Kenya oo Damacsan Inay Soomaaliya Ku Baaddo Burcad-badeed Aan Jirin

Toddobaadkii ugu horreyay August 2020, Marwo Monica Juma oo ah Wasiiradda Difaaca Kenya, islamarkaasna ah Guddoomiyaha Kooxda Xiriirka Burcad-badeedda ee Xeebaha Soomaaliya ayaa ku dhaleeceysay Soomaaliya  (Puntland iyo Somaliland) sii deynta burcad-badeed aan weli  dhamaysan xabsigii lagu xukumay. Kenya waxaa loo doortay June 20, 2019 inay guddoomiso Kooxda Xiriirka Burcad Badeedda muddo 2 sanadood ah oo ka bilaabatay January 2020 kuna eg December 2021.

Inkastoo warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay (QM) ay sheegayso in muddadii u dhaxeysay October 1, 2018 ilaa October 31, 2019 aan la soo tabin maraakiib lagu afduubay xeebaha Soomaaliya welibana la sii daayay 23 hawlwadeenno horey loo heystay, haddana Kenya waxay u ololeyneysaa sidii loo ballaarin lahaa hawlgalka kooxda iyadoo ka leh ujeeddooyin aan muuqan.

Waxaase muuqata in Kenya aysan luminayn fursad kasta oo suuraggal uga dhigaysa inay wiiqdo awooda Soomaaliya. Dabcan, waxay ka faa’idsanaysaa xubunnimada Qolaha Amniga iyo kooxda Xiriirka Burcad-badeedka si ay u sii waddo weerarkeeda.

Laga billaabo 2018kii burcad-badeedka Geeska Afrika wuxuuba gaaray ku dhaawad eber marka la barbardhigo xaadladda xeebaha Galbeerdka Afrika oo manta dhacdooyinka burcad-badeedda ay ka  badan yihiin kuwa Soomaaliya qiyaas 20 jeer wax ka badan. (BBC. Rality Check 19.06.2019).

2010kii ayaa nidaamka aan rasmiga ahayn ee lagula tacaalayay caqabadaha burcad-badeednimada la go’aamiyay in loo hirgalayo sanduuq caalami ah oo ay maamulaan hay’addaha QM ee “UNDP iyo UNODC.” Shan sanadood kaddib waxaa muuqatay in heerka howlaha burcad-badeednimada ay hoos u dhaceen, walow dhibaatadii dhalisay aan waxba lagala qaban Soomaaliya, sida maraakiibta qashinka haraaaga warshadaha ku qubayay xeebaha iyo doomaha shisheeyaha ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayay biyaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, howsha Kooxda Xiriirka Burcad-badeedda waxay qayb ka tahay arrimaa sahlay in la xakameedeyo burcad-badeedka. Haseyeeshee waxay waxyeello ka soo gaartay tiro badan oo muhaajiriin  (migrants) iyo kalluumeysato sabool ah, kuwaasoo loo qafaasho dembiyo aysan shaqo ku lahayn, kuna xiran xabsiyada Kenya, Mauritius, Seychelles, iwm iyagoo qaarkood lagu xukumay 30 ilaa 50 sanadood ah.

Waxuu walwal ka taagan yahay xadgudubka la xiriira xukunnada ka dhaca dalalka ka baxsan Soomaaliya, kuwaas oo aan aqoon u lahayn dhaqanka Soomaalida naxariisna u heyn eedeysanayaasha. Intii ka horraysay 2019kii dalalkaas waxay u xilan jireen dhaqaale dhan 5 malyan doolar oo uu sanduuqa sanadwalba ku taageeri jiray dadaallada waddamadaas si loo daboolo kharashka la xiriira hawlaha booliiska, xeer ilaaliyeyaasha dacwadaha kiisaska, maxkamadaha iyo xabsiyada.

Idaacadda BBC News oo waraysatay Charles Brown oo ka mid ahaa labada sharciyaqaano oo Seychelles u soo kireysatay si loo maxkamadeeyo dadka ku eedeysan burcad-badeedda ayaa yiri “doomaha aan soo qabannay si dhif ah ayay u leeyihiin qaboojiyeyaal ama xitaa u sitaan shabaqa kalluumeysiga” (BBC News 19/05/2013). Halkaas waxaa ka cad inaysan fikrad ka qabin dhaqanka kalluumeysata Soomaaliyeed iyo xaaladda uu dalka ku jiray.

Garyaqaano uu doodayay shan eedeysaneyaal oo lagu soo oogay burcad-badeednimada ayaa u sheegay Qaadiga inaanay jirin wax caddayn ah oo muujinaya inay galeen dambiiga dacwadaha lagu heesto. Balse Qaadiga waxuu amrey inuu kiiska ugu dambeeya ee horyaal Maxkamada Seychelles uu dhageysan doono ilaa iyo dhamaadka, isagoo diidey mooshinkii qoraalka ahaa ee ay u gudbiyeen qareenka ee lahaa “inaysan jirin kiis jawaab laga bixyo” (Oceanuslive.org 10/06/2016).

Soomaalidu waa dad reer guuraa ah oo uu kalluumeysigu ku yahay hab nololeed cusub. Dalku ma lahayn muddo yar ka hor qalab lagu farsameeyo barafka. Weliba doomaha kalluumeysatada yar yar maba laha mug lagu qaado qaboojiye lagu keydiyo barafka. Intaas waxaa dheer in dembiyada lagu soo eedeeyo ay ka mid yihiin inay wataan gudin amase ay qabsadeen Markab kalluumeysi oo ku jira biyaha Soomaaliya (EUNAVFOR.EU 7/06/2019).

Iyadoo aan la dafiray dambiyada burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya, haddana maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya ayaa weerara kalluumeysatada Soomaaliyeed iyagoo kalluumeysatada maxalliga ah ay ka aargoosanayaan maraakiibtaas (Re.Thinkearth 04/12/2019).

Mararka qaarkood eedeysanayaasha aan waxba qorin amase akhrin ayaa lagu qasbaa inay xuquuqdooda racfaan ka tanaasulaan iyadoo aysan helin tarjubaan karti u leh luqadda qalaad. Maxkamadaha dacwad ku soo ooga eedeysanayaasha iyo Qaramada Midoobay midkoodna xaq u ma laha inay xadgudub bani’aadinimo oo intaas le’eg kula kacaan dadka Soomaaliyeed ee aan muddo dheer lahayn dowlad daafacda.

Dhinaca kale, dadaallada beddelida fikradaha oggolaanshaha burcad-badeednimada iyo dhisidda awoodaha sharci ee maxkamadaha Dowladda Federalka ah iyo kuwa Maamul-goboleedyada ayaa gacan muuqata ka geystay hagaajinta xaaladda xeebaha dalka. Tobankii dhacdooyin burcad-badeednimo iyo afduub madaxfurasho ee ka dhaca badaha qaaradda Afrika 9 ka mid ah waxay ka dhacaan Galbeedka qaaradda “Gulf of Guinea” (DW 14/02/2020).

Baaqa Marwo Monica Juma waxuu si toos ah amase dadban ugu socdaa shirkadaha shidaalka ee daneynaya inay u tartamaan qandaraaska baarista shidaalka xeebaha Soomaaliya. Nairobi waxay dunida shidaalka ee dooneyso inay maalgashato dalka maqalsiineysaa inaysan Soomaalidu u madaxbannaanayn dhulkooda weliba Badweynta Hindiya. Siyaasadda dhul ballaarsi ee Kenya waxay xadgudub ku tahay xaquuqa madaxbanaanida Soomaaliya mana laga yeeli doono.

Inkastoo kalluumeysiga sharci darrada uu ka mid yahay dembiyada caalamiga sanad walbana Soomaaliya ay kaga lumto boqollaal malyan oo doolar, haddana uma muuqato in QM iyo dalalka horumaray mid koodna ay gacan wax ku ool ah ka gaysan doonaan mustaqbalka dhow dib u dhiska awoood Dowladda Federalka si ay u hesho qaab dhismeed maamul ka ilaaliya xaalufinta kalluumeysiga sharci darrada ah.

Golaha Amniga QM waa inuu xisaabta ku darsadaa inay jiraan boqolaal baro-dabiici ah oo ay ku soo xiran karaan doomanka xagjirta. Taasi waxay waajib ka dhigaysa in dowladda Soomaaliya gacan lagu siiyo sidii ay u ilaashan lahayd xeebaheedda, si nabada gobolka iyo tan aduunka loo dhowro!

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply