Wednesday, December 6, 2023
Home Dib U Eegis Buug Faallo La Xirirta Buuga: Pourquoi Tu Danses Quand tu Marches - Maxaad...

Faallo La Xirirta Buuga: Pourquoi Tu Danses Quand tu Marches – Maxaad Sinta u lushaa marka aad soctid?

Buugga Pourquoi Tu Danses Quand tu Marches, Abdourahamn A. Waberi, J.C. Lattes, Paris, France 21.08.219 –  (Maxaad Sinta u lushaa marka aad soctid?)[i] oo idil waa jawaab uu Aadan Roble siinaayo  su’aasha inantiisa, oo xannaanda carruurta dhigata, ay weydiisay.  Aabbaha  dhabtii su’aasha kediska ah dhakafaar ayay ku reebtay, aadna way u saamaysay, oohin buu ku sigtay wuxuuna hadalka ka dhedhemiyaa  qalbi adeeg. Balse aabbe inantiisa jecel ma ka fursan karaa inuu ka aamuso ama ka meermeero jawaabta? Wuxuu ku yiri inantiisa Bea: “Adiga oo ah inantayda, waxaad imminka isoo hordhigtay runtii oo weliba aad ku dheehday kalgacayl si adagna aad iigu caddaysay.” Durbadiiba waxaa kusoo dhacday oraah reer guuraaga oo uu kasoo farcamay Aadan: “Runta waxaa laga helaa afka dhallaanka.” Aadan wuxay la aheyd taniyo shaly oraahdan in ay tahay mid aan xikmad leheyn balse subaxaas waxay la noqotay run dhab ah.

Buuggan qisadiisa waa tebinta hayaanka iyo halganka nolosha wiil naafa ah -xigto iyo derisba u arkaayeen cad meel yaalla– uu u galay inuu noqdo nin bisil, isku filan noloshiisana beddeli kara. Buugga wuxuu ku qoran yahay tiraab aad u qurux badan muujinaysa Cabdiraxman Waberi inuu yahay qoraa gaamuray misna gabyaa ah. Waa tiraab yaab leh oo mujinaysa sida qoraaga uu u hantiyay sir kastoo daahsoon oo uu afku leeyahay. Waa tiraab ku haraysa maanka akhristaha una qalanto inuu weligii xusuusto.

Buugga wuxuu ku furmayaa erayadan: “Wax waliba way igu soo dhaceen.Waxaan ahay dhallaanka isaga gudbi kara tagto iyo joogto. Waxaa igu filan inaan indhaha isku qabto si aan wax waliba u xusuusto. Waxaan xusuustaa saxansaxada kasoo carfaysa ciidda uu  roobka hore qoyay iyo tan siigada yar yar ku meermeeraysa kaaha dhexdiisa. Waxaan kaloo xusuustaa markii ugu horraysay oo aan bukooday. Qandhadu waxay i tumaantumaysay toddobaadkii oo idil. Kul, dhidid iyo jiriricyo. Jiriricyo, kul iyo dhidid. Kadeedkaydi ugu horrayay wuxuu billawday waagaa. “Waa run oo sheekada inanta aabbeheeda ayaa tebinaaya, balse waxaa ku jira dad kale oo aad mooddo in qoraaga mid waliba u siiyay kaalin u gaar ah, sida ayeeyada wiilka (Nadiifo, balse wiilka  uu ula baxay Cochise). Ayeeyo waa hoyga hiddaha reer guuraaga Jabuuti, eeddo Dayibo oo u qalanta waxa Koonfurta Soomaaliya loogu yaqaan bahda Abbay Faaduma, Marwo Annick, macallimaddisa ee Faransiiska ah,  iwm. Labada qofoo hore waaa kuwa kaalin togan (positive) ku lahaa  barbaarinta Aadan.

Aadan waa curadka Amiin iyo Sahra (Zahra) wuxuu ahaa wiil aan nassib u yeelan dhibcaha tallaalka bukaanka Soomaalidu u taqaan dabaysha (Poliomyelitis) oo  badanaaba carruurta la naafoobaan hadday tallaalka seegaan. Isaga iyo Cosoble walaalkiisa waxaa u dhexeeysa 7 sano. Aadan wuxuu arkay in walaalkiis uu lahaa astaamaha isaga ka maqanoo idil. Aad ayuu uga maseyray. Eeg jeesjeeska ka muuqda erayadan “Cosoble wuxuu uga cabbaa caanaha quraaradda sida geel harraaday,  wuxuu ku boodboodaa isagoo gacmaha hooyo ku jira, kaddibna wuxuu ku dhuftaa laba daaco, ugu dambayntiina wuxuu raaciya saddex dhuus oo qudhmoon.” Halka isaga uu isugo jeedo sidatan: “Waxaan ahaa wiil kaydka xanuunka ah, illin iyo oohin miiran ah.”

Waqtiga shekada buugga waa mid aad u ballaaran. Laga billaaboo waagay Faransiiska dalka ku talimaami jireen dalka Xeebta Faransiiska ee Soomaalida (1896-1967) waana waqtiga uu dhashay Aadan Rooble. Kaddib  (1967) magaca waxaa loo rogay TFAI oo  xambarsan labada qawmiyad ee wada dega Jabuuti, ugu dambayntiina Jahuuriyadda Jabuuti.

Qoraaga oo saddexdan waqtiba soo joogay, meelo fara badan ayuu ka ifinaayaa nolosha sidaay waqti waliba ahayd eed badanna wuxuu dusha ka saaraayaa Faransiiska.  Qeybaha hore ee buugga waxaad ku arki kartaa isbarbardhig indhaha qabanaya ee degaanka Faransiiska iyo kan  dadweynaha. Nidamkaa Apartheid-ka ayaa laga hirgaliyay Jabuuti waagaas. Dadka dalka u dhashay looma oggoleyn habeenkii inay ku negaadaan deegaanka Faransiiska haddaysan rukhsad sidan.

Waaberi wuxuu na dareensiinaayaa jawiga Aadan uu kusoo koray. Aadan wuxuu ahaa wiil bukaanlow ah oo yarantiisi aad u dhibtooday, gaar ahaan waqtiga uu soo korayay oo ahayd waqti dadka iimaha uumistooda wejiga laga saari jiray, misna iimaha ayaaba  magac  looga dhigi jiray sida Laangare, iyo waxyaaba ka daran. Magacyada tirada badan oo lagu liidaayey waxaa ka daranaa mooriyaanta dugsiga oo nafta u keeni jirtay. Dugsiga wuxuu ku yiillay xaafad la oran jiray Chateau-d’Eau oo aheyd deegaanka dadka dalka u dhashay misna danyar ah. Guryaha waxaa ku wada dednaa jiingado kulka aad usoo dhaafiya. Aadan wuxuu ku tilmaamay Jabuuti inay hodan ku tahay cadceedda iyo habaaska joogtada ah agagaarkeedana bacaadka guuraaga ah iyo dhagxaanta madmadow.

Mesha keliya oo Aadan uusan ku qaloonaynin waa dugsiga ay wax ka dhigto Marwo Annick oo Walaayada ka timid. “Waa Faransiiska Faransaa, midabka timaheeduna waa kan malabka indhehedana waa fas cagaaran” dalkeeduna waa midka “quruxda badan, hodanka ah, doog iyo roob leh halka dalkeenna uu yahay sabool aan cagar iyo roob leheyn, kul iyo dagxaan madow miiran ah.” Markuu fasalka ku jiro dhego iyo indhaba cid kale uma leheyn aan ka aheyn macallimaddisa. Si kastoo caruurta ugu yeeraan magacyada liidka leh oo iskaba noqday “aqoonsigiisa” Aadan tabartiisa iyo “fulaynimadiisa” uma saamaxayn inuu dhibsado ama ka caroodo.

Aadan wuxuu u arkay in  dadkiisa aysan wax akhrin karin  waxna  qori karin. Annick waa qofka qura oo bari kara qoris iyo akhris, ayuu isyiri. Aadan yare wuxuu gartay sida keliya uu noloshiisa kadeedka leh uu ku beddeli karo inay tahay waxbarasho. Kolkii hore haddii ay ahayd inuu akhriska iyo qoraalka barto, taasi dhakhsi waxay isu beddeshay inuu hanto sirta waxbarashada oo miiddeda uu u dhaco si uu u guulaysto.

Wuxuu noqday aqoon-ruug, arday maddaala ah, fariid laabta barayaasha kasban kara.Waxbarasha keliya Aden kagama adkaan bukaanka uu qabay.  Isagoon kaalin ka helin rug caafimaad iyo cid  kale gacan siisa toona ayuu dagaalgalay. Haseyeeshe kuraygu ismadhiibin. Waberi wuxuu na tusay in wiilka uun bedenka ka ahaa naafo balse maankiisa fay ahaa himmad iyo yididiillo adag lahaa, taaasoo gaarsiisay inuu iskiisa u helo hab ku badbaado, ku hormaro guulna ku gaaro. Waakan siduu qoraaga u dhigay: “Cid iga welwelaysaa ma jirin. Habkayda qariibka ah (Bizarre) ayaan u korayay. Cidna ma sugin. Qorshooyin baan madaxayda ku dhisayey: orodoo qabo adduunkan kaa fakanaaya. Weligaa ha dhaafin adduunkan xaasidka ah”

Waberi wuxuu ina tusaayaa wiilku inkastoo uu naafo ahaa, si kasta oo loo hordhigay irdo xirxiran haddana wuu guulaystay kelidiis isagoo maraaya waddo uu iskiisa u jeexday, waa jowharadda daahsoon oo uu akhristaha kala soo bixi karo buuggan.

Waxaa yaab leh sida uu Cabdiraxmaan Waberi uu soo xushay ayeeyo Nadiifo (Cochise). Waa islaan malaha boqoolkii dhaaftay. Araggeeda aad ayuu u liitaa, balse dareemayaasheeda ay xoog leeyihiin; ruuxa ku soo socdo intaysan arag ayay urkiisa ama sanqartiisa dareemaysay. Waxay soo joogtay dhacdooyin badan iyo isbeddelyo waaweyn. Qoyska Amiin-wiilkeeda- hadalkeeda ayaa ka socda. Go’aankeedu waa rafcaan la’aan; “Waxay dadka ku beereysaa cabsi iyo xushmad.” Waxay kasoo jeedda qoys xoolaley reer guuraa ah.

Waberi waaxaan filaayaa inuu soo xulay Nadiifo (Cochise) dowrka ah inay soo gudbiso dhaqanka, hiddaha, taariikhda iyo murtida ku keydsan. Raadkeeda wuxuu ku firirsan yahay buugga oo idil. Sheekooyinkeeda waa marna maaweelo marna murti ujeeddo cad leh. Mar waxay ka sheekaynaysa xooladhaqata iyo deegaankooda marna xiddigaha sida xiddigaha ay Soomaalida u taqaan Nin-la-gigay (Orion); saddexda xiddig ay sheekada ku tilmaamayso suunkiisana dadka qaarkii waxay u yaaqaannaan “golxobkiisa.” Nin la gigay wuxuu shegaa jihada iyo waqtigaba.

Mar ay ka hadlaysay da’yarta xoolaraacatada oo magaalada yimid waxay Aadan ku tiri “Ogow [Reer Guuraaga] jacaylka ay u qabaan xiddigaha wuxuu ka dhigaaya badmaaxya hoodaarro ah”

Axmed Qaasim Cali


[i] Nasiibdarro buugga weli looma turjumin afka-Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments