Thursday, December 3, 2020
Home Siyaasadda Damaca Siyaasiyiinta iyo Danta Waddanka Kee baa Horreeya?

Damaca Siyaasiyiinta iyo Danta Waddanka Kee baa Horreeya?

Markasta oo aad is tiraahdaba Soomaaliya tillaabo ayay horey u qaadday ayaa waxaa niyadjab noqota inay laba tillaabo gadaal u qaaddo. Dhibudhac kastoo horey loo soo maray haddaad u kuurgashaana waxaa kuu muuqanaaya in ay wadaagaan hal arrin — damac shaqshi oo laga hormariyey “dantaguud”. Soomaalida haddii aysan fahmin kana feejignaan xaaladdaan murugsan waxaa dhici karta boqolka sanno oo soo socda horeyusoco iyo dibusoco ayaa lagu jiri doonaa.

Dowlad” ama “State” waxaa cilmiga qaanuunka dowliga ah ku qeexaa inuu ka kooban tahay 3 shay: (1) dadweyne; (2) dhul uu dadweynuhu ku nool yahay; (3) awood siyaasadeed dadku u xilsaarteen hoggaaminta iyo abaabulkooda — “Dantaguud”. Qodobadaas waxaa ugu muhiimsan midka seddexaad. 

Haddii ay ummad hoggaankeedu uu xumaado ama qalqal galo waxaa loo yaabaa jiritaankeeda. Sideedaba mujtamac si uu u gaaro barwaaqo iyo jiritaan waara waxay degsadaan nidaam “system” iyo shuruucdi nidaamkaas ku shaqayn lahaa. Dabadeed, mujtamacu wuxuu iska dhex xulaa hoggaankii nidaamka socodsiin lahaa.  

Sharciyada iyo qawaaniinta uu mujtamacaa degsaday waa sida tiirarka dhismaha guriga. Mar haddii tiir la siibo ama dhaawac uu gaaro waxaa laga yaabaa in uu dhismaha oo idil uu dumo.  Sidaa darteed iyadoo taariikhda wax laga baranayaayo waa in sharciyada iyo Qaanuunka lagu heshiiyey oo ah ballan mujtamac ka dhaxaya la dhowraa si ummaddaas ay u waarto.

Maalintii Sabtiga ee 25kii July 2020 kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS) oo ay si lama filaan ah xildhibaannada Golaha Shacabka kalsoonida ugala noqdeen xukuumadda Xasan Cali Khayre oo dadka qaar ay ku noqotay kedis haddana inta u dhuundaloosha siyaasadda dalka waxay arkeen xaqiijin ay sugaayeen. Dalka waxuu khibrad gaar ah ku leeyahay isbeddellada xukuumadaha oo badanaa ka dhasha khilaaf dhexmara madaxda fulinta (Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha).

Baarlamaanka awoodihiisa dastuuriga ah ayay ka mid ah in uu kalsoonida siiyo dowladda, la xisaabtamo amase kalsoonida kala noqodo iyada oo nidaam sharci ah loo maraayo (Qodobka 69 ee Dastuurka, Firqadiisa 2, Qodobkiisa b, c, d, e). Tan iyo markii xilka uu qabtay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa hoggaanka xukuumadihii dalka soo maray isku beddeleen ilaa iyo 13 Ra’iisalwasaare oo dhowr ka mid ah baarlamaanka uu kala noqday kalsoonida.

Haseyeeshee waxaa la yaab noqotay hab sharciyeedka uu baarlamaanka u maray xil-ka-qaadista taasoo si ula kac ah u garab marsan sharciga u degsan waddanka. Golaha Shacabka ayaa leh Xeer Hoosaad caddaynaya siduu hawsha u gudan lahaa balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan codbixinta mooshinka uu qaaday waxay u ekayd kuwii dowladdii kelitaliskii. Cod bixinta kaddib ayuu Guddoomiye Mursal golaha ka hor jeediyay qodobbada uu u cuskaday kala noqoshada kalsnoonida xukuumadda Ra’iisalwasaare Kheyre. 

Qodobbada dhamaantood waxaa ku biyo-shubanaayeen xilgudasho la’aan waana sidatan hoos ku xusan: (1) diyaarinta hannaan iyo qorshe cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah 2020/2021;(2)  dhameystirka federaaleynta heerarka kala duwan; (3) go’aan ka qaadashada maqaamka caasimadda ka hor waqtiga doorashada; (4) afti u qaadista iyo meelmarinta dastuurka; (5) hirgelinta nidamka axsaabta siyaasadeed; (6) diyaarinta ciidamo amniga sugan heer federaal iyo dowlad goboleed ah si loo sugo amniga doorashada; (7) diyaarinta qoondadii dhaqaale ee lagu qaban lahaa doorashada oo aan lagu soo darin miisnaayidda 2020; (8) dhammeystirka dastuurka; (9) hirgelinta axsaab siyaasadeed oo saami ku yeelata hannaanka geeddisocodka dalka (BBC-Laanta Af Soomaliga 25 July 2020).

Waxaa dhab ah intaas qodob in ay yihiin kuwa uu Golahu xaq u leeyahay sida uu sheegaayo Qodobka 69 ee Dastuurka. Haseyeeshee waxaa argag (fajac) leh sida Golaha Shacabku uu Qaanuunka u baalmaray gaar ahaan habraaca Xeer hoosaadka BFS.  Sidoo kale waxaa nasiibdarro ah sida Madaxweyne Formaajo oo dhaar ku maray ilaalinta iyo u hoggaansamida shuruucda dalka uu si degdeg ah ugu oggolaaday asagoo islamarkiiba Ra’iisalwasaare Kumeelgaar ah magacaabay. 

Haddaba sideebuu Golaha Shacabka ee BFS 10aad u baalmaray habraaca sharciga Xeer Hoosaadka?

Qodobka 53aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ayaa qeexaya u Yeerida Ra’iisalwasaaraha & WasiirradiisaQodobka 54aad ayaa isna qeexaayaa Codka Kalsooni Kala Noqoshada Xukuumadda.

Haddaba waxaa isweydiin leh maxkamad gar ma qaadi kartaa iyada oo aan eedeysanuhu garbixin? Dabcan jawaabtu waa maya! 

Sida Xeer Hoosaadka dhigaayo waa in uu Golahu u yeeraa Raii’salwasaaraha si uu uga garbaxo (Qodob 53aad, Faqraddiisa 1 & 2). Qodobka 54aad ayaa faahfaahinaaya habraaca loogu yeeraayo Ra’iisalwasaaraha oo ah in shan meelood meel (1/5) tirada guud ee xildhibaanada ay gudbiyaan mooshinka. 

Mooshinka ayaa dooddiisu furmaysa 5 maalin oo ka bilawda waqtiga loo gudbiyo Guddoonka Golaha. Guddomiyaha Baarlamaanka waa in isla maalinta loo gudbiyo mooshinka uu u gudbiyaa Ra’iisalwasaaraha eedeymaha ku qoran Soojeedinta “mooshinka”. Faqradda 9aad oo oranaysa “Marka mooshinka loo akhriyo si waafaqsan faq. 8aad ee qodobkaan, waxaa hadlaya Ra’iisul-wasaaraha muddo aan ka badnayn 60-daqiiqo si uu isaga difaaco eedeymaha”

Haddaba su’aashu waxay tahay: (1) Ra’iisulwaraasaruhu 5 maalmood ma la siiyey maxayse ahayd eedeyntu?; (2) Ra’iisalwasaaruhu 60 daqiiqo oo falcelis ah ma helay?; Muxuuse Madaxweynuhu u difaaci waayey qaanuunka? 

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiye Mursal ayaa go’aanka Golaha qabo ku wargeliyey Madaxweynaha sida uu amraayo Qodobka 54aad, Faqraddiisa 12aad. Madaxwaynuhuna durbadiiba wuu aqbalay inkastoo qaanuunka la baalmaray. 

Isla malintii wuxuu Madaxweynahu magacaabay Ra’iisalwasaare ku-meel-gaar ah. Madaxweynuhu wuxuu mar kale jebiyey Dastuurka. Qodobka 103aadayaa qeexaaya Xukuumad kusime ah waxay tahay. Sharcigu wuxuu oranaya ” Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Ra’iisulwasaare cusub la dhaarin doono, Rai’salwasaarihii hore ee xilka hayey iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah. 

Ma waxaa lagu andacoon karaa inuusan Madaxwaynuha uusan ogayn shuruucdaas uu baalmaray miyaa? 

Waxaa ka sii daran in Madaxwaynuha uu maray dhaar (Qodobka 104aad ee Dastuurka) oo ah sidatan: “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla.”

Dabcan baalmaridda qaanuunka dalka kuma koobna Madaxweynaha ee waxaa la wadaaga Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisalwasaraha laftiisa. Hab dhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliyada ayaa wuxuu u muuqdaa mid ku salaysan sadbursi, dhagar iyo majaxaabis markasta oo ay danaha siyaasiyiintu is-hardiyaan. Haddii uu arrinku sidaa yahay, yaa danta dalka u maqan!

Cusman M. Xussen

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Soomaaliya Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka?

Toddobaadkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ee la magacaabay November 9dii booqashadii ugu horraysay ee calami ah ku yimid...

Xaliima Aaden oo Dib u Qiimaysay Asturnaanteeda

Xaliima Aaden oo ah gabadh Soomaali-Americaan ah, oo ku soo caanbaxday quruxda “xijaaban” ayaa toddobaadkii dhawaa go’aansatay inay iskaga harto tartamada quruxda...

Iska Caabinta Faragelinta Kenya Maxaa Xigi Doona

Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Machdaka Raas, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka yiri “waa su’aal da’weyn wakhtigeeda ayaan sugaynaa Insha Allah,” ka...

Ololaha Musharrixiinta Madaxtooyada – Maxaa Ka Soo Baxay Maxaase Laga Filayay?

Dhowr iyo toban musharrax madaxweyne oo November 21, 2020 ​uga furmay shir Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho ​si ay uga arrinsadaan siyaasadda dalka ka hor...

Recent Comments

%d bloggers like this: