Saturday, October 31, 2020
Home Siyaasadda Ciyaarta Doorashooyinka oo Isbeddeshay: War Jiraaba Cakaaruu Iman!

Ciyaarta Doorashooyinka oo Isbeddeshay: War Jiraaba Cakaaruu Iman!

Xilligii doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ayaa la gudaggalay, taas oo lagu xoojinayo nidaamka dowladnimada ee ku dhisan dimoqraaddiyada loo dhan yahay. In muddo ahba hoggaamada axsaabta mucaaradka ayaa ku dhaliilayay xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Khayre in aysan daacad ka ahayn doorashada, taas oo sii kordhisay tuhunka laga qabo muddo kordhin.

Balse, Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre oo guddoominayay shirkii Golaha Wasiiradda DFS ee July 9, 2020 ayaa yiri, “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah muddo kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur” (Sonna 09/07/2020).

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo baaqa Ra’iisul-wasaaraha akidaya ayaa isna yiri, “waxaa lagama maarmaan [ah] in aan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgeliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin” (Sonna 09/07/2020).

Warbaahinta maxalliga ah iyo raadiyeyaasha shisheeye ee afka Soomaaliga ku tebiya wararka ayaa isku mashquuliyay falanqeynta iyo tarjumaadda ujeeddada ka dambeyso ereyada fartiinta Khayre iyo Farmaajo. Waxayse dhammaan seegeyn inay fahmaan dulucda fartiinta siyaasadeed ee ay xambarsan tahay.

Haddaba aanu isweydiinee haddii xukuumadda la soo taagan tahay “muddo kordhin ma dooneyno,” oo uu Guddigii Madaxabannaa ee Doorashooyinka Qaranka – GMDQ caddeeyay in doorashada “biometric” aysan suuraggal ahayn inay ku dhacdo waqtigeedii halkee loo socdaa?

Waxaa muuqata in ciyaartii doorashooyinka isbeddeshay oo ay waji cusub yeelatay. Doodda doorashooyinka asxaabta badan ee aan tixgelinayn in awoodda xulashada nooca doorashada ay leeyihiin xildhibaanadda BFS waa dood qiyaali ah. Haddaba shirka madaxda maamul-goboleedyada ee Dhuusamareeb waxaa looga fadhiyaa inay taageeraan doorashada qof iyo cod lana yimaadaan hindiso amni oo ay xukuumada kala shaqeyn karto.

Waxaase marqaati ma doonta ah in axsaabta mucaaradka iyo madaxda maamul-goboleedyada qaarkood ay ka gudbi la’yihiin in doorasha “Qof iyo Cod” aysan qabsoomi karin, walow aysan diiddanayn inay tahay waajib Dastuuri ah in afartii sanadoodba mar dalka ka dhacdo doorasho inta xilhaynta Golayaasha Qaranka (fulinta iyo sharacidejinta) aysan dhicin.

Waxayse ku doodayaan in doorashadii 2016 ahayd in lagu qabto habka metelaad buuxda (hal qof iyo hal cod) ay suurtaggeli weyday, taas oo kalliftay in la dhaqan geliyo doorasho dadban sida maanta loogu baahan yahay maadama aan doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karin waqtigeedii.

Daliilka dooddaas waxaa burinaya in xilligaas uusan dalka ka jirin “Sharciga Doorashooyinka Qaranka” oo dabraya cid kasta oo isku dayi lahayd in mid dadban ay dhoodhoobto. Weliba fartiimaha baaqa Farmaajo iyo Khayre waxay soo afjareen doodda doorasho aan demoqraadiga ahayn ee ka dhacda meel ka baxsan baarlamaanka.

Dhinaca kale, 45 Xisbiyada Siyaasadeed oo ay u hadlaysay xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay “inay diyaar u yihiin doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda waqtigeeda.”  Isku[na] raacsan yihiin inay “ku galaan nidaamka diiwangelinta iyo codeeyntu isku marka yihiin, kaas oo ah midka keliya ee suuraggelin kara doorashada inay ku dhacda waqtigeed.” Intaas waxay raacisay “inaysan oggolaan doonin doorasha kasta oo baalmarsan dastuurka iyo shuruucda dalka sida ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka Qaranka.”

Haddaba haddii aan la baalmareyn dastuurka iyo shuruucda dalka lana doonayo in la hirgeliyo doorashooyin waafaqsan matalaad buuxda kuwaas oo ay ka qaybgalaan inta ugu tirada badan muwaaddiniinta codeeysa (ilaa 3 malyan), ikhtiyaarka keliya ee jira waa in baarlamaanka kala xusho diiwaangelinta “gacanta ee isla maalinta codbixinta,” taas oo qabsoomi karto bisha March 2021 amase tan “biometric” oo ah midda sharciga doorashooyinka farayo kuna dhici karto July 2021.

Si looga fogaado kala qaybsanaanta siyaasadda loona xoojiyo dhismaha midnimada qaranka waxa shardi ah in  baarlamaanka uu dhammeystiro xeernidamiyeyaasha horyaal ee doorasho qof iyo cod, si loo galo iyadoo heshiis lagu yahay.

War iyo dhammaantii doorashada la filayo waxay tahay midda dimoqraadiyadda xisbiyada badan, oo awoodda sharcidejinta iyo tan madaxweynahaba layskugu wareejinayo musharrixiin la soo doortay nus qarni ka dib. War Jiraaba Cakaaruu Iman!

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Shaxda Isu Been Guurka Siyaasiyiinta Soomaaliya Maxay Riman Tahay!

Toddobaadkii dhowaa ayaa Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada oo u muuqda in loo qaabeyay kocbinta sumcadda madaxtooyada, si loo...

Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu Ka Leeyahay Kenya

Arbacadii September 30, 2020 ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron magaalada Paris. Safarka oo ku soo beegmay...

Doorashada Soomaaliya Ma Saamayn Doontaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

Ka dib markii uu fashilmay hiigsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku doonayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, dalka...

Markii Ugu Horreysay oo ay Haweeney Hoggaamin Doonto WTO

Hannaanka xulashada Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Addunka WTO ayaa galay wareeggii ugu dambeeyay. Toddobaadkii dhawaa ayaa jagada oo ay u taagnayeen...

Recent Comments

%d bloggers like this: