Waxaa dibadda u soo baxay khilaaf in muddo ah huursanaa oo u dhaxeeyey madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullahi. Khilaafka waxuu salka ku haya dhabbaha loo marayo doorashada heer federal!
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa kol-hore ku baaqay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo madaxda Maamul Goboleedyadda ay shir iskugu yimaaddaan kana arrinsadaan arrimaha doorashooyinka. Waxuu ku taliyay inay labada dhinac kulmaan ka hor inta aysan hor-imaan Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliima Yarey labada aqal ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya (BFS).
Go’aanka Guddoomiye Cabdi Xaashi, durbadiiba waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Gudoomiye ku-xigeenkiisa labaad Xildhibaan Mowliid Guhaad, taas oo sababtay in tiro dhowr jeer uu qabsoomi waayo fadhiyadii Aqalka Sare, khilaafkooda awgii.
Go’aanka Guddoomiye Cabdi Xaashi ma uusan kala qaybin oo keliya Aqalka Sare, balse waxuu labo garab ka dhigay hoggaanka dalka heer federal iyo mid goboleedba!
Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Aqalka Hoose, waxay doonayaan in sifo sharci ah loo maro go’aamada khuseeya doorashada qaranka. Halka Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo madaxda maamul-goboleedyada qaarkood (Jubaland, Puntland iwm) ay doorbidayaan in is-afgarad siyaasadeed lagu wajaho arrimaha doorashooyinka.
Balse, cadaadiska dowladaha taageera Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay (QM) ayaa qasbay in Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb galo shirkii labaad ee Dhuusomareeb, kaas oo war-murtiyeedkii laga soo saaray, uu galaaftay xukuumaddii Kheyre.
Ka hor inta uusan Madaxweyne Farmaajo u safrin Dhuusomareeb, si loo fuliyo ballantii ahayd in 15-ka August ee shirkii saddexaad ee Dhuusomareeb ayuu waxuu warbixin siiyay Aqalka Hoose, isagoo nuxurka khudbadaas lagu soo koobi karo labo qodob: (1) Inuu horey ula gaaray madaxda maamul-goboleedyada heshiis siyaasadeed ee ku qotoma arrimaha doorashooyinka, iyo weliba in shirarka Dhuusomareeb, kow, laba, iyo saddexba yihiin kuwo lagu jabinayo heshiisyadii hore; iyo (2) In Golaha Shacabka uu leeyahay go’aanka ugu dambeeya ee arrimaha doorashooyinka dalka.
Hadal-jeedinta Madaxweyne Farmaajo waxuu cadho ku abuuray dhinacyada ay siyaasada ku xafiiltamaan. Gudoomiye Cabdi Xaashi waxuu ku eedayey in Madaxweyne Farmaajo ku xad gudubay qodobbo dastuurka ah iyo in sal sharci ah aysan ku fadhiyin hadal-jeedintiisa.
Dhanka kale Gudoomiye Cabdi Xaashi waxuu duray shaqsiyada hoggaamineed ee Madaxweyne Farmaajo, kuna sifeeyey inuusan lahayn dabeecad hoggaamiye qaran! Wuxuuna ku gunaanaday hadalkiisa tixo ku jiray heesta “Darajo & xil yaa mudan” oo uu tiriyey Abwaan Cabdidhuux Yuusuf Xassan.
Hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, way ka baaqdeen shirka saddex ee Dhuusomareeb. Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Mudane Saciid Cabdullahi Deni waxay ka qayb galkooda shirka ku xireen labo shardi: (b) Damaanadqaad Beesha Caalamka; iyo (t) Magacaabista ra’iisulwasaare!
Dalabka ku aadan helitaanka damaanadqaadka Beesha Caalamka, kuma cusba siyaasadda Soomaaliya. Horay waxaa u dalbaday Madashii Maamul Goboleedyada ee uu gudoominayay Mudane Cabdiweli Gaas, taas oo abuurantay khilaafka khaliijka kaddib. Balse haatan waxaa dalabkaas boorka ka jafay [dib u soo noolayey] qaar ka tirsan hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah.
Waxaa jira warar xog oggaal ah oo sheegaya, in go’aanka ka baaqashada shirka Dhuusamareeb ee Mudane Axmed Madoobe iyo Mudane Saciid Deni, iyo weliba dalabkooda damaanadqaadka Beesha Caalamka tahay qorshe ay gadaal ka riixayaan Imaaraadka Carbabta iyo Kenya.
Inkastoo, uu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu ka dalbaday Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe inay soo xaadiraan shirka, misna uma muuqato inay oggolaanayaan, maadaama uu Mudane Qoor Qoor ganafka ku dhuftay dalabka damaanaqaadka Beesha Caalamka. Waxaa intaas dheer, in Wasiirka Warbaahinta Galmudug uu isna meesha ka saaray dalabka ah in ka hor shirka 3aad ee Dhuusomareeb la magacaabo ra’iisulwasaare.
Su’aasha haatan taagan ayaa ah, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Waddamada Galbeedka oo daneeya arrimaha Soomaaliya ma ku dhiirran karaan inay Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Mudane Saciid Cabdullahi Deni ugu yeeraan qaswadayaal (spoilers)? Mise waxay cadaadis ku saari doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka, inay baalmaraan dastuurka oo la abuuro gole Maamul Goboleed oo ka awood sareeya Madaxtooyada iyo Baarlamaanka?
Ugu danbeen, Soomaaliya waxay u ooman tahay hay’ado dastuuri ah oo iskaaba, kana shaqeeya danaha qaranka, tixgeliyana xuquuqda muwaddinka oo ay ku jirto xaqa codbixinta. Wakiillada Beesha Caalamka waa inay garwaaqsadaan in “sandareerto iyo madax-salaax” Soomaalida lagu ogolaysiin karin inay ka tanaasulaan dastuurkooda dimuqraaddiga ah iyo gobonimadooda dalka.
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.