Dib Ugu Noqoshada Xulasha Qabiil: Waa Baarlamaanka Albaabbada Ha Loo Xiro!

Shirkii hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ka furmay 9kii Luulyo 2020, magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo gabagaboobay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre lagu casumo wadatashiga. Taas oo ay ​u riyaaqeyn qaar ka mid shisheeyaha daneeya Soomaaliya, iyo qayb ka tirsan xisbiyada mucaaradka. Halka go’aammada Dhuusamareeb ay walaac ka muujiyeen tiro kale oo asxaab siyaasadeed ah.

Qodobka sida weyn loogu kala qaybsamay ayaa ah in “doorasho qof iyo cod ah aysan xilligan ka dhici karin dalka, loona baahan yahay in hannaan kale laga wada-tashto.”

Haddaba aanu isweydiinnee yaa iska leh awoodda sharci dejinta dalka, yaase wax ka beddeli kara haddii loo baahdo shuruucda doorashooyinka?

Inta aanaan doodda awoodaha iyo sida ay ugu kala qeybsan yihiin aanaan gudaggelin, waxaannu si kooban dib u eegi doonnaa geeddi​-socdkii uu soo maray hindiso sharciyeedka doorashada qof iyo cod, si aannu uga wada dheregno mas’aladda.

Sharciga dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa diyaarintiisa lahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka ee uu Wasiirka ka ahaa Mudane Cabdullahi Goodax Barre xilligii Ra’iisul-waraare Cabdiweli Skeekh Axmad Maxamed, kaas oo hindisa sharciyeedka u gudbiyey Baarlamaanka 11kii Nofeembar 2014. Sharcigaas (LR.04/2015) waxuu dhaqan galay 4tii Abriil 2015 kaddib markii Madaxwaynaha Xasan Sheikh Maxamuud uu saxiixay. 

Xukuumaddii Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ma raagin waxaana xukunka la wareegay Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke oo January 25, 2015 u magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Wasiir Cabdiraxman Maxamed Xussein Odowaa.

Nasiibdarro, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxuu xilka wareejiyay February 2017 iyadoo sharcigii doorashada qof iyo cod ​ku raagay xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha muddo ku dhaw 22 bilood.

Xasilloonida​rradii siyaasadda ​Maamulkii Madaxweyne Xassan Sheihk oo sababatay in seddax ra’iisul-wasaare muddo afar sanadood ah xilka isku-wareejiyaan ayaa  sababay maqnaashaha raadraac la’aan qumman oo loo aanaynaayo dib u dhaca hindisa-sharciyeedka.

Waxaa hawlihii ka socday Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federalka iyo Dib u Heshiisiinta DFS loo xilsaaray 21kii Maarso 2017 Wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa). Balse sagaal bilood kaddib (4/04/2018) Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday mudane Cabdi Farax Juxa iyadoo hindiso sharciyeedkii uu sideedii qabyo u yahay.

Muddo sanad ku dhow (Abril 2018) ayaa xildhibaan Maxamed Sheikh Cusman Jawaari si rasmi ah isaga casilay xilkiisii kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf ka dhex taagnaa xukuumadda Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS kaas oo saameyn weyn ku yeeshay habsami u socodka hawilhii qaranka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federalka iyo Dib u Heshiisiinta DFS Inj. Cabdi Maxamed Sabriye oo xilka la wareegay Abril 2018 ayaa dardargeliyay ​qabyo-tirka sharci hindiseedkii doorashada qof iyo cod una soo gudbiyay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha DFS inta uusan dhammaan sanadkii 2018.

Balse, Golaha Wasiirrada ayey ka qaadatay ilaa 5tii Abril 2019 si uu sharci hindiseedka ugu gudbo BFS, taas oo loo aaneynayo khilaafka u dhaxeeyay xukuumadda iyo maamul-goboleedyada oo heerkii ugu xumaa gaaray, naafeeyayna wadatashigii xukuumadda ay la sameyn lahayd madaxda maamul-goboleedyada si loo qabyo-tiro hindise-sharciyeedka doorashada qof iyo cod.

Baarlamaanka FS​ ayaa gacanta ku hayey in ku dhow 10 bilood sharci​ga, inkastoo akhriskii 1aad uu maray 20kii Abril 2019. Waxaa soo ifbaxday in hindise-sharciyeedka uu u baahnaa dibuhabeyn, balse sida ka muuqatay doodaha golaha, xildhibaannada mucaaradka ah ayaa ka sinnaa aragtida ah in doorasha “Qof iyo Cod” oo xor ah aysan dhici kar​in. 

Si kastaba ha ahaate, Golaha Shacabka waxuu ansixiyey sharciga 28kii Diseembar 2019 iyadoo Aqalka Sarena uu ansixiyey 8dii Feberaayo 2020. Markaas kaddib ayuu sharciga doorashada qof iyo cod ku hirgalay saxiixii Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee 21kii Feberaayo 2020.

Haddaba go’aanka Dhuusamareeb ee madaxda maamul-goboleedyada, muxuu ka beddeli karaa sharciga doorashada qof iyo cod? Xaqse ma u leeyihiin kala xulashada nooca doorashada dalku ay noqon doonto?

Dastuurka dalka waxuu kala qeybiyay awoodaha golayaasha qaranka (fulinta iyo sharcidejinta). Dalka sharci dejintiisa waxaa iska leh Baarlamaanka FS. Golaha fulinta waxuu leeyahay inuu dhaqan geli​yo s​haruucda uu BFS ansixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyaddana uu saxiiyay.

Sidaas darteed, golaha wasiirrada iyo madaxda maamul-goboleedyada waxay ​ka wada tirsan yihiin Golaha Fulinta Qaranka, ​balse waxay ku kala sarreeyaan mas’uuliyadda iyo maamulka.

Inkastoo, eedda dib-u-dhaca sharciga doorashooyinka la isku tuur-tuuro, misna waxaa xaqiiqo ah in Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) uusan wax lug ah ku lahayn, walow hardanka awoodda ee u dhaxeeya xukuumadda dhexe iyo maamul goboleedyadda uu marar badan culays ku noqday in horumar laga sameeyo siyaasadda.

Intaas waxaa dheer, in shisheeyaha faraggelinta ku haya dalka saameyn lixaad leh ku leeyihiin cagajiidka siyaasiyiinta, si Soomaaliya aysan hore ugu dhaqaaqin oo ay ka qabsoomin doorasho dimoqraaddi ah oo qof iyo cod ah, maadaama si dadban iyo si toosba ah u saamaynayso danahooda gurracn ee dimoqraadiya diidka ah.

Haatan, xaalka waxuu taagan yahay in la kala doorto labo dhabbo:  In sidii caadada ahayd albaabbada laysugu dhufto Baarlamaanka FS, la oggolaado faraggelin shisheeye dibna loogu laabto “Madal iyo Road Map,” amase in la ixtiraamo sareynta qaanuunka, oo go’aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka looga dambeeyo Baarlamaanka FS. Waxaa xusid mudan in labaduba u baahan yihiin waqti dheeri ah (muddo kordhin farsamo).

Garabyada siyaasadda ku loollamaya, waa inaysan duudsiin xaqa muwaaddinka u leeyahay inuu doorta shaqsiyaadka ku matali lahaa maamulka dalka heer deegaan ilaa heer qaran. Waxaa xadgudub cuqubo heer caalami ah lagu mutaysan karo ah, in la horistaago in muwaaddinka uu si xur ah wax u doorto.

Ibnu Khaldoun (Faylasuufkii Muslimka ahaa ee ku noolaa Spain) ayaa yiri “Dowladdu waa hay’ad ka hortagta caddaalad darrada.” Sidaa daraaddeed, madaxada haatan dalka ka talisa waxaa mustaqbalka lagula xisaabtami doonaa dhaqamadooda.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

One comment

Leave a Reply to Kheyre oo Ka Haray Baskii Nabad iyo Nolol! | Somalisan.com Cancel reply