Thursday, December 3, 2020
Home Siyaasadda Maxaa Dalka La Gudboon Kol Haddii Ra’iisalwasaare Khayre uu Xilkii Baneeyey!

Maxaa Dalka La Gudboon Kol Haddii Ra’iisalwasaare Khayre uu Xilkii Baneeyey!

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS) ayaa July 25, 2020 kalsoonidii kala noqday xukuumaddii Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre. ​Toddobaadyo yar ka hor “Nabad iyo No​lol” waxay u muuqatay mid aan lagu loodi karin ​masraxa siyaasadda Somaaliya. 

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu xilka Ra’iisulwasaaraha hayay muddo ku dhow saddex sano iyo bar, ​taasoo ka dhigan inuu noqday ra’iisulwasaarihii ugu xil-heynta dheeraa ee soo mara dalka tan iyo maalintii xornimada la qaatay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ​ayaa February 23, 2017 u magacaaby ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre oo aan horay looga aqoon masraxa siyaasadda balse ay isku aragti ahaayeen, kaas oo soo dhisay xukuumad u badan “technocrats” oo ​ay ka wada muuqdaan qurba iyo qorrax joog, kuwaas oo muujiyay ​maamul wanaag, karti iyo huf​naan, loo aaneeyo laba arimood: (1) Madaxweyne Farmaajo oo siiyay Ra’iisulwasaare Kheyre kalsooni buuxda oo  uu ku maamulo Golaha Wasiirada kuna socodsiiyo hawlaha dowladda; iyo (2) Ra’iisulwasaare Kheyre oo lahaa khibrad maamul iyo aqoon maareyn lagu socodsiiyo qorshaha tubta xukuukaddiisa.

Haddaba aanu isweydiinnee: Khilaafku ma yahay mid aad u weyn oo cawaaqib xun leh?

Khilaafku aad ayuu u weyn yahay haddii la hamminayo in Soomaaliya ay gaarto dimuqraaddiyad oo ah qodob dastuurka ka mid ah. Dastuur oo la buriyaana astaan uma aha dimuqraaddiyad. BFS waxaa lagu dhaliilaayaa inuu sharcigii isagu dejiyay buriyay sababo siyaasi ah awgeed. Waa bar madow oo Baarlamaankan lagu xasuusan doono.

Soomaaliya, kaddib markii Dastuurka KMG ah la ansaxiyay, waxay noqotay  dawlad dastuur leh. Dastuurka wuxuu leeyahay in dalka afartii sannadba mar doorasho laga qabto. Haddii muddo kororsi uu yimaaddo dimuqraaddiyad waa laga fogaadey dastuurkiina waa la jabiyay.  

Mudane Xasan Cali Khayre intii u dowladda ku soo biirin (2002 ilaa 2012) waxuu ka soo qabtay doorar kala duwan hay’adda “Norwegian Refugee Council” ilaa uu ka noqday Agaasimaha Gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale 2013kii waxuu ku biiray maamulka Soma Oil & Gas oo uu ka noqday Agaasimaha Afrika, jagadaas oo uu iska casilay markii uu oggolaaday inuu hoggaamiyo xukuumadda.

​Si kastaba ha ahaate, habeenkii Sabtiga ee July 25, 2020 ayuu Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlayay Ummadda u soo bandhigay inuu iska casilay xilkii Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), taas oo dalka ka badbaadisay qalalaase Dastuur.

Daciifnimada Dimoqraadiyadda

Is-casilaadaas waxay soo afjartay dood sharciyeedkii ​ku gad​aamanayd tabtii madaxtooyada amase baarlamaanka ay u isticmaaleen ​riddistii xukuumaddii Kheyre uu hogaaminayey.​ Balse dhacdadaas, sida kuwo badan oo ka sii horreyayba, waxaa qaylo dhaan ka muujiyay aqoonyahannada sharci iyo siyaasadda ka sokow, wakiilladda Beesha Caalamka.

​Sideedaba, ​Dimoqraadiyadda waxay ku dhisan tahay xeerka iyo dhaqanka hoggaaminta inta badan (majority rules), balse waxaa laga ilaaliyaa waxyeellooyinka aan laga tashan sida in siyaasiyiin fursad-gadayaal ah oo abaabulan ay afduubaan awoodda una isticmaasho si xil leh.

Dhacdada July 25, 2020 ma ah shil taariikhi ah amase istraateejiyad cusub ee siyaasadeed ee waa dhaqan muddo soo jiray. Balse waa istrateejiyad ulakac ah oo ay soo naqshadeyeen koox yar, kuwaas oo ogaa inay jibin karaan himilada shacabka iyagoo aan wax cawaaqib xumo ah la kulmin.

Mudane Kheyre ma eed iyo amaan la’eyn muddadii uu ahaa ra’iisulwasaaraha, gulufkii siyaasadeed ee xukuumaddiisa ​ku qaadday mucaaradkii diidanaa siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ayay isku seegayn siyaasiyiin muddo dheer siyaasadda ku soo jiray sida Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, Shariif Xasan Sheikh Aadan, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Tabit Cabdi Maxamed.

Haddaba, haddii kooxda fursad-gadayaasha ah ay soo abaabushay mooshin helay aqlabiyad dhan 170 xildhibaan si kalsoonida loogala noqdo xukuumad fadhida miyeysan suuroggal ahayn inay berri abaabuli karto mid ​jahawareer gelisa hogaaminta dalka oo guddoonka baarlamaanka amase madaxweynaha jamhuriyadda awoodda looga tuurayo!

Iyadoo aan lagu xadgudbeynin awoodaha uu damaanad qaadayo dastuurka, misana waxay dood ka furan tahay awoodda kooxi ​ay u adeegsan karto “hub siyaasadeed.” Waa halkaas meesha argaggaxa ka taagan yahay oo keenaysa in dalka lagu dabbaqo qaanuunka caalamiga ah ee  “peace spoilers.”

Si loo xoojiyo mabda’a kala sooca awoodaha dastuurka waxaa loo baahan yahay in la helo labo arrimood: (b) awood garsoor (maxkamad dastuur) oo ka madaxbanaan hay’addaha fulinta, iyo (t) nidaam xooggan oo asxaabta siyaasadeed ee tartama.

​Dimuqraadiyada waxaa u muhiim ah in la helo seddax arrimood: (1) In hay’adaha fulinta, sharcidejinta iyo caddaalada ay ixtiraamaan madaxbannaanida awoodaha dastuuriga ah; (2) In ay aqoonsadaan in isku dhaca siyaasadeed, ​iyo kala aragti duwanaanta ay qayb ka tahay habsami u socodka dalka; iyo (3) In xil-haynta dowladda aan ​lagu kasban musuq  hanti​yeed.

Khatarta soo muuqata ​wakhtigan waxaa ugu weyn u ololeynta ” Madal siyaasadeed” oo aan dastuurka sal ​sharciyeed ku lahayn, ​taas oo caqabad ku noqon karta dimuqraadiyadda curdunka ah iyo ​isku-heynta dalka. 

Doodi kama taagna awood isku xagxagashada hay’addaha siman sida fulinta – xukuumadda iyo maamul-goboleedyada, ama kuwa sharcidejinta sida aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka. Balse arrini waxay dhabqaysaa marka hay’ad fulin (maamul-goboleed) uu u hanqal taago awoodda sharcidejinta (baarlamaanka) iwm.

Haddaba si aan loo baalmarin dastuurka iyo shuruucda dalka ikhtiyaarka keliya ee ka jira doorashooyinka dalka waa in baarlamaanka kala xusho doorasho dhacda.

Waxaa maragmaddonto ah in dunida ay ka jiraan tartan aad u xooggan oo aan u ekeyn dhaqamadii u dhexeyn jiray  quwadaha. Dhammaan waddamada​ Galbeedka iyo kuwa Barigaba waxay isku dayayaan inay saameyn toos ah amase mid dadban ku yeeshaan itijaaha siyaasadda dalka si ay dantooda uga fushadaan.

Waxaa muuqata in Soomaaliya ay soo gaartay isgoys khatar ah oo qalad yari oo lagu degdego uu dalku ku ridi karo bohol. Sidaas darteed, aragtida qabta doorasho la dhoobdhoobay amase muddo khordhin dhowr sanadood ah waxay u muuqataa inay dalka u horseedi doonto ​dhabbo qalad​an.

Haddaba, haddii aan mudnaanta la siin samatabixinta qaran oo ay​n​aan beddelin ​aragtida siyaasadda kooxaysan, qabyaaladaysan, ama ku dhisan danaysiga, dalka wax​uu halis ​ugu jiraa in​uu lumiyo kalsoonida yar ee uu helay amase ​uu gacanta u galo kalitalis yar. ​Xigmad Somaaliyeed ayaa odhanaysa “Sac ninkii lahaa saynta uga taagan yahay ma kaco.”

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Soomaaliya Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka?

Toddobaadkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ee la magacaabay November 9dii booqashadii ugu horraysay ee calami ah ku yimid...

Xaliima Aaden oo Dib u Qiimaysay Asturnaanteeda

Xaliima Aaden oo ah gabadh Soomaali-Americaan ah, oo ku soo caanbaxday quruxda “xijaaban” ayaa toddobaadkii dhawaa go’aansatay inay iskaga harto tartamada quruxda...

Iska Caabinta Faragelinta Kenya Maxaa Xigi Doona

Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Machdaka Raas, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka yiri “waa su’aal da’weyn wakhtigeeda ayaan sugaynaa Insha Allah,” ka...

Ololaha Musharrixiinta Madaxtooyada – Maxaa Ka Soo Baxay Maxaase Laga Filayay?

Dhowr iyo toban musharrax madaxweyne oo November 21, 2020 ​uga furmay shir Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho ​si ay uga arrinsadaan siyaasadda dalka ka hor...

Recent Comments

%d bloggers like this: