Thursday, December 3, 2020
Home Siyaasadda Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya: Sidee Muranku Halkaan uu Ku Gaarnay?

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya: Sidee Muranku Halkaan uu Ku Gaarnay?

Jahwareer ka dhacay guddaha hoggaanka “Nabad iyo Nolol” ayaa halis geliyay dadaalladii doorashada qof iyo cod. Tan iyo furitaankii kalfadhigii 7aad ee Baarlamaarka Federaalka Soomaaliya (BFS) dalku waxuu qarka u saranaa qalalaase dastuur (constitutional crisis) oo ka yimid kala qoqobnaan iyo xiisad siyaasadeed oo salka dhigi la’.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku baaqay June 25ka in xukuumadda, baarlamaanka iyo maamul-goboleedyada ay shir wadatashi ka yeeshaan doorashada federaalka si looga gudbo siyaasadda cakiran.

Taladaas waxaa walaac ka muujiyay madaxtooyada oo malaha qoonsatay habkii guddoomiyaha uu u xushay sanatoorrada Aqalka Sare ee kala hawlgali lahaa wadatashiga. Dhacdadaas ayaa qayb ka ah xasillooni darro siyaasadeed oo ka dhex taagan hoggaanka dalka.

Dowladda oo aan ka warcelin baaqii Cabdi Xaashi ayaa tab u heshay inay ballansato madaxda maamul-goboleedyada. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa June 25, 2020 iclaamiyay in shir wadatashi ah ay madaxda dalka iskugu imaan doonaan caasimadda inta u dhexeysa July 5-teeda ilaa 8-deeda. Balse ma suuroggelin.

Wadatashiga qaran waxaa ​u riyaaqey inta taageersan in dalka lagu dhaqo xeer jajab. Halka tiro Xildhibaanada Golaha Shacabka ay walaac ka muujiyeen in maamul-goboleedyada faraha la soo galaan hawl Dastuurka uusan u idmayn, sida go’aan ka gaarida hannanka doorashada qaranka.

Dimuqraaddiyada weligeedba si habsami leh ugama shaqeynin Soomaaliya. Balse, xaalad waxay dhabaqday kolkii Golaha Shacabka uu July 25dii si la saluugsan yahay ugala noqday kalsoonida Ra’iisulwasaarihii ugu xilheynta dheeraa dalka. Waxaa soo baxay in Golaha Shacabku uu tijaabinayo qaabab looga wareegi karo xeerarkiisa, taas oo ah sharci darro dimoqraaddiyada dalka ku ridi karto jahwareer iyo rajo xumo hubaal la’aanta mustaqbalka.

Haddaba, aanu isweydiinee xageebaa halkaan looga dhaqaaqi doonaa? Ma heli doonaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) fursad uu si wadajir ah (labada aqalba) ugu go’aamiyo doorasho qof iyo cod ah mise waxaa kordhin doona kala qaybsanaanta siyaasadda dalka.

Walow wadatashi qaran oo ka dhaca meel ka baxsan baarlamaanka FS uu yahay mid aan waafaqsaneen Dastuurka dalka, si kastaba qiil ha loogu raadiyee, haddana waxaan taas ka dhicin amase ka daran daciifinta awooda iyo madaxbanaanida hay’adda sharcidejinta oo horseedi karta qalalaase dustuur iyo in kalitalisnimo dimuqraaddi ah (democratic dictatorship) ku soo gurguurto awoodda qaranka.  

Sharciyada iyo xeerarka guud waa inay labada aqal ee BFS soo wada maraan. Sal sharci ah kuma qotomo in Madal Maamul-Goboleed amase Golaha Shacabka ee BFS keligiis go’aan ka gaaro doorasho gundhig u ah masiirka dalka.

Dalka Soomaaliya sida loo xukumayo Dustuurka Ku Meel Gaarka (KMG) ayaa qeexaya. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) waxaa laysku yiraahdaa labada aqal oo kala ah “Golaha Shacabka” iyo “Golaha Aqalka Sare” sida ku xusan qodobka 55aad ee Dastuurka KMG.

Nidaamyada baarlamaanku waxay leeyihiin habab ku dhisan awood wadaag duruufaha noocaan oo kale ah. Labada aqal waxay kala leeyihiin hawlo ku kala qeexan qodobbada 63, 70, 71, iyo 78 ee Dastuurka KMG ah. Hawlgabinta doorka Aqalka Sare ee BFS waa Dastuurka dalka ha loo fidiyo xad aan la ogeyn waxa ka dhalan doona.

Fikradda qabta in Golaha Shacabka leeyahay go’aanka ugu dambeynta ee arrimaha doorashooyinka dalka, ma aha keliya mid ka horimaanaysa nuxurka Dastuurka, balse waxay iska indho tiraysaa ujeeddada loo abuuray baarlamaan federaal ah oo haddana leh laba aqal (bicameral legislature).

Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa ku jahwareeray khilaaf siyaasadeedka u dhexeeya xukumada iyo maamul-goboleedyada, iyo awood la’aanta dowladda dhexe kala kulmayso caqabadaha ka imaanaya maamul-goboleedyada oo qaarkood salka ku haya faragelin shisheeye.

Xiriirka ka dhexeeya awoodaha fulinta (xukuumadda iyo maamul-gobleedyada) Dastuurka ayaa sidoo kale nidaaminaya. Go’aanka madaxweynaha ee doorasho qof iyo cod waa tallaabo muhiim u ah dib u soo celinta doorka muwaaddinka ee siyaasadda dalka sida Dastuurka iyo sharuucda ku cad.

Su’aalo badan ayaa u baahan jawaab. Balse buuqa siyaasadda dalka ka jira ma aha gorgortan, qancin amase awood wadaag ee waa xeelad khatar ah maxaa yeelay waxay ku lug leedahay aragtiyo iyo himilooyin aad u kala fog oo curyaamin (burburin) kara hay’adaha dustuuriga ah.

Soomaaliya waxay u baahan tahay dowlad wanaag iyo dimuqraaddiyad xoog leh oo loo siman yahay. Ilaa ay labada aqal ee BFS si wadajir ah ay dib ugu qabtaan hawlaha loo igmaday, taas oo u muuqata wax aan suuroggal ahayn waqtiga xaadirka ah, balse sahlan haddii madaxweynuhu uu si qumaati ah ugu qumo, inta dalku uusan ku dhicin qalalaase dastuur iyadoo aan la helin madaxkamad dastuuri ah.

Beesha Caalamka oo juhdi weyn gelisay dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaa looga baahan yahay inay gacan ka geystaan (taageero farsamo) sidii dalkan uu u dhisan lahaa maxkamadda dastuurka. Taas ayaa looga gudbi karaa afgarad la’aanta ka dhex taagan hay’adaha dastuuriga ah ee isku heysta arrimaha muhiimka u ah dalka balse is-aamini la’.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Leave a Reply

Most Popular

Soomaaliya Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka?

Toddobaadkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ee la magacaabay November 9dii booqashadii ugu horraysay ee calami ah ku yimid...

Xaliima Aaden oo Dib u Qiimaysay Asturnaanteeda

Xaliima Aaden oo ah gabadh Soomaali-Americaan ah, oo ku soo caanbaxday quruxda “xijaaban” ayaa toddobaadkii dhawaa go’aansatay inay iskaga harto tartamada quruxda...

Iska Caabinta Faragelinta Kenya Maxaa Xigi Doona

Dood-cilmiyeed uu soo agaasimay Machdaka Raas, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka yiri “waa su’aal da’weyn wakhtigeeda ayaan sugaynaa Insha Allah,” ka...

Ololaha Musharrixiinta Madaxtooyada – Maxaa Ka Soo Baxay Maxaase Laga Filayay?

Dhowr iyo toban musharrax madaxweyne oo November 21, 2020 ​uga furmay shir Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho ​si ay uga arrinsadaan siyaasadda dalka ka hor...

Recent Comments

%d bloggers like this: