka “biometric”. Waxaa kale oo ay caddaysay in weli dhowr caqabadood ay hortaagan yihiin, taasoo ay ugu muhiimsanayd in ay xildhibaanada “heshiis siyaasadeed” ka gaaraan hawlaha doorashada oo ay ka mid tahay dib u eegida sharciga axsaabta.

Balse warbixinteedii ayaa waxay durbadiiba kicisay isxagxagasho siyaasadeed iyo far-isku-fiiqid eeda dibudhaca cida leh. Siyaasiintu waxay si bareer ah ula beegsadeen eeda Marwo Xaliima Yarey iyagoo si dadbana u dhaawacay haybadda GMDQ. Marwo Xaliimo Yareey ayaa iyaduna iska fogaysay eedaynta dibudhaca iyadoo caddaysay in ay xilkii loo igmaday gudatay.

Haddaba, ujeeddada maqaalka ayaa ah laba arrimood: (1) In dib loo eego xaqiiqda dhabta ee mas’uuliyadda dibudhaca diyaargarowga doorashada, si looga salgaaro in eedeyntu ay ku salaysan tahay dhibco badsiga siyaasiyiinta iyo in kale; (2) In dersi laga qaato khaladaadka dhacay.

Ka hor inta aanan garta u soo bandhigin dadwaynaha Soomaaliyeed [akhristayaasha] ayaan waxaa nala gudboonaatay in aan warbixin kooban idinla wadaagno si loo ifiyo heerarkii kala duwanaa ee geedisocodka “Qof-iyo-Qod” uu soo maray.

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee dowladda federalka ah waxa waajib ah in dalka ka dhacdo doorasho afartii sanadoodba mar. Fulinta doorashadaas xorta ah oo cadaalad ku salaysan ayaa Dastuurka u igmaday Guddiga Madaxabanaan ee Dooroshooyinka (GMDQ) sida ku xusan Qodobka 47, 110, 111 G iyo 112 ee Dastuurka KMG. Guddiga ayaa u xilsaaran ilaalinta xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka Soomaaliyeed si ay codkooda ugu dhiibtaan si waafaqsan Qodobka 22 farqadiisa (1) & (2).

Awooda guddiga waxaa ka mid ah abaabulka, kormeerka doorashooyinka iyo aftida heer degmo, gobol iyo Qaran. Sharciga dhismaha GMDQ ayaa diyaarintiisa lahayd xukuumadii uu Ra’iisul-waraaraha ka ahaa Cabdiweli Skeekh Axmad, taas oo u gudbisey Baarlamaanka 11kii Nofeembar 2014.

Golaha Shacabka BFS ayaa kalafadhigiisii 5aad ee kulankiisii 37 ee 11kii Feberaayo 2015 ansixiyey sharciga iyadoo ay 113 ogolaadeen, 21 diideen, 11 ka aamuseen. Laba bilood ka dib, 4tii Abriil 2015 ayaa Madaxwaynaha Xasan Sheikh Maxamuud saxiixay sharcigaas LR.04/2015. Baarlamaanka ayaa dhaariyey sagaalka xubnood ee GMDQ 22kii Juulaay 2015 oo ay Xaliimo Yareey gudoomiyaha u tahay kaddib markii ay Golaha Wasiiradda u soo gudbiyeen.

GMDQ ayaa howshiisu ayan ka mid tahay in uu diyaariyo hindise sharciyeed iftiiminaya nooca iyo habka ay doorashada 2020 u dhacayso. Wadatashi muddo dheer qaatay oo ay qayb ka ahaayeen dhammaan danleeyda doorashadu kaddib, ayaa xukuumada u gudbisey Golaha Shacabka “Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka” taariikhdu markey ahayd 5tii Abriil 2019, iyadoo uu akhrintii ugu horaysay uu maray shan maalin ka dib (20kii Abriil 2019).

Balse, Golaha Shacabka waxuu ansixiyey sharciga sideed bilood ka dib (28kii Diseembar,2019). Sidoo kale, Aqalka Sare ayaa asagana ansixiyey 8dii Feberaayo 2020, iyadoo Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saxiixay hirgelinta sharcigan 21kii Feberaayo 2020.

Haddaba, su’aasha isweydiinta u baahan ayaa ah, maxuu GMDQ qabanayay wixii ka horreyay Abriil 5tii 2019 oo hindise sharciyeedka Doorashooyinka ay xukuumada ugu gudbisay Baarlamaanka?

Ka dib baaris aanu samaynay waxaa inoo cadaatay in GMDQ (sida ku xusan bartooda internetka) uu waqti badan ka qaatay wadatashiyada uu la qaadanaayay maamul-goboleedyada, bulshada rayidka, xisbiyada iyo inta kale. Howsha wadatashiga ah ayaa bilowday 2018kii. Intaas waxaa barbarsocday wacyigelin bulshada sharciga si loogu sharxo saamayntiisa.

Maqnaanshaha doorasho xor ah oo cadaalad ku dhacda ayaa inta badan waxaa ka dhasha nidaamka kaligii-taliyenimada. Haddaba, waxaa iswaydiin mudan waa maxay sababta BFS ay uga qaadatay muddada dheer si uu u ansixiyaan sharciga muhiimka u ah Doorashooyinka Qaranka oo ah masiirka dalka?

Walow aysan caddeyn sababta BFS uu u kor fadhiyey in ku dhow 10 bilood sharci ka kooban 58 qodob iyo 7 cutub oo ku qoran 24 baal (bog), haddana waxaan sir ahayn in mucaaradka ay ka simman yihiin in doorasha “Qof iyo Cod” oo xor ah aysan dhicin. Sida ka muuqatay doodaha golaha sharci dejiyeyaasha waxaa laysku dayay in la meermeeriyo hawshaa ilaa goluhu uu dib ugu laabto wadatashigii GMDQ horey u soo sameeyeen si loo ansixiyo sharciga doorashooyinka.

Intaas waxaa dheer, sida Marwo Xaliima ay ka hor sheegtay baarlamaanka, in xeernidaamyada xisbiyada ay weli u baahan yihiin dib u eegista sharcidejiyaasha. Haddaba haddii sharciga ay siyaasiintu siyaasadeeyen uu gudbi lahaa Agoosto 2019, GMDQ waxuu fursad u heli lahaa 14 bilood oo uu isku diyaariyo qabsoomid doorasho.

Waxaan ku soo gunaanadaynaa inay sahlan tahay in siyaasiintu ay farta ku fiiqaan Xaliimo Yareey ayagoo gabaad ka dhiganaya daacad darradooda. Dersiga ummadda Soomaaliyeed ay ka baran karaanna waa “in la helo baarlamaan shacbiga matala oo u gacan banaan dardargelinta hawlaha qaranka”. Maahmaah shisheeye ayaa oranaysa “Ummad waliba waxay heshaa dowladda [sharcidejiyeyaal] ay istaahisho.” Garta waxaan ku soo wareejinay dadwaynaha!

Cusmaan M. Xusein iyo Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Fiiro Gaar ah: GMDQ shaqo kuma laha diyaarinta hindisa sharciyeedyada doorashada, taas waa mas’uuliyadda xukuumadda DFS.

Maqaalka waxaa dib loo cusbooneysiiyay July 16, 2020 si loo saxo qaladaadka.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

One comment

Leave a Reply to Ciyaarta Doorashooyinka oo xili dambe Isbeddeshay: War Jiraaba Cakaaruu Iman !! | Dalka Times - News and Politics Cancel reply