Lix Sano Kaddib Dilkii Saada Cali Warsame

Jamhuuriyadda waxay ku xusaysa dilkeeda maqaalkan oo ay qortay gabar qoraa ah oo aad uu darastay nolosha, suugaanta iyo halganka halyay Saada Cali Warsame.

Dilka Saada Cali, oo ahayd gabyaa, heesaa, jilaa, halyay waddani ah, wuxuu ka dhacay Muqdisho 23kii Luulyo 2014, wuxuuna ahaa mid tiiraanyo iyo murugo leh oo si gaar ah u saameeyay dadweynaha oo idil gaar ahaan Soomaalida qurbaha ku nool.

Saada Cali waxay ku dhalatay degmada Buuhoodle 1950 waxayna u guurtay Minneapolis (Minnesota) dagaalki sokeeye dabadiisa. Waxay dalka dib ugu noqotay 2012 halkaaso ka ahayd xildhibaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaa dilkeeda durbadiiba sheegtay ururka Al-Shabaab.

Geerideeda waxay muujisay geesinnimada ay ku dhaqmi jirtay nolosheeda oo idil iyadoon marna ka daalin la dagaallanka musuqa, kelitaliska, iyo maquunada bulshada ay ku takoorto dumarka. Aragtida uu mujtamaca Soomaaliya ka qabo hobolka waa aragti laba weji leh; dhinac waxaad arkaysaa in hobolka la jecel yahay oo la koolkoolliyo halka dhanka kale lagu eego il quursi wadata.

Sikastaba, marka la eego nolol faneedkeeda waxay indhuhu qabanayaan adkaysigeeda oo marnaba wiiqmin, madaxbannaanida dowrkeeda gaarka ah,  oo ay weheliyaan kalsoonida ay ku qabto dowrka bulshadeed, hiddeed, iyo siyasaddeedaba.

Saada Cali waxay jecleyd masraxa iyo suugaanta waana qadiyad ay u quurtay xorriyadeeda. Markii ugu horreysay waxaa lagu xiray ka qaybqaadashada Silsiladdii Gabayada  Deelleyda oo curatay 1979 iyo 1980 oo ay ka qeybqaateen abwaannadii ugu caansanaa dalka waqtigaas. Inkastoo abwaannada ay ujeeddada silsiladda heshiis ku ahaayeen waxay ku kala duwanaayeen sababaha dalka soo gaarsiiyay heerkaas iyo halka uu jiro xalka. Qaar waxay ugu jeedeen in taliska uu yahay cidda ka mas’uul ah qabyaaladda yaacsan, qaar kalena waxay u saarinaayeen dibjirnimada bulshada iyo heerka dhaqaalaha uu dalka ku sugan yahay.

Nassibdarro, Saada Cali waxay ahayd gabadha qura ah oo ka qeyb qaadatay Silsiladda Deelley, iyadaana la xiray waxaana lagu eedeeyay in gabayada uu u soo dhiibeen Hadrawi iyo Gaariye. Eedaynta  waxay ku salaysnayd in Saada Cali aysan horey u gabyi jirin. Saada waxay u qaadatay in falkan uu yahay dhirbaaxo (dharbaaxo) lagu cabsiinayo dumarka inaysan ka  qeybqaadan doodda ka socota dalka oo saamayn weyn ku leheyd maamulka markaas dalka ka talinayey.

Markii lagu yiri Kacaanka inuu wax weyn ka qabtay sinnaanta dumarka iyo ragga, Saada Cali waxay ku jawaabtay: “Raggu wixii ay midigta ku siyeen dumarka ayay bidixda kaga qadayaan. Tallaabadii kacaanka ee  sinnaanta waa la goganayaa!” Waxaa la yaab leh in sagaal iyo  afartan (49) abwaan oo ka qeybqaatay Silsiladda Delley xabsiga loo taxaabay gabadha keliya  oo ka qeyqaadatay! Saada Cali Warsame waxay xirnayd lix bilood weliba iyadoo uur leh. Gabadhii ay uurkeeda lehayd markey xirneyd waxay u bixisay Xorriyo.

Dhawr sano kaddib Saada Cali waxay ka oggolaatay abwaan Cabdi Muxummud Amiin inay qaaddo heesihii Juubba iyo Laan-Karuusar oo si cad u ahaa laba qodob oo eedeyn culus loogu jeediyay taliska talada dalka hayay. Cabdi Muxummud Amiin ayaa laga hayaa inuu yiri  Saada Cali waxay noqtay hobolka keliya oo oggolaatay inay qaaddo Laan-Karuusa oo ay u bareertay khatarta ka iman karta go’aankaas. Cabdi Muxummud  dhawaannahaas ayuu cafis ugu  soo laabtay Dalka oo musaafiris lix sano uu dibadda ugu maqnaa kaddib markii maxkamad ay ku xukuntay dil isagoo dalka ka maqan.

Xuskii asaasidda Wasaaradda Warfaafinta 1989kii, Saada waxa ka qaadday Laan-karuusar Maxamed Siyaad Barre hortiisa.

Waraysi uu la yeeshay Telefishanka Darwiish (Part 2- 2010) Saada waxay ka faallootay wadciga foosha xun oo uu dalka ku sugnaa sanooyinkaas oo ahayd biyo iyo koronto la’aan, gobollada woqoyi oo uu ku faafay dagaal sokeeye iyo dawladda oo xitaa caasimadda si wanaagsan aysan gacanta ugu hayn.

Haseyeeshee, isagoo dalka uu xaalad deg deg ah ku sugan yahay dhan bulshadeed iyo dhan siyaasadeedba xubnaha maamulka dalka uu hammigooda qur ah uu ahaa inay helaan gaari Laan-Karuusar ah. Waxaa la yaab leh in habeenkaas ay heesta qaadaysay ay barxadda Golaha Madadaallada fadhiyeen wax ka badan boqol gaari oo wada Laan-Karuusar ah.

Maalintii xigtay waxaa Saada Cali Warsame laga soo xiray aqalkeeda. Iyadoo saraakiisha Nabasugidda ay wataan waraysigooda ayey Saada dalbatay in marwaxada la shido galas biya ahna la siiyo kulka aawadiisa. Markii la yiri biya ma yaallaan korontana way go’day ayay Saada tiri:  “Maxaad xabsiga iigu haysaan haddii waxii aan idhi ay run yihiin?”

 Erayadii heesta Lan-Karuusar ayaa waxaa ka mid ahaa:

Lanakruusar gado/ Gurigoo mugdi ah/ Biyuhuna go’een/ Gabannaduna jasheen/ Soomaalay u gaar/ Iyo gooni tahay/ Oo lagu gartaa/ Guuxiisa mood/ Gob inaad ku tahay/ Geeska Afrikoow.

Intay Saada xabsiga ku jirtay waxaa dhacay in heestii suuqa madow lagu kala boobay: heesta ma aheyn keliya inay indhaha u furtay dadweynaha balse waxay kaloo muujisay foolxumada loo cabburay codkeeda iyo cadaadiska lagula dhaqmay ayaa saameyn weyn ku yeelatay dadweynaha.

Saada Cali Warsame iyadoo ka faallonayso dowrka Fannaaniinta ayay kusoo koobtay oraahdan: «Qof wax ku siiyo wax badan baad aragtaa, qof wax kuu sheego wax yar baad aragtaa» (Waraysi, Darwiish TV, Part 2, 2010).

Saada Cali Warsame waa qof aan la illobi karin codkeeda iyo suugaanteedaba waa tusaale kartideed iyo dhiirrideeda wayna waari doonaan.

Ubax C. Cali Faarax

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply