Inta badan, khilaafyada iyo dagaallada ka jira dalalka Afrika, waxaa asal u ah xafiiltanka qabaa’ilka ka dhaxeeya. Qabiilka waa cunsur fidno ku ah horumarka dhaqaalaha, dowlad wanaagga, dimuquraaddiya iyo nabada dalalka soo koraya gaar ahaan kuwa qaaradda Afrika.
Taariikhda waxay ina baraysaa in gumaystaha hortiis dalalka Afrika ay ka jireen boqortooyoyin yar yar iyo saldanado maamula dhul kooban, waxaa lagu qiyaasey in Afrika ay lahayd ilaa 10,000 maamul boqortooyo iyo kooxo kala madaxbannaan oo lahaa luqado iyo caadooyin kala duwan, kuwaasoo ku dhashay labo hannaan: (1) Heshiis bulsho oo dhexmaray qabiillada heyb wadaaga ah, si ay dhexdooda u kala nabadgalaan, iskagana gaashaan buuraystaan cadawgooda ood-wadaagta ay yihiin, (tusaale waxaa u ah hannaankan dadka la yiraahdo Sukuma oo dega woqooyiga Tanzania); iyo (2) Qabiillada waaweyn oo xoog ku maquunsha qabiillada yar yar, kaddibna u dowladeeya.
Iska horimaadyadii u dhaxeeyay qabaa’ilka iyo weliba hoggaamiyaasha saldanadihii yar yaraa waxay wiiqday awooddii difaac dadka Afrikanka ah, taas ayaana u sahashay reer Yurub inay qabsadaan qaaradda Afrika. Waxaa xaqiiqo ah, in gumaystaha Reer Galbeedka ay sii huriyeen khilaafka qabiillada, si ay u sii haystaan Afrika muddo dheer.
Dalalka Afrika markii ay xorriyada heleen, intooda badan waxaa ka unkamay xisbiyo ay qabyaladda sal u tahay, taasoo dhaawacday helitaanka caddaalad iyo dimuquraaddiyada loo siman yahay, islamaarkaasna qaaradda dhaxalsiisay maamul xumo baahsan iyo saboolnimo. Afrikanku waxay qabatimeen habdhaqankii gumeystaha uga tagay ee ahayd “qaybi oo xukun”. Xorriyada kaddib, xaalka dadka afrikanka waxuu noqday in qabiilka ka xoog bato wadaniyaddii!
Dalkeena Soomaaliya, waxaa ka tisqaaday xorriyada kaddib, xisbiyo fara badan oo badankood watay sumad qabiil, waxayna dalka iyo dadka dhaxalsiiyeen dib-u-dhac dhan walba ah, taasina waxay u gogol xaartay in talada dalka gacanta u gasho askarta, mase noqon mid la mahadiyay.
Waddaadii loo maray in talada dalka gacanta shacabka lagu soo celiyo, si xukunkii adkaa ee askarta loo rido, ayaa waxay noqotay “Kud ka guur, oo qanjo u guur,” taasoo loo sababeeyo labo arrimood: (1) Abuuritaanka jabhadihii hubaysnaa oo ka gudbiwaayay heyb qabiil, taas oo keentay inaysan dhalan siyaasad qaran-doon ah; iyo (2) Dalkii ay fariisinka ka dhigteen oo ah Itoobbiya.
Faraggelinta Itoobbiya iyo dawlaha galbeedka oo dabada kaga jira, waxay sababeen in Soomaalidu ay gaari waayday Dibuheshiisiin qaran iyagoo u adeegsanaya xallintaa khilaafaadka hiddohoodi, daqankoodi iyo xeerarkoodi. Tubtaas oo indheergarad badan ku tilmaameen “qaybi oo xukun”.
Dabcan waa maragmaddoonto in siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedyada ay isku bahaysetay in dantooda gaarka ah ay ka hormariyaan tan dadweynaha, waxay sababtay ina dalka uu ahaado dawlad la’aan rubac qarni.
Maantana waxaa muuqata saan saan in dhawr sano kale dib loo noqon doono haddii waddada qabyaaladda la maro oo layska illaawo horumarkii yaraa oo lagu gaaray rabitaanka xoogga leh ee dadweynaha Soomaaliyeed.
Markii ay jabhadihii meesha ka saareen taliskii Siyaad Barre, waxuu dalka galay fowdo horseeday in birta la “iska-aslo”. Toban sanadood kaddib, ayaa shir ka dhacay Degmada Carta ee dalka Jabuuti, lagu soo dhisay “dowlad qabiileed” taasoo xildhibaanada iyo jagooyinka siyaasiga lagu qaybsaday wax lagu magacaabay 4.5!
Dad badan, ayaa u arkayey in hannaanka qaybsiga jagooyinka ku salaysan qabiilka noqon karto xalka keliya ee dib loogu soo celin karo, inay mar kale, dowlad dhexe ay Soomaaliya yeelato. Balse, uusan noqon karin mid muddo dheer sii jiri kara.
Waxaa nasiib darro ah, in labaatan sano kaddib, weli laga gudbi la’ yahay shir beeleed siyaasadaysan iyo dhismo maamul ay sal u tahay qabiil wax ku qaybsi.
Waxaa dhowaanahan soo badanaye shirar beeleedyo la tuhunsan yahay inay shisheeye gadaal ka riixayaan. Waxaa shirarkaas ka soo muuqda wajiyaal aan ku cusbayn dadka Somaaliyeed, kuwaasoo la soo tijaabiyay doorkooda hoggaamineed. Waxay ka qayb-galayaasha ku tirtirsiiyaan inay ku dhaqaaqaan falal wax u dhimaya wadajirka ummada, jiritaanka hay’adaha dowladda iyo weliba jabinta sharuucda dalka (public law orders).
Abaabulayaasha shirar beeleedyadan badidood waxay hoggaamiyaan xisbiyo ama waa xubin xisbi! Halkii ay ahayd inay dhisaan nidaam iyo xisbiyo ku dhisan afkaar iyo mabda’ wax ka taraya horumarka dalka iyo dadka, waxay ka badin la’yihiin in har iyo habeen warbaahinta ka soo tabiyaan hadallo bulshada kala qaybinaya iyo weliba hanjabaad dalka ku celin doonaa burburkii!
Shaki kuma jiro, in dadka Somaaliyeed ay ku jiraan tiro badan, oo leh awood hoggaamin iyo aqoon maamul, balse waxaa isbaaro u dhigtay dambiilayaal siyaasadeed, kuwaas oo aan doonaynin in dalka uu ka gudbo ku haynta xaaladaan “naf-dhowrka ah”. Waayo? Danleyda siyaasadda waxay garan og yihiin, sida uu ku danbeen karo mustaqbalkooda, haddii dalka laga hirgeliyo baratan dimuqraadiyad ku dhisan hannaan caddaalad loo siman yahay.
Haddabba shacabka Soomaaliyeed, maxaa la gudboon, gaar ahaan dhallinyarada?
Waxaa lagu khamaarayo, waa mustaqbalka iyo aayaha ubadka dhalan doona! Waa xilligii layska diidi lahaa in dhalliyarada loo adeegsado duminta qaranka, iyo colaad sokeeye. Waxaa la soo gaaray xiligii ay u midoobi lahaayeen helitaanka xuquuqdooda madaniga ah.
Falanqeeyaasha siyaasadda waxay rumeysan yihiin in dadka Somaaliyeed u baahan yihiin inay sameeyaan “isbeddel bulsho” (culture revolution), taasoo ka dhigan in laga guuro dowlad qabiileedka, loona guuro nidaam asxaab ku tartameysa afkaar wax dhisaysa iyo aragtida dadka tolane ku yihiin.
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.