Thursday, April 25, 2024
Home Dib U Eegis Buug Faallo La Xiriirta Buugga “Maps of Exile - Hassan Ghedi Santur”

Faallo La Xiriirta Buugga “Maps of Exile – Hassan Ghedi Santur”

Buuggan (Maps of Exile,” Warscapes Magazine, 2nd edition, 2017) waa midkii labad oo uu qoray Xasan Geeddi Santuur, ma na aha bug sheeko mala-awaal ah balse waa buug ka hadlaaya qaxootiga ku qulqulaya sanooyinkan dambe qaaradda Yurub, gaar ahaa kuwa ka imanaaya qaaradda Afrika.

Buuggani waa mid ku salaysan baaris qoto dheer oo qoraagu sameeyay, wuxuuna taabanaay arrimo dhawr ah ay mid yihiin waxa sababay hayaankan xadhaafka ah oo saameeyay badi dalalaka qaaradda Afrika, habka iyo waddooyinka ay maraan, dhibaatooyinka halista ah oo dad badan naftooda ay ku waayaan, iyo waxa ay la kulamaan marka ay gaaraan Yurub.

Baaristu waxay kaloo ifinaysaa masuuliyadda ay dalalka reer Galbeedka ku leeyihiin sababaha kallifa hayaanka khalqigaas iyo sida ay ula dhaqmaan dadkan usoo doonto dalalkooda “nabadgelyo, xurriyad iyo shaqo, oo ah waxyaabaha u ah assas nolosha aadanaha.”

Inkastoo Xasan uu barrista guud oo uu wadar ahaan ugu sameeyay qaxootiga ka soo hayaama Afrika wuxuu si gaar falanqeeyey kuwa xul ah oo waresiiyo dhaadheer la yeeshay, lana degay xerooyinka Keynta Calais ama Calais Jungle. Taasoo ah xero haatan la baabbi’iyay oo ku tiil waqooyinka dalka Faransiiska.

Keyntan waxay ku taal agaaggaarka magaalada Calais oo ka soo horjeedda gobolka Iglan ee Biritin ahna halka jidka tannalka badda  hoos mara looga kala gudbo labada dal.  Xasan oo wuxuu kaloo booqday dalal Yurub ah iyo meelaha badanaba ay maraan, ku hakadaan, wararka ka helaan kuna qoorsheeyaan halka ay  abbaaraayaan oo ah kuwa saameynta ugu daran ku leh mustaqbilka qaxootigan.

 Xerada Kaynta Calais ayaa ahayd meesha uu daraasad dheer ku sameeyay mudda  dheer uu joogay. Qoraaga oo ah misna suxufi khibrad dheer ku leh warbaahinta wuxuu ku sugnaa mudda dheer halkaasoo uu la degay dhallinyadarada deggan xerada Suudaan ka tirsan Kaynta Calai, halkaas oo uu kula yeeshay degganayaasha waraysi.

Xasan wuxuu ka soo xushay dadkaas dhallinyaro dhawr ah oo si aad u qoto dheer ula yeeshay wareysiya oo ka soo billabanaaya tani markay joogeen dalkooda sababta ku kalliftay safarkan oo ah mid la ogyahay inuu billaabanaya balse aan la hubin halka uu ku dhammaanayo iyo waxa ay kala kulmeen markay Yurub soo gaareen iyo sida ay tahay noloshooda. Xulka oo uu qoraaga soo xushay waxaa ka mid ah wiil Soomaali ah, Axmed, oo qisadiisa tahay mid cajiib ah isagana ah shakhsi aan la illaabi karin.

Axmed waa wiil dagaalkii sokeeye markuu dhacay laba jir ahaa kuna dhasahy Xamar. Kolay Muqdisho noqotay naartii adduunyada ayaa qoyskiisa ka baxsadeen dagaalkii sokeeye oo afka aaddiyeen Itoobbiya. Kolkay naruuro ka waayeen halkaas waxay qabteen Jabuuti kaddibna waxay tageen Hargeysa, halkaasoo qoyska Axmeed ay ka billaabeen nolol cusub oo deggan.

Axmed wuxuu Hargeysa ka qalijabiyay dugsi sare. Axmed wuxuu ahaa inan go’aansaday waxbarasho jaamacadeed inuu dhammeyo, taasoo nasiibdarro ugu suurtoobi waysay berigaas. Isagoo labaatan (20)  jir ah ayuu u safray Suudaan, halkaasoo ka qalinjabiyay jaamacadda oo uu shaqadiisa iskaga baxinayay kharashkeeda. Axmed qoorshihiisa oo uu mar hore dejistay ayaa ahayd inuu noloshii si uu gebigeedba u beddelo inuu galo Biritin halkaaso qaraabo uu ku leeyahay islamarkiina ahaa dalka uu bartilmaansaday kaddib markuu sameeyay baaris dheer oo uu ku xifdiyay dalaka Yurub oo idil iyo habka uu ku gali lahaa.

Axmed isagoo Afrika kasoo tegin ayuu qoorsheeyay inuu ku hakado Kaynta Calais halkaas uu ku dhuumman karo gawaarida xamuulka waaweyn. Axmed wuxuu gaaray Calais 3dii Novembar 2015, xeradan waxay dawladda Faransiiska baabbi’isay 25kii Oktobar 2016. Nasiibdarro, Axmed tani waagaas ma uusan gaarin muraadkiisa. Qoraaga ilaa uu ka quusto wuxuu isku dayay inuu raadiyo Axmed balse bartiisaba wuu waayay. Kuwa kale ayaa jira oo ka mid ah xulka qoraaga oo uu sida Axmed la yeeshay wareyso dheer, waxaana ka mid Kamaal, Eritrea oo qisadiisa iyaduna yaab leedahay. Waxaa koloo jira is Tori Ibraahim oo reer Mali ah oo 18 jir.

Xasan wuxuu inoo sheegay in sababaha dadka badidooda ay uga soo  qaxaan dalalkooda iyo ehelkooda waxay u badan yihiin xasillonidarro siyaasadeed ee  dalka ka jirta iyo dagaallada. Waayahan dambe waxaa batay dagaallo ay wadaan ururro diineed oo xagjir ah oo waddama badan ee Afrika saameeyay.

Waxaa jira waddama ay dagaallada rayadka ay ka socdeen aafa xun ku dhaafeen, sida Soomaaliya (Taniyo dhawr sano ka hor), Koofurta Suudaan, qaar kale waxaa saameeyay dagaallada soohdimaha ah iyo raafka ciidamada, sida Eritrea.

Dawladaha Yurubka oo hodanka ah, waxay manta  iska dhigaayaan inaysan aslanba ka warqabin sababaha dadkan ku kalliftay inay soo hayaamaan, Xasan Geeddi  wuxuu ina tusaaya qoraallada indheergarata reer Galbeedka ah qaarkood  sida Daniel Trilling, UK oo ah tifaftiraha wargeyska New humanist, oo muujinaaya  “Yurub inay ku dhistay hodantinimada dhabarka dadweynaha dalal kale ee addunka, [Sidaas daradded] waxuu waajib ka saaraan yahay inay gacan siiyaan maanta, sababtoo ah waxay ka soo cararaayaan xaalado ay [Dawladahan] Yurubka ay gacan ku leeyihiin in ay abuurmaan.”  Trilling wuxuu leeyahay waddamada ay ka mid yihiin Eritrea, Soomaaliya, Liibbiya, iyo kuwa Bariga Dhexe sida Suuriya, Afqanistaan, Ciraaq, iwm waa kuwa dalakan ay faraha kula jiraan.

Dhanka kale, wuxuu qoraaga ina tusaayaa in indheergarato iyo xisbiyo badanaaba xiga dhanka midigta ay ka faa’iidsadeen xitaa kuraas baarlamaanka ku heleen inay dadweynaha reer Galbeedka ku cabsiyaan in 1). Shaqooyinka laga xoogayo, 2). diintii dalalakan ay isbeddeshay oo muslin soo galay, 3). midibkii dadka uu dhawaan isbeddeli doono, taasoo micneheedu yahay in dalalka Yurub dalal madow ama reer Aasiya ay noqon rabaan, iyo waxyaalo u dhigma argaggax hadal oo lagu jahawareerinayo dadweynaha Yurub si loo helo awood siyaasadeed. Waxaa ka mid ah xisbiga Marie Le Pen ee Faransiiska, Xisbiga Geert Wild ee Netherlands, Xisbiga Rai’isul Wasaarihii hore Matteo Slvini ee Taliayaniga oo ku guleysteenn tiraabtan argaggixisada ah oo dadka ay ku kiciyaan.

Dalalka reer Yurub wuxuu ina tusaya Xasan xitaa marka ay rabaan inay qaxootiga gacan siiyaan inay soo hordhigayaan sharciyo duug ah ama aanba waafaqsanayn xaqiiqda jirta iyo nidaam xafiiseed aan taag laheyn oo aad gaabiya. Tusaale waxaa ah in si ay baraan arjiyada qaxootiga ay marar badan qaadanayso mudda laba sano oo kale, iyadoo arjiilayaasha ay ku jiraan  xeryo aan nolol wanaagsan laheyn.

Axmed Qaasim Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments