Shirka wadatashiga madaxda Qaranka iyo Hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb ayaa qarka u saran inuu fashilmo, kaddib markii dhinacyada wadahadlaya ay isu-tanaasuli la’yihiin. Ilo-xog ogaal ah, ayaa sheegaya in Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ku adkaysteen in dalka loo jiheeyo doorasho dadban, halka madaxda xukuumadda ay doonayaan in la hirgeliyo doorashada dastuurka uu cayimayo!
Walaaca ay qabaan Mudane Saciid Deni iyo Mudane Axmed Madoobe ayaa ah, in hirgelinta sharciga doorashada fursad muddo korodhsiimo siinayo xukuumadda, taas oo ka dhigan inay fursad soo laabasho ay siiyeen Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre. Halka, madaxda xukuumadda doonayso inaysan dayicin fursad kasta oo sharciga iyo dastuurka siinayso, si ay u sii joogaan, ama u soo laabtaan.
Awoodda maamulka dalka waxaa in muddo ah ku hardamayey Golaha Fulinta heer fedraal iyo heer maamul-goboleed. Kala eed sheegasho, dacaayado iyo awood sharci, maamul, xitaa mid ciidan ayay labada dhinac isu adeegsadeen, taas oo keentay inuu xumaado xiriirka islamarkaasna kalsoonida dhimato.
Xeeldheerayaal dhanka siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan, in ololaha xawliga ku socda ee furashada axsaabta gudaha Maamulka Puntland ay calaamad u tahay u diyaargarawga doorashada qaranka ee soo socota, inkastoo madaxda Puntland ku tilmaameen mid la xiriirta doorashada maxalliga ah. Balse, su’aasha ayaa ah maxaa ku soo beegay waqtigan oo uu tegista Garoowe Guddoomiye Cabdi Xaashi!
Madaxda federalka waxay doonayaan, in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ay mid waliba goonidiisa ula galaan heshiis, maadaama ay daruufahooda kala duwan yihiin! Waxaana suurtaggal ah, in Madaxda Federalka iyo Axmed Madoobe wax isku-afgartaan, balse ay adkaato inay qanciyaan Saciid Deni.
Ilo ku dhow shirka, ayaa sheegaya in liiska dalabka Deni uu wato ay liqi la’ yihiin Farmaajo iyo Khayre. Waana midda keeni karta inuu shirka Dhuusamareeb ku soo dhamaado natiijo la’aan bacdamaa go’aannada kulanku lagu gaarayo hab Soomaaliga loo wada dhan yahay (consensus).
Sharciyaqaannada ayaa rumaysan in doodda nooca doorasho oo u dhaxaysa Golaha Fulinta heer federal iyo mid heer maamul-goboleed, aysan lahayn sal sharciyeed. Islamarkaasna aan laga gudbi karin caqabadaha noocan oo kale ah ilaa iyo inta la dhisayo Maxkamad Dastuuri ah.
Go’aan ka gaaridda arrimaha doorashooyinka waxii sharciyo ah waxaa iska leh Barlamaanka Federalka Soomaaliya (BFS), halka Guddiga Doorashada Madaxabannaan ee Qaranka uu leeyahay waxii farsamo ah (agaasinka iyo maamulida doorashooyinka). Doorka Golaha Fulinta heer federal iyo Maamul goboleed waxuu ku kooban yahay sugidda amniga goobaha codbixinta oo keliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, haddii uu oggolaado doorasho dadban, waxay horseedi kartaa in xildhibaannada Barlamaanka FS ay ka keenaan mooshin xil ka qaadis ah maadaama uu jabiyay qodob dastuuri ah, sida ku cad qodobka 92, farqaddiisa 1aad!
Dhinaca kale, aamuska Beesha Caalamka, waa calaamad muujinaysa sidaysan ugu qanacsaneyn dalabka Maamul-goboleedyada iyo aadista doorasho dadban (xulasho qabiil). Qaran iyo ummad waxay jiraan ilaa iyo inta ay ixtiraamayaan sharciga iyo xeerarka ay degsadeen.
Si aan uga hordhicin doodda shirka iyo natiijada shacabku sugayo, waxaa muuqata in Soomaaliya ay soo gaartay isgoys khatar ah oo iskaashi iyo wadajir mooye si kale looga gudbi karin.
Cabdulqaadir Cariif iyo Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.