Thursday, June 1, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Oradyahan Soomaali oo Jabiyay Rikoodka Ciyaaraha Fudud ee Kanada

Oradyahan Soomaali oo Jabiyay Rikoodka Ciyaaraha Fudud ee Kanada

Maxamed Axmed oo u dhashay Soomaali kana qaaday bilad naxaas ah (bronze medal) horyaalkii oradada adduunka ee Roma 2019, billadaas oo ahayd tii ugu horreysay ee uu ku guuleysto tartame Kanadian ah ayaa markale habeenkii Jimcaha July 10, 2020 u dejiyay masaafada 5000m rikood cusub kaddib markii uu ku rooray xawaare dhan 12:47:20.

Maxamed waxuu noqday ninkii 17aad ee tartanka orodada 5000 mitir oo ku orda 12:50 ilbiriqsi ka hoos, taas oo ku hantay noqoshada lambarka 10aad ee adduunka oo dhan. Maxamed oo la hadlayay warbaahinta ayaa yiri “tartanka waxuu ahaa mid walwal badan.” Inkastoo uu si xawli ah u orday, haddana waxuu yiri “waxay aheyd sanad adag.”

Waxuu horumar la taaban karo ka sameeyay tartanka orodada 5000m ee waqooyiga Mareykanka oo ka dhacay magaalada Portland ee gobolka Oregon (US). Waqtiga uu ku ordayay waxuu ahaa midkii ugu dhakhsaha badanaa abidkiis geyiga waqooyiga Mareykanka. Waxuu lix ilbiriqsi ka hoos maray kii Bernad Lagat ee qaarada u degsanaa tan iyo 2011 iyo kii Maxamed Farax (Mo) ee 2012kii oo ahaa 12:56:98 ilbiriqsi.

Maxamed Ahmed waxuu ku dhashay magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxuuse ku koray dalka Kanada oo uu yimid isagoo 11 jiray ah. Dunida lagama aqoon tartankii Doxa (Qadar) ka hor, kaas oo uu ka galay kaalinta 3aad. Maxamed waxuu isku diyaarinayay inuu ka qaybgalo “2020 Tokyo Olympic” intaan dib loo digin cudurka covid-19 awgiis.

Tartanka waxaa soo qaban qaabiyay kooxda tababarka xirfadeed “the Bowerman Track Club” oo uu ku biiray 2015ki. Tababarda kooxdaas awgeed ayuu ugu soo guuray dalka Mareykanka magaaladda Portland oo ah hooyga shirkada Nike, in badan oo ka mid ah orodyahanada wanaagsan ee waqooyiga Mareykankana ay deggan yihiin.

Tababarihiisa Jerry Schumacher oo ka hadlayay ayaa yiri, “Waxuu arkaa waxyaabaha uu sameyn karo. Wuu ogyahay halka uu doonayo inuu gaaro. Waxuu doonayaa inuu ugu kormaro [cayaartooyda] garoonka” (Oregonlive 09/01/2019). Bil ka hore ayaa xulka ciyaaraha fudud ee Kanada u aqoonsadeen inuu yahay ordaa waxqabad fiican waxayna siiyeen billadda Cal D. Bricker Memorial Trophy (CBC Sport 11/07/2020).

Sanad walba tartamada horyaallada dunida (cilmi, suugaanta, isboortiga, siyaasadda, diinta iwm) waxaa ka soo ifbaxay halyey Soomaaliyeed oo qatooxi ku ah dunida dacaladeeda.

Burhan H Rooble

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments