Saturday, June 3, 2023
Home Siyaasadda Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Dimuqraaddiyada waa nidaam nabdoon oo lagu xalliyo khilaafka iyo kala aragti duwanaanta. Balse, jiritaanka dimuqraaddiyada waxaa shardi u ah, shan arrimood: (b) xeerar iyo dastuur, (t) shacab awood u leh inay codkooda ku shaqaaleysiiyaan adeegayashooda, (j) siyaasiyiin aaminsan shacabka inuu yahay awoodda  bixisa ruqsada ay ku shaqaaloobaan siyaasiyiinta, (x) warbaahin madaxbannaan oo xaqiijisa runta, si ay u soo bandhigto ajeendada qarsoon, iyo ballanqaadyada beenta ah oo ay siyaasiyiinta ku dhagrayaan shacabka, iyo (kh) ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Waxaa xaqiiq ah, in Soomaaliya aysan weligeed ka hirgelin dimuqraaddiyad buuxda oo waafaqsan “Heerarka Caalamiga” [International standard], taas waxaa loo sababayaa laba arrimood: qabyaalad iyo xukun askari. Markii ay labadadaas arrimood ay la falgaleen siyaasadda Soomaaliya waxaa ka dhashay dagaallo sokeeye, oo naafeeyey noloshii dadka Soomaaliyeed, kaddibna dalka waxuu u loogmay faraggellin shisheeye.

Dimuqraaddiyada curdinka ah ee Soomaaliya maanta waxaa duullaan ku ah: qabyaalad, gobolaysi, sadbursi, iyo danaysi shaqsi. Dhammaan arrimahan waa kuwii u gogol-xaaray in xukunka dalka uu galo gacanta askarta 1969, taasoo uusan mahadin shacabka Soomaaliyeed.

Laga soo billaabo shirkii Carta, dalka Soomaaliya waxuu yeeshay 5 Gole Barlamaan, iyo 5 Madaxweyne. Hannaanka dowladnimada uu dalka qaatay ayaa ah ‘Hannaanka Barlamaanka’ [parliamentary system], taas waxay ka dhigan tahay in salka dowladnimaddu tahay Barlamaanka. Balse, nasiib darro, 4-tii Barlamaan ee ka horreeyey midka haatan jira, waa la hareermaray oo la awood-tiray dhammaadka muddo xiloodkooda. Kan haatan jira oo ah Barlamaanka 5-aad waxaa ku socda weerar, si loogala wareego awoodda sharci ee uu siyay Dastuurka.

Hardanka u dhaxeeya siyaasiyiinta waxuu ku qotomaa arrimaha doorashooyinka. Xukuumadda waxay dalbaysaa in la hirgeliyo doorshada uu dastuurka tilmaamayo oo ay ansixiyeen Aqallada Barlamaanka, dabadeedna uu saxiixay Madaxweynaha. Halka mucaaradka ay doonayaan doorasho waqtigeeda ku dhacdo, haddii ay taas suurtoggal ahayn, in la kulansiiyo madaxda maamul-goboleedyada, hoggaanka xisbiyada u diiwaangashan sida ku-meelgaarka ah, iyo xukuumadda, si ay go’aan uga gaaraan nooca doorashada.

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah labo garab ee isku haya siyaasadda Soomaaliya, waa maxay xeeladaha ay adeeggsanayaan si uu midba kan kale u wiiqo?

Inta badan siyaasiyiinta waxay siyaasadda soo galaan, iyagoo xambaarsan fikraddo iyo aragtiyo [ideologies and visions] ay u arkaan inay wanaajin karto nolosha dadka, islamarkaasna ay horumarin karto dalka. Taageerada uu siyaasiga ku dhex leeyahay shacabka waxay ku xiran tahay afar arrimood: (1) mugga iyo miisaanka ay leedahay fikradaha iyo aragtida uu soo bandhigayo, (2) jiritaanka minbar ama madal (platform) uu ku gudbin karo aragtidiisa, (3) haybad iyo aqoon uu ku kasban karo maanka shacabka, iyo (4) garshada xilliga ay aragtidiisa ka gadmayso codbixiyaasha. Professor Warren Bennis, oo qoray buuga “On Becoming a Leader” ayaa yiri “Hoggaamintu waa awoodda aragtida looga dhigo mid xaqiiq ah”.

Siyaasadda Xukuumadda:

Shirkii Aminga Qaranka Soomaaliya oo ay ka qayb-galeen dhammaan madaxada maamul goboleedyada iyo madaxda xukuumadda dhexe ee ka furmay Magaalada Baydhabo 4tii Juunyo 2018kii, ayay dhinacyada waxay heshiis siyaasadeed ku gaareen wadaagga kheyraadka iyo in doorashada heer federaal ee soo aadan noqoto mid qof iyo cod ah. Waxii intaas, ka dambeeyey ma wanaagsanayn wadashaqeynta labada dhinac, waxaana la rumaysan yahay in go’aanka xukuumadda ay ka qaadatay khilaafka khaliijka uu saamayn weyn ku yeeshay xiriirkoodda.

Xukuumadda waxay xoojisay awoodda Baarlamaanka, waxay horgeysay sharciga wadaagga kheyraadka iyo kan doorashooyinka. Aqallada Barlamaanka waxay meelmariyeen labada sharci iyo xeerar badan oo muhiim ah.

Waxaa xigtay in guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal loo xilsaaray inay soo diyaariyaan afar xeer-kaabe oo khuseeya Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kala ah: (b) Asteynta kuraasta Baarlamaanka, (t) qoondada haweenka, (j) qaabka doorashada kuraasta Somaliland, iyo (x) metalaadda Gobolka Banadir.

Waxaa xusid mudan, in furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka codsaday xildhibaannada inay oggolaadaan inuu metelaad helo Gobolka Banaadir.  Dadka siyaasada Soomaaliya ku fooggan waxay rumaysan yihiin in ciyaar siyaasadeed oo xirfad heer sare leh, ahayd in la isku beeggo u ansixinta 13 xildhibaan oo wakiil ka ah Gobolka Banaadir inuu ku yeesho Aqalka Sare, iyo hadal-jeedinta Guddoomiyaha GDMQ Marwo Xaliimo Yarey.

Mudane Yuusuf Garaad ayaa ku qoray bartiisa twitter-ka sidan “ isku beegidda ama isku beegmida labada ajende ee Baarlamaanka Somalia ee shalay iyo falcelinta ka timid waxaa cashar wanaagsani ugu jiraa inta taqaan ama barata ‘Strategic Communications’. Siyaasiyiinta iyo ganacsatadana waxuu tusi karaa faa’iidada adeegsiga Strategic Communication

Go’aammada uu gaaray Golaha Shacabka waxay ahayd “Bambo” ku dhex qaraxday Isbahaysiga Mucaaradka! Durbadiiba waxuu kala irdheeyay mucaaradka isku-bahaystay wiiqidda siyaasadda xukuumadda. Xildhibaan Cabdulkadir Cosoble, ayaa fadhiga Barlamaanka hortiisa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-Wasaare Kheyre, go’aanka ay ku dhiirradeen oo ah inuu metalaad yeesho Gobolka Banaadir.

Ansixinta metalaadda Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare, waxaa soo dhaweeyey Hoggaanka Madasha Xisbiyada Mudane Xassan Sheikh iyo Mudane Sheikh Shariif, waxaase ka biyo-diiday Mudane Saciid Deni, iyo Senator Faroole, oo loo maleynayay inay jaal-siyaasadeed ahaayeen Hoggaanka Madasha Xisbiyada. Go’aanka Barlamaanka waxuu dhaliyay in Puntland iyo Jubbland diidaan ka qayb galka Shirka Amaanka Qaranka, kaasoo looga hadli lahaa arrimo khuseeya doorashada.

Waxaa intaas dheer, in furitaanka kalfadhiga 7aad iyo dhagaysiga hadal-jeedinta Marwo Xaliimo Yarey lagu soo beegay toddobaadkii sanadguurada 60-aad ee xornimada Soomaaliya, weliba xilli ay xukuumadda xarigga ka jaraysay dib-u-dhis lagu sameeyey dhismayaal dowladeed iyo waddooyin ku burburay dagaalladii sokeeye. Muran kama taagna in xilligaas uu ahaa waqtiga ugu habboon oo ay xukuumadda ay ka gaddi karto siyaasaddeeda shacabka!

Siyaasadda mucaaradka:

Mucaaradka waxay ka midaysan yihiin, oo keliya in la ligliga xukuumadda si ay talada dalka dhexda u soo dhigto, meeshana looga saaro awoodda Barlamaanka, iyo tan GDMQ. Waxay si wadajir ah u qaadeen tallaabooyin ay ka mid ahaayeen: (1) taageerida aqoonsiga doorashadii mugdiga iyo fadeexada hareysay ee Jubbaland, iyo weliba inay madal wada fadhiistaan shisheeye duullaan ku ah dalka,  (2) taageeridda kooxdii Jid iyo jiho diidka ahayd ee Ahlu-Sunna, (3) waxay dalbadeen in dalka laga saaro ciidamada Itoobbiyaanka dheeriga ku ah howlgalka AMISOM, iyadoo la iska indho-tirayo kuwa Kenyanka ah ee dheeriga ku ah AMISOM.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada waxay eed u jeedisay Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyagoo ku waafaqay Kenya “inay NISA xiriir la leedahay Al Shabaab” iyo in Mudane Xassan Sheikh, iyo Mudane Sheikh Shariif, oo soo qabtay hoggaanka ugu sarreeya dalka ay abaabulaan shirar qabiil oo lagu majoxaabinayo dowladnimada Soomaaliya.

Dhamaan tallaabooyinka ay mucaaradka qaadeen waxay muujinaysaa inaysan lahayen aragti (vision) siyaasadeed oo ka saraysa heyb iyo deegaan gaar ah. Waana siyaasad aan wadaqancin karin inta badan. Waddamada reer galbeedka ay dimuqraadiyadda ka hano-qaaday waxaa ugu taageero yar xisbiyada xambaara afkaar gobol.

Siyaasiyiinta xukunka ku loolamaya waa inay jawaab u helaan labadan su’aal: (1) goorma ayaa awooda dalka lagu soo celinyaa” faraha shacabaka,” iyo (2) goormaa ayay siyaasiyiintu ixtiraami doonaan go’aanada ay gaaraan hay’adaha dastuuriga?

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments