Kheyre oo Ka Hadhay Baskii Nabad iyo Nolol!

Kheyre oo Ka Hadhay Baskii Nabad iyo Nolol! 

Inta badan saadaaliyayaasha caadiga ah, waxay muujinayeen in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre wada dhamaysan lahaayeen muddo xileedka islamarkaasna u wada halgami lahayeen, iyagoo wadajira inay mar labaad xukunka ku soo noqdaan. Balse, malahaas dhab ma noqon! 

Haddabba sidee wax u dhaceen, maxayse isku seegeen?

Tartanka loo galo jagooyinka siyaasiga, waxay musharrixiinta soo bandhigaan aragtiyo siyaasi. Musharrixii guusha raacdo waxuu ku qasban yahay inuu hirgeliyo ballanqaadaya uu sameeyey haddii uu rajo ka qabo inuu ku sii jiro siyaasadda.

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) waxay madaxweyne u doorteen Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, February 2017, dabadeedna waxuu ra’iisul-wasaare u magacaabay Mudane Xassan Cali Kheyre.

Haddabba waa maxay xilka ra’iisul-wasaaraha?

Doorka ra’iisul-wasaarha waa dhaqangelinta siyaasadda madaxweynihiisa! Marnaba ra’iisul-wasaaraha ma fulin karo aragti siyaasadeed u gaar ah, ama ka soo horjeedda tan madaxweynahiisa inta uu xilka xambarsan yahay. Si kooban, shaqada ra’iisul-wasaaraha iyo xubnaha golaha wasiirrada waa maareyn maamul-siyaasadeed (administration) oo keliya. 

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa 2019kii iska casilay xilka Wasiirka Warbaahinta, waxuuna sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in “isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka banneeyo” (VOA 01/05/2019). 

Wasiir Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in muddo 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurtaggali weyday in xagasha aragtidiisa siyaasadeed ay fahmaan amase la qaataan madaxddiisa. Waxuu tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibada dowladda iyo habka xukuumadda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada ay isku seegeen. Waxaa xaqiiqo ah in Wasiir Geelle u muujiyay biseyl siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu ammaanay inuusan ra’iisul-wasaarahiisa ku faraggelin howlaha agaasinka, maamulka iyo socodsiinta shaqada xukuumadda ee loo idmaday ra’iisul-wasaare Kheyre. Taasaa keentay in waddanka uu horey u dhaqaaqo, marka ay timaado, dibuhabaynta ciidamada iyo maaliyadda. Sidoo kale, xukuumadda Kheyre waxay door weyn ka ciyaartay hannaanka deyn-cafinta, iyo in si buuxda gacanta dowladda u soo gasho maamulka hawada Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, waxuu yeeshay aragtiyo siyaasadeed oo lid ku ah tan madaxweynihiisa. Waxuu sidoo kale, isku deyay inuu awoodda Barlamaanka iyo midda Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu hoos u dhigo, isagoo u dhaga nuglaaday dalabka maamul-goboleedyada oo damacsanaa in la abuuro “Madal – awood 4aad oo aan dastuurka waafaqsaneyn,” taasoo keeni laheyd in albaabada loo xiro Barlamaanka, lana dhinac maro waxqabadkii Guddiga Doorashada Qaranka Madaxbannaan (GMDQ), waana halka la isku-seegay. 

Shaki kuma jiro, in su’aalo ku gadaaman yihiin hanaanka Barlamaanka xilka uga qaaday Ra’iisul-wasaare Kheyre, taana waa mid uu la wadaago ra’iisul-wasaarayaashii dalka soo maray 20-kii sano ee ugu danbeyay. Balse, Kheyre waxuu gooni ku yahay inuu durbaba aqbalay go’aanka Barlamaanka.

Waxaase la yaab noqotay in markii uu Ra’iisul-wasaarha Kheyre uu aqblay go’aanka Barlamaanka, kaddib in qaar ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka ku cambaareyaan Barlamaanka hanaanka loo maray xil ka qaadista Mudane Kheyre, taasoo dhalin karta fidno iyo qalalaase hore leh. Intaas waxaa dheer, inay indhaha ka fiirsadaan faragellinta iyo xaalad abuurka ay Imaaraadka Carabta iyo Kenya ku hayaan arrimaha guddaha ee Soomaaliya!

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, go’aannada ku saabsan sharciyada doorashada waxaa leh Barlamaanka Federaalk​a ee Soomaaliya, halka GMDQ uu waajibkooda yahay agaasinka, maareynta iyo maamulka doorashada. Doorka Golaha Fulinta ee heerarka federaalka iyo mid maamul-goboleed wuxuu ku xaddidan yahay fududeenta hirgelinta hawsha iyo sugidda amniga goobaha codbixinta oo kaliya.

Xalka waxuu ku jiraa in la isku ixtiraamo kala sareeynta awoodda shaqo ee uu masuul kasta siinayo Dastuurka. Islamarkaasna la abuuro Maxkamada Dastuuriga, si khilaafka ka dhasha turjumaadda Dastuurka ee keena isku milanka danaha shaqsiga, maamulka iyo siyaasaddaba loo kala saaro. 

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply