Dhacdooyinka sheekada (The Youth of Good, Hassan Ghedi Santur, Mwenzi House Publisher, Toronto, Ca 2019 – 2nd Edition, Novel, 208 pages) badidooba waxay ku kooban yihiin magaalada Toronto, Kanada (Canada) waxayna khusayaan dad ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan.
Jilaaga kowaad oo ay sheekada ku socoto waa Nuur, arday dhigta sannadka ugu dambeeyo ee dugsi sare himiladiisuna tahay inuu jaamacd dhigto. Maaddada uu ugu jecel yahay waa Bayoloji. Nuur wuxuu ka dhashay qoys Soomaali ah labadiisa waalidba waa reer magaal, waxayna leeyihiin laba wiil: Nuur iyo Ayuub. Aabbe (Ismaacil Faray) waa injineer naqshadaynta guryaha, haddese waa taksiile, hooyana (Xaawo) waxay ahaan jirtay hostees Somali Airlines.
Cilmi (Bashiir Cilimi) waa baraha Nuur oo dhiga Bayolojiga. Cilmi wuxuu ku taami jiray inuu Dhakhtar noqdo xagga guurkana gabadh uu jecayl dhab ah la wadaagay inuu guri la galo. Haseyeeshee, duruufa awgood dhakhtar ma noqon wuxuuna guursaday gabar uusan weligiisa arag (Khadija) oo aan dugsi dhammayn oo uu adeerkiis usoo xulay.
Cilmi waa bare waxbarista iyo inuu saamayn wanaagsan ku yeesho nolosha da’yarta habawsan jecel. Ardadiisa oo Soomaali u badan fariid iyo maggudbaba way ixtiraamaan. Cilmi wuxuu dareemay Nuur inuu yahay wiil, fariidnimo ka sokow, uurkiisa xanuun iyo tiiraanyo kuu aasan yiihiin wuxuuna jeclaan laha inuu wax ka qabto.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nur la dagaalay wiil gardarro ku daandaansaday. Kolka hore Nur dhulka ayaa la dhigay kaddib ayuu kursi la dhacay James oo aad uga tabar roonaa. Kaasoo madaxa dhaawac halis ah ka gaarsiiy. Nuur dugsiga ayaa laga eryay. Cilmi wuxuu ku dadaalay inuu wax la qabto Nuur haseeyeeshee, ma uusan ku guulaysan, sababtoo ah inkastoo qoyska dhibbanaha aysan dacwoon haddana Maamulaha dugsiga ayaa naxriisdarro muujiyay.
Nuur adduunkiisa ayaa daba gaddoomay. Waxaa kasii daranayd aabbihii ayaa aad u carooday gacanna u qaaday Nuur misna guriga hoyadii ka eryay. Nuur wuxuu ka xumaaday in hooyaadii ay ku dhici waysay inay saygeeda ka dhiciso wiilkeedi baarriga ahaa. Maalin labaaddii ayay go’aan adag gaartay oo ninkii awalba furay god kalena yeeshay ayay ka eriday gurigeedi. Nasiibdarro, go’aankeedaani wuu soo daahay sababtoo ah Nuur wuu ka tagay aqalka mana ogaan doono go’aankeeda. Nuur wuxuu ku tagay isagoo ka niyad jabsan hooyadii oo uu u arakay sidatan: “Waxa ka haray [qoyskiisi] waa hooyo laashay qabweynigeedi iyo sharafteedi isu dhiibtay aabbe oo horey udayriyay oo naagaha saxiibbadiisa isagu beddela sida sigisyada.”
Nuur wuxuu ka helay miciin imaamka masaajidka. Imaam Yusuf wuxuu ku boorriyay Nur inuu fal suubban ku kacay oo nin ka gardarnaa abaalkiisa mariyay, wuxuuna geeyay guri afar wiil oo kale ay deggan yihiin. Wiilasha waxay gurigan ka helaan cunto iyo hoy waxayna ku daawadaan muuqaallo dagaal ururrada islaamiga ah gaar ahaan Al Shabaab.
Mudda ka yar laba bilood isaga iyo wiil kale (Maxamed) waxaa loo qaaday Kenya halkaasoo ay ka galeen Soomaaliya kaddibna Baydhabo si ay ugu biiraan Al-Shabaab. Qoorshahan waxaa ka shaqeeyay imaamka walow bahda maasaajida uu ugu muqday qunyarsocod marka la dhagaysto khubdahiisa iyo wacdigiisa.
** ** ** ** **
Buugga Xasan Geeddi oo la magac baxay The Youtrh of God “Shabaabka Ilaahay” oo ah magaca ururka Al-shabaab uu ku tilmaamo da’yarta yaraantooda xerroyinka tababarka iyo carbinta ugu jira, wuxuu ku qoran yahay tiraab loo adeegsaday af-Igiriis qurux badan uusan akhistaha joojin karin habka xirfadaysan ee xiisaha leh oo u qoran yahay awgeed.
Jilaaga sheekada Nuur wuxuu isla markiiba soo jiidanayaa indhaha iyo maanka akhristaha, sababtoo ah waa arday fariid ah, wiil baarri ah, waqti salaadeed uusan dhaafin, qamiis iyo koofiyad lebbista, Quraankana ka barta imaamka masaajidka.
Dhawr maalmood kaddib maalinti aabbihii uu ka cayriyay guriga, markii uu Nuur ku soo noqon waayay gurigoodi ayaa hooyo Xaawo oo kaashanaysa barihiisa Cilmi ay baadiggob ku dhaqaaqeen. Waxay Nuur ka raadiyeen meel kastoo la malaysan karay, balse wiilka bartiisiba waa la waayay. Waxay ka daydayeen xitaa baraha booliska, hay’adda sirdoonka Kanada, masaajidka balse imaam Yusuf wuu dafiray halka uu ku sugan yahay Nuur. Hooyo Xaawo kaddib marka ay ka war heshay in Nuur uu Kenya u dhoofay waxay la tashatay wiilkeeda Ayuub waxayna go’aansadeen inay Nuur ka baadiggoobaan Soomaaliya. Dabcan, Ismaaciil Faray oo minyaradiisa la deggan Minnesota isma lurin mana ka qeyb qaadan badiggobka wiilkiisa oo bartiisa la la’ yahay.
Sheekadu dadkaan kor ku xusan mooyee dad kale oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Toronto ayay taabanaysaa. Qoraaga mar waliba wuxuu ina tusayaa in Soomaalida deggan Toronto xubnaha qoysaskooda ay ku kala firirsan yihiin afarta jiho ee adduunka shantiisa qaaradood laga billaabo Kenya ilaa New Zeland iyo Australia. Wuxuu Xasan na dareensiinaayaa tafaraaruqa ku dhacay ummadda Somaaliyeed oo uu sababay dal-burbukii ka dambeeyay dagaalka sokeeye.
Waxaa kaloo ka muuqda buugga in da’yarta ku kortay Kanada kun caqabdood ay horyaallaan, kuwaasoo u diidaya inay nolol deggan oo mustaqbal wanaagsan leh ku noolaadaan. Caqabadahan waxaa ugu horreey takoorka ku salaysan midibka diirka iyo nolosha saboolnimo oo ay waaliddintooda ku sugan yihiin.
Da’yarta waxay isbeddel ka deyaan ku biiridda kooxaha mooriyaanta (gangs) faraha badan iyo inay wax ka dayaan maandoriyiyaasha ku baahsan waqooyiga Maraykanka. Soomaalidii nolol ka doontay dalalkaas hodanka ah waxaa ka hor yimid balaaya kale oo dalalku hodan ku yihiin oo ubadkoodi rogay iyagana u diiday nolol wacan oo deggan.
Qoraaga wuxuu kalo na tusaayaa in raggii Soomaaliyeed, xita kuwoodi aan lagu tilmaami karin waxmagarato ama waxbarasho soo dhammeeyay inaysan dhumin ama ka korin caadooyinkii dibjirka ahaa ee qoys-dumiska ahaa. Waxaad mooddaa inay ka caageen keliya kuuwii suubbanaa oo ay Soomaalidu isir u leheyd. Xasan wuxuu nasoo hordhigayaa fashalka Nuur aabbihiisa oo ku takrifalaya qoysikiisa, ubadkana dil mooyee aan wax ka korinayn misne gododle ah. Waxaase fara ku tiris ah inta Cilmi la mid ah oo xaaskooda iyo qaraabadooda iyo bulshada inteeda kaleba u roon.
Xasan Geeddi waxaad moodda inuu nagu duwayo bulshada jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurba joogga ah, gaar ahaan tan Kanada, oo dhinacya badan uu naga tusaayo noloshooda iyo mashaakilka qoysaskooda haysta, sida qoyska Cilmi, qoyska Nuur, iwm, iyo jarribaadda ubadkooda haysata. Waxaad mooddaa inuu nagu duwayo isbarbadhigga jiilalkii hore oo dalkii iyo dhaqankiisa weli xussusta iyo jiiklalka dambe oo aan dalka arag hiddiihiisa iyo dhaqankiisana aqoon u leheyn.
Meesha uu buugga uu ka gaabiyay waa inuu akhristaha u daayay inuu keligiisa garto sida wiil waxbarashada fariid ku ah, edebta ku idlaatay, iimaan iyo akhlaaq aysan ku yarayn, aqoon ka sarraysa qeyrkiisa leh muddo bil iyo maamlo gudahooda uu u doortay inu ka tanaasulo himilihii uu lahaa, inuu ku takhasuso daweynta maskaxda, oo uu doorto wadda aad khatar u ah.
Xasan walow uu isku dayay in cutubyada 18 iyo 20 barkooda wax naga tuso haddana aad ayay u adagtahay inuu intaas ku qanciyo akhruistaha. Malahaa Xasan ma dareemin in akhistaha uu ka filaayo qancin intaa ka badan looga baahnaa gaar ahaan marka la eego waayaarganimada, aan la inkiri karin, uu ku leeyahay dhaqanka iyo tabaha ururkaas oo uu horey daraasad ugu sameeyay. Ma aha wadda ruux Nuur la mid ah uu ku dooran karo si fudud kaddib markuu fiirsado dhawr muuqaallo oo uu dhagaysto dhawr muxaadaro ee imaamka oo ay hawshiisaba ka badan tahay.
Haseyeeshee Xasan Geeddi Santuur waa qoraa aqoon, waayaarganimo, karti, iyo hibo (talent) ay ku idlaadeen waxaana hubaal ah in Xasan ay ka horreyso waddo wada guul miiran leh. Qof kastoo buugaagtiisa iyo qoraalladiisa akhristayna wuxuu dhararsan yahay inuu fursad u helo qoraalladiisa soo socda.
Axmed Qaasim Cali