Wednesday, December 6, 2023
Home Dib U Eegis Buug Taariikh Nololeedka Hassan Ghedi Santur

Taariikh Nololeedka Hassan Ghedi Santur

Qoraaga  magaciisa marka la adeegsado higgaadda af-Soomaaliga waa Xasan Geeddi Santuur.  Magacan ayaan u adeegsanaynaa taariikh nololeedkiisa iyo falanqayanta bugaagtiisa.

Xasan Geeddi Santuur wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar sannadka markuu ahaa 1976. “Waxaan ku dhashay Soomaaliya waxaanna usoo qaxay Kanada (Canada) markaan jiray 14 sano wax yar ka hor intuusan qarxin dagaalka [Sokeeye]” ayuu ka qoray noloshiida Xasan.

Xasan wuxuu ka dhashay qoys caan ah oo ballaaran lagana yaqaan gaar ahaan gobolka Banaadir iyo Shabellooyinka. Aabbihii mar wuxuu ahaa Duqa magaalada Jowhar, Shabeellada Dxexe.

Haddii uu ku gaaray afar iyo toban jir dalka gudihiisa laga yaabe  inuu kusoo dhigtay ilaa dugsiga dhexe dalka, inkastoo higgaaddiisa farta Soomaaliga ee qoraalladiisa aysan muujinayn. Haseeyeeshee, Xasan wuxuu shahaadada hore jaamacadeed (BA) ka qaatay Jaamacadda York, Toronto wuxuuna ku qaatay Suugaan Afka Ingiriiska  isla jaamacaddaas ayuu ka qaatay mastaraskiisa, MFA. Xasan wuxuu ka bartay saxaafadda Jaamacadda Coloumbia University, Graduate School of Journalism.

Xasan wuxuu ku nool yahay magaalada Toronto waana weriye-soosaare raadiyaha, gaar ahaan CBC oo ah raadiyaha qaranka ee Kanada. Xasan waa weriye, curiye iyo qoraa buugaag sheeko iyo dhacdooyin dhab ahba.

Buuggisa ugu horreyay wuxuu soo baxay 2010 waana sheeko (Novel). Buuggan ciwaankiisa waa: Something Remains, kaaso u dhigma: “Waxbaa Haraya.”

Buuggiisa labaad wuxuu noqday mid aan mala’awaal iyo sheeko ahayn balse ah qoraal la xiriira dhibaatada iyo kadeedka ay la kulmaan dadka Afrika kasoo qaxa oo gala qaaradda Yurub. Waa tebin murugo leh oo badanaaba uu dad uu waraysi kula yeeshay xerada haddeer la baabi’iyay oo ku magac-dheereed Keynta “Calais”; Calais waa magaalo ku taal waqooyiga dalka Faransiiska oo deris la ah Biritain. Buuggan magaciisa waa: Maps of Exile, “Maababka Musaafiriska”.

Buuggiisa saddexaad cinwaankiisa waa: The Youth of God, oo  u dhigma “Shabaabka Ilaahay” wa buggiisa labaad oo sheeko ah (Novel). Wargeyska Jamhuuriyadda wuxuu dhawaan akhristayaashiisa usoo bandhigi doona falanqayn la xiriirta buuggan oo ah buuggiisi ugu dambeeyay  oo ah bug aad loga xiiseeyay dalalka af Ingiriiska looga hadlo.

Xasan waa jiilalka sida tooska u adeegsaha baraha bulshada, wuxuuna leeyahy xisaab Tweeterka.

Xasan waa weriye khibrad aad u wanaagsan leh waxuuna maqaallo ku qoraa wargesyo caalami ah sida New York Times. Waxaa xusuus mudan maqaal oo qeybta Opinion 2018 oo uu kaga hadlayay cabsida iyo ammaandarrida ay ku nool yihiin maalin waliba weriyayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka hawlgala dalka gudihiisa. Maqaalka cinwaankiisa wuxuu ahaa: “I Can See You. How Will You Leave Hear Alive?” oo u dhiganta: “Waan kuu jeedaa; sideed uga baxaysaa halkan adigoo nool?” oo ahayd handidaad (hanjabaad) teleefanka loogu jeediya weriye caan ah oo Muqdisho ka hawl gala.

Isla sannadkaas, bogga Yahoo News wuxuu ku qoray maqaal aad u dheer oo la xiriira nolosha wiil isagoo 7 jir ah Al Shabaab ay ka xulatay dugsi Quraan laba sano oo tababar ah kaddibna diyaar u ahaa hawlgal (28.7.2018). Waraysiga wiilkan wuxuu Xasan sameeyay markuu wiilka jirsaday 17 sano oo uu kasoo cararay xerada ururka. Runtii maqaalka waa hawl saxaafadeed oo heer sare ah oo xambaarsan xog fara badan oo la xiriirta habka ururkan uu xusho, u tababbaro, u hawlaggeliyo kurayadan iyo habka loo carbiyo iyo habka xerooyinka loo maamulo. Cinwaanka maqaalka oo ku jira Yahoo News waa: “Surviving Al-Shabaab: The Boy who escaped the most ruthless terror group.” “Wiilkii Ka badbaaday Al- Shabaab: [Qisada] Wiilka kasoo goostay koox xagjir ah, aad u naxariis daran.”

Waxaa nasoo gaartay in Xasan uu ku hawlan yahay buugga sheekadiisa (Novel)  ee saddexaad oo noqon doono buuggiisi afraad. Buugaagtiisa dhammaan Xasan waxay noqdeen kuwa aad looga faallooday aadna loo jeclaaday. Qaarna uuba ku mutaystay abaalmarin.

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments